Toggaherer’s Weblog

WARKA UU KA QORAY DAYNIILE GEN JAAMAC MAXAMED QAALIB OO NOQODAY WAR BEEN ABUUR AH

Posted on: March 1, 2009

WARKA UU KA QORAY DAYNIILE GEN JAAMAC MAXAMED QAALIB OO NOQODAY WAR BEEN ABUUR AH

Djibouti 1 Mar 2009 ToggaHerer
War uu qoray Webka Dayniile oo uu ku sheegayay In General Jaamac Maxamed Qaalib oo ka tirsan ahana Gudoomiye Ku xigeenka ururka Dib u xoreynta Fadhigiisuna yahay Asmara Eritrea uu safar dhinaca dhulka ku soo galay Wadanka Djibouti.

Haddaba si aanu u xaqiijino Jiritaanka warkaas oo dad badan oo akhristayaasha Mareegta ToggaHerer ah ay naga codsadeen in aanu u xaqiijino, ayaa Weriye ToggaHerer ah oo la xidhiidhay maanta General Jaamac oo ku sugan Asmara ayaa uu General ku u xaqiijiyay in warkaasi been yahay uuna ku sugan yahay Xarunta Asmara , warkaasina yahay war rakhiis ah oo aanay waxba ka jirin.

Warqabadka ToggaHerer
Djibouti
Saleban Ibraahim

Warka Uu qoray Dayniilee Ayaa u qornaa sida tan:-

Jen. Qaalib oo ka talaabey xuduuda Eratariaya oo Jibouti Gaarey

Warar Sir ah oo laga helayo Dalka Jibouti ayaa Dayniile u sheegay in Jen. Jaamac Maxamed Qaalib oo ahaa ku xigeenka Isbahaysiga mucaaradka Asmara ee uu hogaamiyo Sh. Xasan Daahir Aweys uu gaarey Jibouti ka dib markii uu si dhuumasho ah ooga baxay Caasimadda Eratariya ee Asmara.

Jen. Qaalib ayey warku sheegayaan in uu ka talabay xuduuda kala qaybisay labada dal ee Jibouti iyo Eratariya ka dib markii uu iskaashi la sameyey saraakiil Eratariyaan ah oo u dhashay Qowmiyadda Cafarta .
Wararku waxay intaas ku darayaan Jen. Jaamac Maxamed Qaalib uusan ka bixin Isbahaysigii uu ka tirsanaa mabda’ahaana uusan isbadalin laakiinse sababo aan wali la kashifin dartood uu ooga soo baxsadey Asmara oo ku noolaa labadii sano ee ugu danbaysay.
Arintan ayaa soo baxaysa xilli ay baryahaan laysla dhexmarayey warar aan la hubin Sixadooda oo sheegayey in Dowladda Eratariya ay u diidey Safarka madaxda sare ee Isbahaysiga Asmara sida Sh. Xasan Mcalin Daahir Aweys.
Jen. Jaamac maxamed Qaalib oo ah Siyaasi wadni rug cadaa dhalasho ahaana kazoo jeeda Magaalada Hargeysa waxaa uu si adag ooga soo horjeedey waligiiba gooni isu taiga Somaliland, tan iyo markii Soomaaliya xornimada qaadatayna kusoo jirey Siyaasadda wuxuu la midoobay Islaamiyiinta Soomaaliya sidii dalka looga saari lahaa Ciidamada Itoobiya.

dayniilecom@ hotmail.com
deyniilenews@ yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: