Toggaherer’s Weblog

XISBIGA UCID OO BALANQAADYO DHINACA ICTIRAAFKA AH KA HELAY WADAMADA YURUB IYO AMERIKA.

Posted on: March 2, 2009

XISBIGA UCID OO BALANQAADYO DHINACA ICTIRAAFKA AH KA HELAY WADAMADA YURUB IYO AMERIKA.

XISBIGA UCID OO BALANQAADYO DHINACA ICTIRAAFKA AH KA HELAY WADAMADA YURUB IYO AMERIKA.

Wafti ka socda xisbiga UCID ayaa beryahanba danbe socdaal rasmi ah ku marayey wadamada yurub iyo Amerika oo ay ka mid yihiin Britain,Norway ,Sweden,Filand,America iyo Canada.

Waftiga yurub marayey waxa hogaaminaayey Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxa kale oo ka mid ahaa Gudoomiyaha barlamaanka Somaliland C/raxmaan Maxamed Ciro .

Sidoo kale waxa iyana u ambabaxay qaarada Amerika iyo Canada wafti balaadhan oo iyana uu hogaanka u hayey musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan waxa kale oo ka mid ahaa xoghayaha arimaha dibada ee UCID Ahmed Fagfagaash ,Xildhibaan Nasir Xaji Cali Shire,Gudoomiyaha yurub ee garabka haweenka Casha Yusuf Huseen Mareykan.

Hadaba waftiga balaadhan ee xisbiga UCID waxay socdaaladooda ku soo hoyeen guulo la taaban karo oo ay ka mid yihiin inay siyaasiyiinta wadamada ay booqashada ku marayeen ee ay la kulmeeen in ay balanqadeen in heerka siyasadeed ee Somaliland si degdega sare loogu qaado (Rage State of Somaliland)taas oo aakhiri taanka horseedaysa ictiraaf degdeg ah.

Waxay kale oo balanqadeen inay ka caawin donaan dhinaca horumarka iyo tacliinta iyo in ciidamada xeebaha Somaliland ay u fidin donaan tababaro iyo xirfado waxay kale oo balanqaadka ka mid ahaa in ay usoo diri donaan goobjoogayaal ka qaybgali doona doorashada Somaliland ee dhalaan la filaayo hadii ILAHAY yidhahdo.

Waftigani waxay wakhtigii socdaalka la kulmeen madax farabadan oo ay ka mid yihiin xildhibaan MP ka mid ah dalka Engiriiska,Sweden,Norway,Filandiyo Canada waxay kaloo la kulmeen wasarada kharajiga iyo horumarinta ee dalka mareykanka iyo yurub in Basaboorada Somaliland dalkooda lag utago sida dalka Engiriiska oo kale loogu yimado.

UCID MEDIA
Xamse Axmed Salaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: