Toggaherer’s Weblog

ISU SOO BAX UU ABAABULAY XISBIGA KULMIYE OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BURCO

Posted on: March 4, 2009

ISU SOO BAX UU ABAABULAY XISBIGA KULMIYE OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BURCO

“Sida Aad Ka Waryhaysaan Hogaanka Guud Ee Xisbiga Go’aankii Uu Gaadhay Ayeynu Taageeraynaa”
Waxaa maanta ka dhacay magaalada Burco isku soo bax balaadhan oo ay soo abaabuleen maddaxda xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer, waxaana halkaasi isugu soo baxay boqolaal taageerayaasha xisbiga Kulmiye ah.

Dadka isku soo baxan muujinaayey ayaa ahaa kuwo ay ku muuqato xamaasad badan iyo dareenkooda oo ahaa mid kacsan, dadkaasi ayaa u badnaa Dumar, Dhalinyaro, Waayeel ka mida taageerayaasha Kulmiye ee Gobolka Togdheer.

Mudaharaadkaasi intii aanu bilaamin ayaa waxaa goobta isugu soo baxay ciidamada booliska Gobolka Togdheer, isla markaana goobta ka kaxeeye Gudoomiyaha Kulimiye ee Gobolka Togdheer Sahal Aadan Max’ed.

Xadhiga Gudoomiyaha waxaa cabasho ka muujiyey taageeraysha Xisbiga Kulmiye ee ku sugnaa fagaarha, xadhiga Gudoomiyaha ayaa waxaa laga soo amray xafiiska looga arimiyo Gobolka sida ay noo xaqiijiyeen dad u dhuun daloola arimaha Gobolka.

In kastoo aanu waxa ka weydiiniye gudoomiyaha xadhigiisa balse uu ka gaabsay in uu ka bixiyo wax faah faahin, isaga oo sheegay in goor dhaw ay ka soo saari doonaan jawaab xidhgiisa.

Saacado ka dib ayaa waxaa la soo daayey Gudoomiye Sahal Aadan Max’ed, waxaanu halkaasi ugu horayn dadka u sheegay in ay is dajiyaan oo ay nidaamka iyo kala danbaynta ilaaliyaan.

Mar aanu u kuur galnay in aanu wax ka weydiino maamulka gobolka xadhiga gudoomiyahay ayaan noos suro gelin cilada xaga is gaadhsiinta ah awgeed.

Geesta kale waxaa noo suurgo gashay in aan wax ka weydiinay Gudoodmiye sahal xadhiga maanta lala beegsaday waxaanu yidhi

“ Xalay fiidkii ayaanu ku war gelinay in aanu bari leenahay isku soo bax maamulka Gobolka, isla markaan waxaan ku idhi sidaas ula soco maadama oo aad tahay gudoomiyhii Gobolka, waanu naga aqbalay, balse xalay goor danbe ayuu ila soo hadlay maamulka Gobolka waxaanu igu yidhi:- markii aanu eegnay xeer hoosaadka, runtii anigu ma garanayo xeer hoosaad halkan yaala ee sida aan qabo waxa uu la hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo maddaxweyne Riyaale, waxaanu dib iigula soo noqday go’aan ah in aan bari la qaban Karin isku soo baxayaga” intaas ayaanu isku af-dhaafanay oo saaka aniga oo jooga goobta la iikeenay boolis kadibna laygu yidhi uu waad xidhan tahay gudoodmiye kadibna saacado ayaan xidhnaa”

Gudoomiye Sahal oo ka hadlaaye isku soo baxan ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii

“ waxaanu u adkaysan weynay cabashada ka soo yeedhaysa taageerayaasha xisbiga, iyaga oo telephones inta badan nagu dawakhiyey, Markaas waxaanu iidinku yeedhay in aanu halkan idiinku sheegno, sida aad ka waryhaysaan hogaanka guud ee xisbiga go’aankii uu gaadhay ayeynu taageeraynaa marka koowaad waxaanu leenahay ma ogolin wax koradh-siimo ah doorashadiina diyaar ayaanu u nahay ee ha la qabto”

Sahal Axmed Aadan, waxa kale oo uu dhiiri gelin u soo jeediyey taageeryasha faraha badan ee isugu soo baxay goobta, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii mar kale:-

“ Waxaynu la soconaynaan oo aaynu xaal kooda ka war haynaynaa hogaanka xisbigeena wixii ay heshiis la galaan ha ahaadaan seddexda xisbi qaran ama golayaasha qaranka, haddii ay doorasha noqoto wey ina hor iman hadii wax kale oo laga maarmi waayo noqotana way ina hor iman, qofkasta oo ka mida taageeryasha xisbiga waxaan leeyahay yaanay qalbigaaga waxba gelin sababta oo ah wax-isbadali ma jiraan, sidaas ayeynu isku ogaanaynaa”

Geesta kale isku soo baxan balaadhan ee xisbiga Kulmiye waxaa ka soo qayb galay masuuliyeen kala duwan oo ka mida xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka mida xubnaha guddiga fulinta ee xisbiga Kulmiye, isaga oo halkaasi ka soo jeediyo war bixino ku saabsan arinta doorashada ee uu batay dib u dhaceedu waa sida hadalka loo dhigaye.

Xafiiska Wararka ee Goljano.com
Burao/Somaliland
Ibraahim Abdirahman Qaasim
Qaasim
Qaasin05@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: