Toggaherer’s Weblog

ILMO YAR OO RASAASI FEEDHAHA KA DHEX BAXDAY UURKA HOYADII ISAG OO KU JIRA

Posted on: March 3, 2009

ILMO YAR OO RASAASI FEEDHAHA KA DHEX BAXDAY UURKA HOYADII ISAG OO KU JIRA

Ilmo yar oo Caloosha Hooyadii ugu tagtey Rasaas
Dhibanaha aan Dhalan Yaa qaadaya Mas’uuliyada Xad gudubkaas
Iyadoo sadex maalmood uu dagaal ka socdey Magaalada Muqdisho kaa soo u dhaxeeyey Ciidamada Dowlada oo gacan ka helaya kuw AMISOM iyo Ciidamo ka tirsan Kuwa Xisbul Islaam waxaana dagaaladaa ku geeriyoodey Dad gaadhaya 30 Ruux waxaa ku dhaawcmey ilaa 120 qof waxaa dadka badankii ay u geeriyodeen kuna dhaawacmeen Madaafiicdii ay is weydaarsanayeen kuwaas oo ugu tagtey Guryahooda iyo goobahooda ganacsiga
Isbitaalka Madiina oo dadka dhaawaca ah badankiisa la gaadhsiiyey ayaa waxa dadkii soo dhaawacmey ku jirey Hooyo Uur leh oo dhaawac soo gaadhey balse waxaa Naxdin ahayd in hooyada ilmaha uurka ku sidey ay rasaas ugu tagtey Caloosha hooyada, waxaa hooyada lagu sameeyey Qaliin Muddo Saacado ah qaatay waxaa laga soo saaray Ilmihii oo mayd ah oo rasaasta kaga dhacday garabka meel u dhow oo wadnaha ku began.

Ilmaha waxa uu ahaa mid aan bilo dhameysan, waxaana ka muuqdaa Xabkii iyo mandheertii hooyada, waxaase ka sii naxdin badan in hooyada iyana ilmo galeenkeeda uu waxyeelo soo gaadhay. Canugaan yar ayaa ah dhibane aan weli dhalan.
Dhacdadan Xanuunka leh ayaa waxay ka mid yiihiin dhacdooyinka maalin weliba ka dhaca Magaalada Muqdisho oo ay sababaan dagaalada aan dhamaadka lahayn.

Hooyada oo ku jirta Xaalad Miyir La’aan ah, iyadoo dhakhaatiirtu ay sheegeen in hooyada ay ku jirto xaalad aad u daran waayo ayey yidhaahdeen rasaasta ayaa gaadhay Goobo fara badan oo uur ku jirta ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: