Toggaherer’s Weblog

KULAN DHEX MARAY CABDILAHI DARAWAL IYO X/ARIMAHA DIBADA KULMIYE .

Posted on: March 2, 2009

KULAN DHEX MARAY CABDILAHI DARAWAL IYO X/ARIMAHA DIBADA KULMIYE .

London 01 March 2009 (THN)

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar iyo Guddoomiyaha Garabka dimuqraadi doonka ah ee xisbiga UDUB, Mujaahid Cabdillahi Xuseen Iiman “Darwal” ayaa maanta kulan qaatay muddo dheer ku yeeshay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu Cabdillaahi Darawal yimid shalay.
Kulankan oo ka turjumaya muhimadda Kulmiye siinaayo horumarinta dimuqraadiyadda waxay labada geesood (KULMIYE iyo UDUB ta dimuqraadi doonka ah) si mug leh uga wada hadleen labo arrimood oo kale ah .

•Doorashada madaxwaynanimada ee Somaliland ee ay xukuumaddu ka caga jiidayso .
•sida uu madaxwayne Daahir Rayaale ugu tuntay xuquuqda ka qabygalka siyaasadda ee muwadiniinta Somaliland.

Waxay laba geesood isla qireen in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii loo xaqiijin lahaa in muwaadiinta Somaliland ay heelaan xaqqa ay u leeyihiin inay ka qaybgalaan siyaasadda, iskuna sharxaan jagooyinka hogaamineed ee dalka, iyo inay doorashooyinku dalka ka dhacaan xilliga loogu tala galay. Waxayn isla garteen in xukuumadda hadda jirtaa ay ku fashilantay ka midha dhallinta quxuuqdaasi aasaasiga ah, loona baahan yahay in dadku arrintaa diidaan.

Waxaa la qorsheeyay kulammo uu Cabdillahi Xuseen Iimaan (Darawal), oo ah guddoomiyaha garabka dimuqraadi doonka UDUB, uu la yeelan doono masuuliyiin ka tirsan dawladda Ingiriiska inta uu joogo dalka Ingiriiska oo uu uga warami doono xukunka Daahir Rayaale ee baabi’inaya nabadgalyada iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxaa kaloo oo uu guddoomiye Cabdillahi Xuseen la yeelan doonaa kulammo jaaliayadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska oo uu kala hadli doono xaaladda kali-talisnimada ah ee Somaliland hadda ka jirta iyo sidii loo taageri lahaa garabka dimuqraadi doonka UDUB.

Booqashada Cabdillahi Darawal oo ah musharax u taagan jagada musharaxaha madaxwaynaha ee xisbiga UDUB waxay ku soo began tahay xilli cadaadis caalami ah oo aad u wayni uu saaran yahay madaxwayne Daahir Rayaale. Caddadiskan oo la xidhiidha is hortaaga dawladu caadaysatay ee doorashada madaxwaynaha oo markii seddexaad ay is hortaagtay iyadoo doonaysa in loo dheereeyo xukunka.

Cadaadiskan caalamiga ahi wuxuu ka danbeeyay kulammo uu xisbiga KULMIYE la yeeshay dawladda Britain oo sababay in madaxwaynaha loogu yeedho inuu yimaado London si uu sharaxad uga bixiyo arrimaha hortaagan inuu doorashada qabto.

Kulmiye Foreign Affairs/UK

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: