Toggaherer’s Weblog

KOBCISO AQOONTAADA CAAFIMAAD: DAAHIDDA HADALKA IYO HADAL LA,AANTA CARUURTA

Posted on: March 3, 2009

KOBCISO AQOONTAADA CAAFIMAAD: DAAHIDDA HADALKA IYO HADAL LA,AANTA CARUURTA

Dib u dhac ku yimaado cod soo saarista iyo hadalka caruurta waxay calaamad u noqon karaan cudurro dhowr ah.
cudurradaasi waxaa ka mid ah hawlgab maskaxda, soo daahidda hadalka ee guud, dhagoolnimada, dhib xagga luqadda ah, dhibaato nafsaani ah, gooniyowga caruurta iyo jug maskaxda gaartay.

Dib u dhaca hadalka waxaa kaloo keeni kara, laba luqad lahaanshaha, sida hooyo iyo aabbo ku hadlo luqado kala duwan.

Dib u dhaca hadalka caruurta waa mushkilad saameysa ilaa 10% caruurta dunida ku nool.
Dib u dhaca hadalka caruurta waxaa 3 ilaa 4 jeer uu ku badanyahay wiilasha markii loo fiiriyo gabdhaha.

Maxaa keeno dib u dhaca hadalka iyo hadal la’aanta

Dhacsanaan miyireed (ilmo ku dhashay maskax yari, tanina waxaa ka fahmi kartaa dhaqanka caruurta aan hadlin sida ay u dhaqmayaan)

Dhago la’aanta (Hadalka waxay ilamaha ku bartaan dhagaysiga, haddi ilmuhu dhagool yahay, hadalka wuu ka soo daahaa)

Cuuryaannimo maskaxeed (cudur ku dhaco caruurta markii madaxa dhaawac ka gaaro oo leh hadal la’aan wato cuuryaannimo)

Dhakaakaha iyo gooniyowga (Waa xaalad ay sababto xanuun jir ahaaneed ee maskaxda taas oo soo baxda saddex sano ee qofka noloshiisa ugu horeysa, calaamadaha waxaa ka mid ah carqalad jir ahaaneed, bulshada iyo xirfada luqadda, dareemayaasha oo aan si caadi aheyn u jawaaba, iyo xiriirin qeyri caadi ah ee dadka, sheeyada iyo dhacdooyinka.

Hooyo la’aanta iyo bulsho ka go’ista (Ilmaha oo waayo naxariista iyo jaceelka waalidiinta)

Cudur ku dhaco maskaxda sida qoorgooyaha iyo maskax bararka.

Hormarka caadiga ah ee hadalka

1 ilaa 6 bilood: wuu hadaaqaa

6 ilaa 9 bilood: Faruuryaha ayuu cod ka soo saaraa

10 ilaa 11 bilood: codadka ayuu dhaajiyaa

12 bilood: hooyo iyo aabo ayuu dhahaa isagoo macnaheeda fahansan

13 ilaa 15 bilood: afar ilaa 7 kalmadod ayuu dhihi karaa

16 ilaa 18 bilood: 10 kalmadood ayuu dhihi karaa

19 ilaa 21 bilood: 20 kalmadood ayuu dhihi karaa

22 ilaa 24 bilood: 50 kalmadood, wuxuu weero ka suubin karaa laba kalmadood, hadalka caruurta xilligaan way fahmi karaan dadka oo dhan.

2 ilaa 2 1/2 sano: 400 kalmadood oo ay ka mid tahay magacyo iyo weero ka kooban 3 kalmad.

2 1/2 ilaa 3 sano: wuxuu dhihi karaa weero ka hadlaysa wax tagay, wuu kuu sheegi karaa da’diisa, weero ka kooban 5 kalmadood wxuuna tirin karaa.

3 ilaa 4 sano: su’aalo ayuu ku weydiin karaa, wuu sheekeyn karaa.

4 ilaa 5 sano: wuxuu magacaabi karaa ilaa 4 midab, weero ka kooban 9 kalmadoodne wuu dhihi karaa.

Baaritaanka hadal la’aanta
Waxaa muhiim ah in la kala saaro hadal la’aanta iyo luqad barashada caruurta, waalidiinta qaar ilmaha hadii aan la fahmin luqaddooda ama dhib ay ku tahay in sida caruurta kale u hadlaan waxay u maleeyaan in mushkilad ka heysato hadalka.
Hadii cunugu cod sameyn karo, haba fahmin luqadiisa waxaa mushkilad ku hayo luqadda, laakiin haddii uusanba kalmad oran karin waa in aad ka walwashaa markaas.
Cunugga qabo mushkillada hadalka ama luqadda waxaa ku haboon in loo geeyo aqoonyahan codeed (speech therapsit) ama dhakhtar caruur si loo ogaado waxa dhibka u keenay.
Waa in la fiiriyaa calaamadaha kale ee la socdo hadal la’aanta uguna muhiimsan tahay in uu wax maqlayo.
Waa in la fiiriyaa in korriinka caruuta ay caadi tahay uusanne qabin cudur dhaxal ah.

Sidee loo daaweyn karaa hadal la’aanta caruurta?
Daaweynta waxa ay ku xirantahay wixii ka soo baxo baaritaanka.
Dib u dhaca hadalka caruurta in lagu guuleysto waxa ay ku xirantahay in waqti hore la billaabo daaweynteeda iyo la tacaaliddeeda.
Waa in aad la xiriirtaa sida ugu dhakhsiyaha badan dhakhtar ku taqasusay hadalka iyo tababarka caruurta maxaa yeelay hadal la’aanta caruurta waxay saameyn

ku leedahay korrinka maskaxdooda iyo waxbarashadoodaba.
Si loo xalliyo mushkiladaan waa in ay iska kaashadaan dhawr qof, dhakhtarka caruurta, tababare hadal, macallimiinta iyo waalidiinta (iyagaana ugu muhiimsan)
Hadii ay mushkiladan keentay dhib la xalin karo iyadane way sahlaysaa in cunugga bilaabo inuu hadlo.
Hadii ay tahayne mushkilo luqadeed iyadane way sahlantahay xalkeeda, haddii la garto waxa keenay oo ay ka mid tahay in waalidiinta ay isku luqad aheyn ama cunugga lagu baro luqad kale iskuulka, bulshadane ay ku hadasho luqad kale.

Somdoc

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: