Toggaherer’s Weblog

CIIDAMADA MARIINISKA DEUTSCHLAND OO GACANTA KU DHIGAY 10 BUDHCAD BADEED AH .

Posted on: March 4, 2009

CIIDAMADA MARIINISKA DEUTSCHLAND OO GACANTA KU DHIGAY 10 BUDHCAD BADEED AH .

Dachau 04 March 2009 (THN)

Ciidamada Badda wadanka Deutschland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen illaa 9-ka mid ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida kuwaasi oo weerar ku qaaday markab xamuul ah oo marayay gacanka Cadmeed.

Ciidamadda wadanka Deutschland waxaa ay sheegeen in ay ka jawaabeen qeylo dhaan uga timid markabka lagu magacaabo MV Courier oo ah markab xamuul ah oo laga leeyahay shirkad saldhigeedu yahay magaalada Hamburg ee dalka Germany oo dhinaca maraakiibta Qaabilsan.

Markabka la weeraray waxaa uu sheegay in ay soo weerareen kooxo burcad badeeda ah oo ku hubeysan qoryaha cul culus isla markaana waatay doonyo dheereeya.

Shalay ayeey aheeyd markii ciidamada badda wadanka Mareykanka ay kooxo burcad badeed ah oo gaaraya 9-ruux ay ku wareejiyeen maamul goboleedka Puntland waxana inta badan kooxaha burcad badeeda ayaa afduubta maraakiiba si ay uga helaan lacago madaxfurasho ah.

Sida aynu wada ogsoonahay hadii ay sida ku sii wadaan ciidama mariiniska dalalka reer galbeedka waxaa hubal ah in ay dabar goayn doonan budhcad badeeda in kastoo ay iyaga laftoodu yihiin budhcad aan cidna wax ka qaban karin oo ay si hoos hoos ah xaalufin uga wadaan xeebaha Somalia taas oo kaluunka laga raro aad ku arkayso wadamada reer Yurub iyo Amrika .

Xafiiska Togaherer
Dachau Bayern

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: