Toggaherer’s Weblog

WAFTI UU HOGAAMINAYO M/WEYNE RAYAALE OO SAAKA U AMBABAXAY WADANKA INGIRIIKSKA

Posted on: March 2, 2009

WAFTI UU HOGAAMINAYO M/WEYNE RAYAALE OO SAAKA U AMBABAXAY WADANKA INGIRIIKSKA

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

Date: 02/03/09

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdi uu hogaaminayo, ayaa saaka u amba baxay booqasho rasmi ah oo ay ku tagayaan dalka Boqortooyada Britain.

Madaxweynaha Booqashada gaaban ee uu ku tegayo dalka Britain, waxa uu si rasmi ah ula kulmi doonaa Madax ka tirsan Dawlada dalka Britain , oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibada David Milliband oo isagu si rasmi ah Madaxweynaha u marti qaaday, waxana la filayaa in labada dhinac ay isla qaadaa dhigi doonaan , kana wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin Qaddiyada Somaliland iyo Mandaqada aynu ku noolnahay guud ahaanba.

Wefdiga Madaxweynaha waxa kale oo ka mid ah Marwada Madaxweynaha Marwo Huda Barkhad Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.

Alla Mahad leh

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: