Toggaherer’s Weblog

BAAQ DHAMAAN JAALIYADA REER SOMALILAND UK IYO MADAXDA XISBIYADA QARANKA UK

Posted on: March 3, 2009

BAAQ DHAMAAN JAALIYADA REER SOMALILAND UK IYO MADAXDA XISBIYADA QARANKA UK

Ku: Dhamaan Jaaliyadaha Somaliland ee UK

Ku. Dhamaan madaxada xisbiyada Qaranka ee UK

Ku: Mareegaha Debeda

UJeeddo : Baaq

Sida aad la wada socotaan waxa dalka UK, gaar ahaan magaalada London ku imanaya booqasho Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wafdi uu hogaaminayo sidaas awgeed waxa aan dhamaan xubnaha iyo guddida kor ku xusan aan ka codsanayaa in si wada jir ah loosoo dhoweeyo Madaxweynaha isla markaas Mudaaharaad lagu doonayo aqoonsiga Somaliland laga hor dhigo aqalka Wakiilada ee UK, si ay u kaabto baadi goobka Madaxdu ugu jirto aqoonsiga Somaliland.

Walaalayaal maanta waxa soo dhowaaday aqoonsigii Somaliland waxana lagaga midho dhalin karinaa oo qudha isku duubni iyo wada jir iyo kolba inta xukunka inoo haysa oo aynu si daacad ah ula shaqeyno.

Waxa aanan hubaa in reer London oo meel weyn kaga jira baadi goobka qadiyada Somaliland ay madaxdaas imanaysa Insha Alla gacmo furan kusoo dhoweyn doonaan.

Waxa aan idin xasuusinayaa in Madaxweynaheenu uu inaga muddan yahay qadarin iyo ixtiraam, sidaas awgeed mareegaha caadaystay in ay xajiimeeyaan madaxda qaranka waa in ay Alle ka cabsadaan oo wararka tiri ku teenka ah ka daayaal websate-yadooda.

ALLA MAHAD LEH

Hussein Mohamed Ali ( Hussein Wadadyare)

Ku xigeenka Wakiilka Somaliland ee Sweden

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: