Toggaherer’s Weblog

CUQAASHA GOBOLKA SAAXIL OO KA CODSADAY COMMISIONKA IN AY WAYDAARIYAAN DOORSHAYINKA XILIGA XAGAAGA

Posted on: March 3, 2009

CUQAASHA GOBOLKA SAAXIL OO KA CODSADAY COMMISIONKA IN AY WAYDAARIYAAN DOORSHAYINKA XILIGA XAGAAGA

Berbera 02 March 2009 (THN)

Cuqaasha Gobolka Saaxil ayaa ka codsaday Commisionka doorashooyinka in ay xiliga doorashada waydaariyaan xiliga Xagaaga.Cuqaasha ayaa codsigooda maanta u diray Commision doorashooyinka taas oo ay walaac ka muujiyeen xilga ay Komishanku Sheegeen in la qabanyo Doorashda ee 31 May.

Cuqaasha ayaa intaas ku daray in 29 May ay tahay waqtiga ugu xun deegaankan Gobolka Saxaail taas oo xiligaa ay la kulmaan dadka ku nool gobolkaasi kulayl xad dhaaf ah oo badiya lagu yaqaan waqtiga Xagaaga taas oo xeebaha oo dhami ay iska leeyihiin se ay tan gobolka Saaxil ugu daran tahay .

Waxa ay cuqaashu sheegeen in ay xigaas dadka ku nool gobolka Saaxil ay ka xagaa baxaan gobolka kulayl la kulma awgii tagaana meel ka hawo qabaw meeshaas.

Waxaanay ka dalbadeen odayaashaas iyo cuqaashaas ka soo jeeda Gobolka Saaxil in ay commissionka Doorashooyinku hoos u eegaan deegaankaas oo ay tix galiyaan codsigoodaas taas oo ay u cadeeyeen sababta keenay codsigan oo ahayd in awooda dadka kunool gobokaasi ay xiligaas sii badnayn waxaanay codsigoodaa ku dalbeen Commisionku in uu dib uga dhigo xiligaas oo ay dib u magacaaba waqti kale oo munaasab ah oo haboon .

Waxaynu oganahay in ay gobolada ku yaala xeebta ay xiligaas ay la kulmaan kulay aad u daran taas oo dadku ay u xagaa baxaan meelaha sare ee ka sareeya levelka bada tagaana magaalooyinka waayeyen sida Hargaysa iyo Burco iyo toolooyinkaa ka fog xeebaha bada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: