Toggaherer’s Weblog

MASHRUUCA HORUMARINTA IYO DHISMAHA DEKEDA MAYDH

Posted on: March 3, 2009

MASHRUUCA HORUMARINTA IYO DHISMAHA DEKEDA MAYDH

Waxaa ka dhacay magaalada Calgary shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Wasiirkii hore ee Duulista iyo Gaadiidka Cirka, Mudane Maxamed Cabdi Xuseen (Ina Cabdi-Dheere) oo socdaal shaqo beryahan ku marayay gobollda Canada, Maamulaha Shirkada Dhismaha ee Kaah Construction & Real Estate Company Mudane Ibrahim Kaahin Ahmed;Wakiilka Shirkada Dahabshiil ee Calgary Mudane Yusuf Jama, Madaxa Jaaliyada S/Lanad ee Calgary, Mudane Khadar Aden “Barbaraawi”, aqoonyahano, ganacsato, odayaal iyo waxgarad kale oo badan.

Shirkaas oo ka socday February 21-22 Huteelka Days Inn ee magaaladan Calgary, ayaa waxaa lagaga wada hadlay arimo la xidhiidha sidii loo hourmarin lahaa loona maalgashan lahaa gobollada dalka.
Ugu horeyn waxaa shirka warbixin guud ka siiyay oo hadal dheer halkaa ka jeediyay Mudane Maxamed Cabdi Xuseen kana waramay xaalada uu hada dalku ku jiro dhaqaalaha hoos u dhacay, shaqo la’aanta doorashooyinka fooda inagu soo haya iyo sida loogu baahanyahay dadka qurbajooga ahi in ay ka qayb qaataan maalgashiga, siyaasada, talada, waxtarka iyo hogaaminta dalkooda oo aanay ku eegin oo qudha dadka dhulkii jooga iyo maamulkan hada dalka hogaamiya.

Waxa kale oo uu ka hadlay baahida guud ahaan dalka ka taagan ee u baahan in wax laga qabto kolka ay noqoto buu yidhi shaqo la’aanta, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, iyo tayaynta kaabaha dhaqaalaha ee ay ka mid yihiin biyaha, wadooyinka, madaarada, ilaalinta deegaanka iyo dekedaha.

Waxa kale oo uu ka hadlay Mudane Maxamed Cabdi-Dheere, baahida loo qabo in la dhiso jidka Hargeysa – Burco iyo Burco – Ceerigaabo iyo baahida xoogan ee ay gobollada barigu u qabaan in loo hawl galo sidii loo dhisi lahaa Dekeda Maydh oo ku tilmaamay in ay wax badan ka tari doonto gaar ahaan horumarinta dhaqaale, ganacsi iyo shaqo ee gobollada Bariga iyo guud ahaanba dalka Somaliland.

Waxa kale oo Wasiirkii hore ee Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawadu, Mudane Maxamed Cabdi-Dheere tilmaamay in ay hawlahan horumarinta kaabaha dhaqaalaha ay tahay hawl u taalay mudo badan xukuumada Riyaale oo ay ahayd in ay wax ka qabtaan iyagoo buu yidhi Xukuumadu balamo badan u qaaday gobollada Bari iyo Galbeedba in ay wax ka qabanayso arimahan la xidhiidha horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, hase yeeshee buu yidhi ay ku guuldaraysteen fulinteeda. “Waxa dadka la gudboon gudo iyo dibedba in aynu gacmaha isqabsadaan waxna wada qabsadaan oo aynu gacanteena, aqoonteena iyo maalkeena ku dhisano dhulkeena uguna horeysiinaa Dekeda Maydh iyo jidka Ceerigaabo-Buro” sidaa waxaa hadalkiisii ku soo gunaanaday Wasiirkii hore ee Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawadu, Mudane Maxamed Cabdi-Dheere.

Maamulaha Shirkada Dhismaha ee Kaah Construction & Real Estate Company Mudane Ibrahim Kaahin Ahmed ayaa isaguna halkaa ka sheegay in ay shirkadda KAAH oo ka howlgasha dhamaan gobalada Somaliland kana qaybqaadata mashaaricda wadanka laga hirgeliyo ay si baaxdale uga qaybgeli doonto Mashruuca Horumarinta ee Dhismaha Dekeda Maydh.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay aqoonyahano, odayaal iyo ganacsato ay ka midyihiin Mdne Saleebaan Yaasiin Weyrah, Maxamed Ahmed Wacays, Axmed Cali Cismaan, Yusuf Jama, Khadar Aden “Barbaraawi”, Maxamuud Iidan, Cabdillahi Egeh “Wayrah”, Cabdillahi Cali Dankeli, kuwaas oo dhammaantood sheegay in ay lagama maarmaan tahay in loo hawlgalo sidii loo dhisi lahaa dekdeda Maydh.

Waxa gabagabdii uu shirku isla gartay oo laysla qaatat in:

1. La dhiso Shirkad lagu magacaabo “Maydh Port Development Project Inc.”
2. La magacaabo gudo soo diyaarisa hawgelinta shirkada
3. Lala xidhiisho dadka aqoonta u leh dhismaha dekedaha
4. La soo sameeyo Daraasad mug leh “Feasibility study”, lana hawl geliyo dad aqoon u leh cilmiga dekedaha
5. Laga qayb geliyo dhammaan dadka danaynaya in la hirgeliyo mashruucan
6. Dawlada Somaliland lagula xisaabtamo waxqabadkeeda laguna dirqiyo in ay oofiyaan ballanqaadyadii ay hore ula galeen gobollada, laguna halayn horumarinta kaabaha dhaqaalaha ee abuuraya shaqada iyo habsami u socodaka ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha
7. In Kharashka ku baxaya daraasada iyo sahaminyta hore (Feasibility Study) ay iaka kaashadaan reer Calgary iyo Mudane Maxamed Cabdi Xuseen.

Mohamed.mohamed@Shaw.ca
Tel:(780)757-3097

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: