Toggaherer’s Weblog

XAFALAD LAGU SOO DHAWAYNAAYAY MADAXADA XISBIGA UCID OO KA DHACADAY LONDON

Posted on: March 3, 2009

XAFALAD LAGU SOO DHAWAYNAAYAY MADAXADA XISBIGA UCID OO KA DHACADAY LONDON

London 02 Mar 2009 (THN)
Waxaa xalay lagu qabtay xaafada Acton ee galbeedka London munaasibad soo dhwayn ah oo loo sameeyey wefti ka socda madaxda xisbiga UCID oo dhawaanahan socdaan kala duwan ku maraayey qaar ka tirsan dalalka Yurub iyo Amerika oo uu hogaaminaayo guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Munaasibadan ku saabsan aqoonisweydaarsi oo ay soo abaabuleen Garabka haweenk Uk ee xibsiga UCID waxaa ka soo qaybgalay guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, Adan Maxamed Mire (waqaf), Guddoomiyaha garabka haweenka ee qaarada Yurub Marwo Caasha Xuseen Maraykan, murashaxa Madaxweyne xigeenka UCID Dr Maxamed Rashiid Sheekh, xoghayaha gobolka Hargeisa C/naasir, farduus oo ka tirsan garabka haweenka ee gobolka Sanaag iyo xubno kal eoo ka mid ah garabka haweenka ee UK.
Eng Faysal Cali Waraabe oo hadal kooban munaasibadaas ka jeediyey ayaa kula dar daarmay taageerayaasha xisigiisa eek u nool London in ay muujiyaan wadajirka iyo midnimada Somaliland oo aanay soo dhawayn oo keliya masuuliyiinta xisbiga UCID ee ay soo dhaweeyeen cidkasta oo ka tirsan madaxda saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira, isagoo sheegay in taasi ay ka qayb qaadan karto in loo mideysnaado danta dalka iyo weliba siddii meesha looga saari lahaa caadifada qabyaalada ee dadkeenu ku dhaqmaan.
Eng Faysal Cali Wraabe oo su’aalo aad u tirro badan lagu weydiiyey munaasibadaas ayaa sheegay in haddii tallada dalka ay ku guulaystaan ay ahmiyada koobaad siin doonaan siddii bulshada loogu abuuri lahaa shaqooyin, isla markaana loo daryeeli lahaa dadka dhaqaale ahaan aadka u liita iyo weliba wax ka qabashada caafimaadka, waxbarasha, biyaha iyo dhamaanba baahiyaha aas-aasiga ah ee bulshada.
Waxa isna hadalo qiimo badan xanbaarsan madasha kazoo jeediyey gudoomiye kuxigeenka kowaad ee xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Adan Maxamed Mire (Waqaf) oo hadalkisii ku bilaabey mahadnaq u usoo jediyey dhamaan dadkii xafladan aqoonisweydaasiga soo qabanqabiyey isagoo aad ugu dheeradey haweenka Somaliland ee ku nool qurbaha iyo dhibatada haysata, dhalinyarada oo hadaney hooyooyinku dedaal badan sameynin aan waxba laga qaban Karin isagoo soo qaadey in walidku had iyo jeer isku dubnadaan oo dantooda ka hormariyaan ta caruurtooda iyo gurigooda, waxa kale oo gudoomyie kuxigeenku sheegay in xisbigan UCID uu ku dedaali doono in haweenka xuquuqdooda aan la duudsin.
Guddoomiyaha garabka haweenka ee qaarada Yurub marwo Caasha Xuseen Maraykan, ayaa ka warbixisey socdaalkii weftigu ku soo mareen dalal badan oo ka tirsan Yurub iyo waxyaabihii ay kala kulmeen, waxaanay sheegtay in dhammaanba dalalkaas ay soo mareen si fiican loogu soo dhaweeyey, isla markaana ay la kulmeen qaar ka tirsan madaxda dalalka ay soo mareen oo aanu kala hadalay bay tidhi doorashooyinka la filaayo in ay dalka ka dhacaan iyo qaabka ay dalalkaasi gacan uga geysan karaan ka midho dhalinta dimuqraadiyada Somaliland oo ay sheegaty in dawladahaasi aad u danaynayaan qabsomida doorashada Somaliland isla markaana ay il gaara ku hayaan.
Caasha Xuseen waxaa ay shegatay in kulamadii kala duwanaa iyo shirarkii ay la yeesheen taageerayaasha xisbiga ee dalalkaasi ay ahaayeen qaar lagaga wada hadlay siddii taageerayaasha xiosbigu ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka soo socda, isla markaana ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta dalka.
Caasha Xuseen waxaa ay sido kal ka warbixisey waxqabadka garabka haweenka ee xisbiga oo ay sheegatay in ay haweenka UCID ee Yurub ay yihiin qaar markasta ku dedaala isku xidhnaanta iyo ka midho dhalinta himilooyinka xisbiga, iyadoo intaa raacisey in ay guddoomiye ahaan ku guulaysatay in ay xisbiga u soo jiido taageerayaal fara badan oo ay sheegaty in ay ku qanceen ajandaha xisbiga.
Waxaa kale oo iyana munaasibadaas ka hadashay Farduus oo ka tirsan garabka haweenka ee Gobolka Sanaag, kana mid ahayd weftiga booqashada ku tegay London. Farduus waxaa ay ka hadashay kaalinta haweenka Sanaag ay ka geystaan barnaamijyada horumarineed ee deegaanka iyo xisbgaba, iyadoo sheegtay in haweenka Sanaag ee Xisbiga UCID ay taakulayntii ugu horaysay ka geysteen qaraxyaddii dalka ka dhacay 29kii Octoper.
Waxaa iyaguna madashaa ka hadlay qaar ka tirsan taageerayaasha garabka haweenka ee UK, oo amaan ballaadhan u soo jeediyey guddoomiyaha garabka haweenka ee Yurub Caasha Xuseen Maraykan oo ay ku sheegeen in ay tahay qof karti iyo wax qabadba ku soo kordhisey haweenka xisbiga iyo taageerayaashiisaba
UCID MEDIA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: