Toggaherer’s Weblog

JABHADA ONLF OO LA SHEEGA IN AY LABA GARAB U KALA JABEEN .

Posted on: March 4, 2009

JABHADA ONLF OO LA SHEEGA IN AY LABA GARAB U KALA JABEEN .

London 03 March 2009 (THN)

Afhayeen u hadlay Jabhada Hubasysan ee ONLF ayaa dhaleeceeyay Dawlada Ethiopia, isla markaana Qiray in Ururka dhawaan dib loo Balaadhindoono, waxa kaloo uu aad uga hadlay in Gudoomiye Cusub loo Magcaabay Jabhada kaasi oo lagu Bedelay Mr Doolaal oo ay dhawaan dileen Ciidamada Ethiopia.

Jabhada Hubaysan ee Dagaalka Ba”an kula Jirtay Dawlada Ethiopia ee loo Yaqaan ONLF ayaa la sheegay inay Laba Garab ukala Jabtay ka dib markii dhawaan dilk Qarsoodi ah lagu dilay Gudoomiyihii Ururkaasi Alla Ha U Naxariistii Maxamed Siraad Doolaal oo ay dileen Ciidamada Ethiopia.

Gudoomiyaha Jaliyada ONLF C/Wali Xuseen Gaas oo maanta Waraysi dheer siiyay Laanta Af-Somaliga ee BBC-da ayaa sheegay in la dhisayo, Ururka isla markaana ay Jiraan Kuwa Ethiopia, Gacan saar xoogan la leh, kuwaasi oo u eedeeyay inay ka danbeeyeen dilkii Mr Doolaal.

Waxa uu sheegay Masuulkaasi ONLF u hadlay in Eng Salaaxudiin Macaw loo Magcaabay Gudoomiye isla markaana dhamaan la Bedelayo, Golaha dhexe iyo kuwa Fulinta, waxa uu aad uga hadlay inuu Ururkaasi mar Qarka u is Taagay Bur Bur ay u Horseedeen kuwa uu ku Tilmaamay u Adeegayaa Cadawga ah.

Dhanka kale waxa uu eedeeyay Maxamed Cumar Cismaan markii Hore la sheegay inuu Marxuun Dolaal Bedelay Balse Masuulkan Hadlay ayaa Beeniyay inuu Maxamed Cumar ahayn Gudoomiyaha Ururkaasi Hubaysan isla markaana uu masuul ka Yahay dilkii Saraakiil sar sare oo ONLF laga dilay.

Wali wax war ah kama soo Bixin Garabka kale ee ONLF kaasi oo la edeeyay Maxamed Cumar oo lagu eedeeyay inuu Lug wayn ku Lahaa, dilal badan oo ka Jabhada ONLF, dadka Indha Indheeya dhaq dhaqaaqa Ururkaasi ayaa leh, hadii uu sii Kala Jabo Ururkaasi laba dhinac waxa Suuroobi Karta inay Ciidamada Ethiopia si sahlan uga Faa iidaystaan.

Waraqabdka Togaherer
London
UK

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: