Toggaherer’s Weblog

CIIDAMADA MARIINISKA MARAYKANKA OO BUDHCAD BADED KU WAREEJIYEY PUNTLAND

Posted on: March 4, 2009

CIIDAMADA MARIINISKA MARAYKANKA OO BUDHCAD BADED KU WAREEJIYEY PUNTLAND

Bosaaso 03 March 2009 (THN)
Ciidamada Marines-ka Maraykanka ayaa howlgal ay sameeyeen waxey ku soo qabteen 9-ka mid ah Burcad badeed Soomaali ah oo howlo Burcad Badeed gacanta kula jiray.

Markab dagaal oo laga leeyahay Mareykanka oo ka mid ah maraakiibta ku jirta hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee ka soconaaya Xeebaha Soomaaliya, ayaa ku soo xirtay Dekadda Boosaaso meel ku dhow, waxaana markaasi saran koox Burcad badeed Soomaali ah oo ay soo qabteen Ciimada Marines-ka Mareykanaka ay soo qabteen.

Buracd badeeda ay soo qabteen Ciidamada Maraykanka ayaa la sheegayaa inay tiradooda gaarayso ilaa 9-Buracd badeed ah, waxaana dhamaantood lagu wareejiyay Maamulka Goboleedka Puntland.

G/Sare Maxamed Siciid Jaqanaf oo ah Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay in xiriir ay la soo sameeyeen ciidamada Mareykanka Dowlad Goboleedka Puntland ay ku timid soo wareejinta burcaddan, wuxuuna carabka ku dhuftay in Burcadaasi la dhigay dhamaantood Xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta ammaanka Puntland u qaabilsan ayaa cadeeyay in Burcaddan la soo taagi doono dhawaan Maxkamad si loogu qaado dembiyagooda, waxyna arrintaan ku soo aadaysaa iyadoo maxaabiis Burcad badeed ah laga sii daayay xabsiga Boosaaso kadib markii arrinkaasi amray Madaxweynaha Puntland.

Baashe Maxamed Yusuf
Boosaaso
Puntland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: