Toggaherer’s Weblog

MURAN DHUL OO U DHEXEEYA G/MAXAMKADMA SARE IYO QOYS DAN YAR AH OO ISKA HOR IMAAD DHALIYEY

Posted on: March 1, 2009

MURAN DHUL OO U DHEXEEYA G/MAXAMKADMA SARE IYO QOYS DAN YAR AH OO ISKA HOR IMAAD DHALIYEY

Burco 28 Feb 2009 (THN)

Iyada oo mudooyinkan dambe ay so badanaysay khilaafka dhulka ee u dhaxeeya dawlda ama dawladu cid ay siisay dhulka ama masuuliyiinta laftooda oo damaciyey dhulkaa iyo dadkii deganaan jiray amaba lahaan jiray dhulkaa la isku hasyto .

Wiigii hore ayey ahayd markii ay dawladu siisay ganacsade Oomaar dhul ay lahayeen reer dan yar ah dhulkaas oo u dhaxeeyey haamaha shidaalka Berbera iyo madaarka .

Hadaba waxan maanta iska hor imaad ka dhacay magalda Burco iska hor imaadkaa oo u dhexeeyey dad gadoodsan oo laga qaday dhul iyo Police magaaladaasi.

Magaalada Burco ee magaalo madaxda goblka Togdheer ayaa maanta la sheegay in uu ka dhacay is hor imaad u dhexeeya dad gadoodsana iyo ciidama booliska magaladaasi iska hor imaadkaas oo ka dhashay dhul loo xukumay gudoomiyaha maxakamada sare Maxamed Xirsi Ismaciil (Oomane) oo ay ku muran sanaayeen qays danyar ah oo dhulkaasi sheeganaayey .

Sida aanu warka ku halnay waxaa uu noo sheegay mid ka mid ah qoyskii laha dhulkaasi oo lagu magacabo Abdi qadir Xaaji Abdilahi AwJirde oo ka mid ahaa qoyska dhulkaasi sheeganayey ayaa u sheegay war baahin in dhulka uu aha beer ku taala Faarax Oomaar dhinaca bariga waxaanu sheegay in beertaas uu laha sheikh u aabo ahaa oo magalaada burco ka caan ahaa waxanuu sheegay in dhulku jaar lahaa iyo dad hareeraha ka xiga oo aan la halmami Karin laguna murni Karin waxaanuu shegay in gudoomiyuhu ku muray kadiba warkii u xigay uu ahaa cagaf ayaa la mariyey dhulkii markii ay ka dacwoodeen arintiina una dacwoodeen maxakamadiina waxa u sheegay in ay yidhaadeen shaqalihiisii ayaanu nahay oo isaga ayaa maxakamada xukuma cid idiin garnaqada oo kale mooyee anagu arintaas kama garnaqi karno arinaas oo ay ku ka wada baqeen in ay faraha la galaan , Natiijadiina waxay noqotay uun in aanu dacwayn kari waynay oo ay noqotay cidaanu dacwaynayaa in uu yahay ninkaa laga baqaayo eee meesha iska haystay.Waxaanuu sheegay in ay gudoomiyaha si cad isu garanayaan oo uu dhulka yaqaan oo uu si badhedh ah dhulka noogu qabday.

Waxanuu sheegay in maanta Ay fulin deg deg ahi dhacay oo loogu xukumaayo gudoomiyaha kadibna cagaf cagaf ayaa la mariyey dhulkii beerta aha markii aanu aragnayna waxaa kacay dadkii uu sheekhu dhalay oo ka koobnaa 23 dumar ah iyo 19 nin oo uu sheeku dhalay iyo dadkii ay sii dhaleen .

Waxaa la sheegay in ay dadkaasi oo gadoodsani isku shubeen gobolkii iyo maxakamadii dadlkaa soo ku dhawaaqayey waxaan dhulkayadgii nagu haysta ninkii dawlada ugu sareeyey iyo yaanu uga dacwoonaa , yaa naga qabanaya iyo ereyo la mid ah .

Maxamed Cali Xussen
Togaherer Burco

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: