Toggaherer’s Weblog

HAWLGAL MAALINTII 2 AAD KA SOCDA LAASCAANOOD OO AMNIGA LAGU SUGAAYO

Posted on: March 3, 2009

HAWLGAL MAALINTII 2 AAD KA SOCDA LAASCAANOOD OO AMNIGA LAGU SUGAAYO

Laascaanood 02 Mar 2009 (THN)
Hawlgalkii amniga ee ka socday magaalada Laascaanood oo maalintii labaad si habsami ah u socda. Waxaa ka socda maalintii labaad hawlgalkii amniga ee wax looga qabanayay falalka amni darada iyo waliba soo uruurinta hubka noocyadiisa kala duwan kuwaas oo laga soo uruurinayay dadka shacabka ee ku dhaqan gudaha magaalada Laascaanood ee dharcada ah kuwaas oo aan ahayn ciidamada.

Hawlgalkan oo uu hogaaminayo Taliyaha cusub ee qaybta Police-ka Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni ayaa waxa uu yahay mid shacabka ku dhaqan gudaha magalaadu si wayn usoo dhaweeyeen kaas oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid mar hore loo baahnaa oo ay hadana ku diirsadeen.

Ciidamada Police-ka oo wata baabuurta dagaalka ayaa waxa ay hawlgalkan ka wadaan qaybaha kala duwan ee xaafadaha magaalada iyo waliba suuqyada ganacsiga kuwaas oo baadhaya dadka wata hubka noocyadiisa kala duwan sida qoryaha, baastooladaha, toorayaha iyo waliba budhadhka.

Taliyaha oo saaka mar ay saxaafadu wax ka waydiisay hawlgalkani iyo ilaa hadda waxa u qabsoomay ayaa waxa uu sheegay inuu ilaa hadda si habsami ah hawshii ugu socoto ayna ku soo qabqabteen noocyada kala duwan ee hubka kuwaas oo laga soo uruuriyay dadka shacabka ah ee aan ahayn ciidanka.

Hadaba hawlgalkan ayaa waxa uu yahay mid si habsami ah uga socda magaalada iyadoo hawlgalkani yahay midkii ugu waynaa ee noocan oo kala ah ee ka dhaca magaalada iyadoo ay horay uga dhici jireen haw lgalo lagu uruurinayo hubka kuwaas oo aan midho dhal noqon jirin wallow ilaa hadda hawlgalkani si caadi ah usocdo maalintii labaad.

Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta JSL ee Gobolka Sool

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: