Toggaherer’s Weblog

BEESHA CIISE OO DOORANAYSA UGAASKA BEESHA CIISE OO MUDDO BANAANAYD.

Posted on: March 2, 2009

BEESHA CIISE OO DOORANAYSA UGAASKA BEESHA CIISE OO MUDDO BANAANAYD.

BEESHA CIISE OO DOORANAYSA UGAASKA BEESHA CIISE OO MUDDO BANAANAYD.

AddisAbaba 02 Mar 2009 (THN)
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Shiniile ayaa sheegaya in guud ahaan beesha Ciise ee degta Gobolka Shiniile iyo dalka Jabuuti iyo Somaliland ay ku jirto xulashadii ninkii buuxin lahaa booska Ugaasnimada Beesha Ciise taasoo muddo banaaneyd.

Wararku waxey intaas ku darayaan in todobaadyadii ugu danbeeyey guddiyo badan loo kala direy gobolada iyo guud ahaan tuulooyinka ay dagaan beeshu taasoo lagu soo uruurinayo dhamaan odayadaasha dhaqanka ee beesha ayna isugu imaanayaan magaalada Diridawa si ay uga arinsadaan xulashada Ugaaskooda.
Beesha Ciise oo daggan saddex waddan Somaliland, Ethiopia iyo Jabuuti .
Beesha Ciise ayaa ah beesha kaliya ee Soomaaliyeed ee yeelata hal Ugaas isla markaana taladooda ugu danbeysa ay ka go’do Geedka Ciise oo ah xeer adag oo ay beeshu leedahay.

Dhaqanka beesha Ciise oo ah mid aad u facweyn ayaa leh xeer adag oo aysan beeshu jabin karin aadna loo ixtriraamo.
Qofka ku guuleysta inuu noqdo Ugaaska beesha ayaa waxaa dhaqan ahaan shardi ah in magtiisa laga qaaado guud ahaan beesha Ciise oo dhan lana siiyo jifadiisii uu ka dhashey taasoo ka dhigan in Ugaaskaasi uusan waxii markaas ka danbeysa laheyn jifo ka sokeysa beesha Ciise dadkuna ay u wada siman yihiin sidaana uu beesha ku hogaamiyo.

Warqabadka ToggaHerer
Addis Ababa
Xuseen Jaamac Duraan (Xusto)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: