Toggaherer’s Weblog

WARAYSI:- XOGHAYA GUUD EE XISBIGA KULMIYE KAYSE XASSAN CIGE

Posted on: March 3, 2009

WARAYSI:- XOGHAYA GUUD EE XISBIGA KULMIYE KAYSE XASSAN CIGE

March 03, 2009 “Haa’ayda Kaliya Ee Wadanka Si
Sharciya Uga Jirtaa Waa Golaha Baarlamanka, Sidaas Daraadeed Waa In Ay
Iyagu Xilkii La Wareegaan Oo Cida Ay U Gartaan Ku Wareejiyaan Oo
Xukumada Ku Meel Gaadha La Dhisaa”

Hargeysa/Goljano.com, Waxaanu habeenkii xalay aanu waraysi kooban la
yeelanay xoghaya guud ee Xisbiga Kulmiye Md Kayse Xassan Cige,
waraysigaasi oo Madaxa wararka ee Shabakadda Goljano.com Ibraahim
C.raxmaan Qaasim uu Khadka Tilifoonka kula yeeshay Xoghayaha, ayaa waxa
uu taabanaya arimaha doorashooyinka ee dib loo dhigay iyo sida Kulmiye
ahaan ay u arkaan.

Waxaanu waraysi-gaasi u dhacay sidan hoose ku xusan:-

S. Xoghaye, Sideebaad xisbi ahaan u aragtaan mudada komishanku ku
kordhiyey wakhtigii hore ee loo cayimay in ay qabsoonto dorashadu?

J. Horta Qaasim, runtii waxaa muhiima in la kala saaro laba arimood,
midi waxa waayeen qabsoomida doorashada, midina waxa weeyaan wakhtiga
uu ku eeg yahay ama ay ku eegtay xilka xukumadu, sidaas daraadeed marka
laga hadlayo qab soomida doorashada anagu xisbi ahaan waxba kama qabno,
balse inta ka horaysa 06 April oo ah wakhtiga ay ku eegtay xilka
maddaxtooyadu hadii ay doorashadu qab-soonto inta ka horaysa shir kasta
waanu ka qayb galaynaa, horena waanu u cadaynay, balse wixii 06 April
ka danbeeya anagu uma aqoon sanin xukumad.

Komishanku waxay yidhaahdee seddex bilood ka dib ayaa la qabanayaa
doorashada oo ku beegan 31 May, taasina waxay ku tusaysaa in la dul
maray oo la dhaafay xiligii uu xilku kaga eekaa xukumadu”

S. War-saxaafadeed ka soo baxay maddaxtooyada ayaa sheegaya in aan la
ogalayn sharici ahaan xukumada ku meel gaadh ah, arintaasi side baad u
aragtaan xisbi ahaan?

J. Marka la leeyahay sharciga kuma taalo, marka hore inaga dastuurkeenu
(constitution) waxaa jira qodob u baahan in laga bixiyo tafaasiil oo la
sharaxo oo wali dastuurku waa mid qaydhin ah oo aan is-haysan, balse
marka aad xaqiiqada u soo noqoto barigii 15 May ee maddaxweynaha xilku
uu kaga-dhamaa waatii lays qab qabsaday ee kadibna Golaha guurtidu u
kordhiyey ee ay waliba markhaatiga ka ahaayeen oo ay goob joog ahaayeen
haa’yaduhu ee lagu hesheeiyey in doorashada la qabto 29 March 2009 isla
markaana ay ku heshiiyeen seddaxda xisbi qaran.

Qodobadii markaas lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa in la sameeyo gudi
farsamo oo ka tirsan seddexda xisbi KULMIYE, UDUB, UCID, gudigaas oo
loo xil saaray in ay daba galaan dhaqaalaha doorashada sida, gaadiidka,
shidaalka, sidaas daraadeed labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID gudigoodii
wey keeneen balse UDUB ilaa iyo hada waxba lagama hayo, taasna
macnaheeduu waxa weeye UDUB ma ogala in la-daba galo tusaale ahaan
waxaa ka mida media-yaha dalka yaala xukumada ayaa isticmaasha oo waa
la ogyahay nina kama qarsoona haday noqon lahayd Tv iyo Radio labadaba
xataa mucaaridka looma ogala. Wixii seddexda xisbi iyo komishanku ku
soo heshiiyey dawalda ayaa bursisay.

Dhanka kale lixda April ayuu xukinki dhacayaa, markaa haa’ayda kaliya
ee wadanka si sharciya uga jirtaa waa Golaha Baarlamanka, sidaas
daraadeed waa in ay iyagu xilkii la wareegaan oo cida ay u gartaan ku
wareejiyaan oo xukumada ku meel gaadha la-soo dhisaa”

S. Shirkii maanta ay yeesheen Komishanka Qaranku Kulmiye ahaan
kamaydaan qayb gelin iyada oo laydin ku yeedhay, markaa maxaad ku
saluugteen shirkaas xoghaye?

J. Waxaanu uga qayb-gelin weyne, koomishanku waxay yidhaahdeen
doorashadu waxay qabsoomaysaa 91 cisho kadib oo ah ilaa 31 May taasina
waxay daba martay mudadii ay maddaxweynaha iyo maddaxweyne Ku-xigeenku
xilka hayeen, mar hadii ay daba martay wakhtigii uu xilku kaga eekaa
xukumada oo ku beegan 06 April, runtii markaa anagu sabab aanu uga qayb
gali karno maaha taasi oo waa arin sharci daro ah qoraalna waan u
gudbinay komishanka hada ka hor.

S. Ilaa hada xisbi ahaan mudada cusub ee maanta koomishanku ku dhawaaqay maxaad ka soo saarteen?

J. Haa waxii aanu ka soo saarnaay barito ayay jaraa’idka ku soo bixi
doonaan, waxaanan ku cadaynay in aanaan doorasho diid ahay sida loo
fasilay, balse shalay toole markii ay komishanku la shirayeen xisbiyada
anagu maalin ka hor ayaanu u sheegayn mawqif-kayaga, anaga oo ugu
sheegayn sitoosa oo waliba faah faah san, kadibna komishanku waxay
sheegeen in ilaa hada aan la bilaabin hawshii server-ka oo ah
halbawlaha kaliye ee lagu ogaan karo tirade dadka is-diwaangelisay,
waxa kale oo ay sheegeen in aanay soo gaadhin agabkii loogu talo galay
doorashada, markaa intaas ayey sabab uga dhigayaan in doorashadu ku qab
soomi weydo xiligeedii, maanta waxay komishanku leeyihiin waxaanu ka
shaqaysiinay Server-kii, waxay taasi u muuqata in komishanku labadii
maal-mood ee u danbeeyey in ay marba af-gooniya kugula hadlayaan”

Xafiiska Wararka ee Goljano.com
Burao/Somaliland
Ibraahim Abdirahman Qaasim
Qaasim
Qaasin05@hotmail.com

XIGASHO GOLJANO

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: