Toggaherer’s Weblog

BADHASAAB KUXIGEENKA G/AWDAL OO BEENIYEY WAR BEEN ABUUR AH OO SAYLAC.COM QORAY

Posted on: March 1, 2009

BADHASAAB KUXIGEENKA G/AWDAL OO BEENIYEY WAR BEEN ABUUR AH OO SAYLAC.COM QORAY

BADHASAAB KUXIGEENKA G/AWDAL OO BEENIYEY WAR BEEN ABUUR AH OO SAYLAC.COM QORAY

Hargaysa 28 Feb 2009 (THN)

Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Awdal, Ahna Kusimaha Badhasaabka Gobolka /Awdal ayaa Beeniyay War Lagu qoray Website-Ka saylac.com, Oo xambaarsanaa Falal Waxshinimo Leh oo lagaga Been abuurayay Ciidamada Amniga ee JSL.

warbixintaasi ay qortay shabakad Saylac.com, ayaa dad badani waxay walaac ka muujiyeen, War bixin Naxdinle oo uu xambaarsanaa Warkaasi lagu faafiyay Shabakadaasi,

Taasi oo sheegaysa in shaqaaadii dhawaanta ka dhacday Galbeeka G. Gabiley, oo sida lawada ogsoonyahay aanu khasaaraha ka dhashay dagaalku aanu ahayn mid sidaa u balaadhan, oo ilaa hadana wada hadalo u socdaan Odayaasha iyo Cuqaasha labada dhinac

Dhinaca kale waxay warbixintani lagu qoray shabakada saylac.com ay sheegaysay War Xaqiiqada ka fog oo been abuura kuwaasoo sheegayay in shacbiga Deegaanka Baki ee Gobolkaasi Awdal ay ciidamada qaranku la dhaceen Madaafiic iyo Hub Culus isla markaana ay gubeen Guryo, Beero Isla Markaana Dhaceen Xoolihii Dadkii Halkaas deganaa, warkaas oo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn , sida uu noo sheegayn xalay Badhasaab Ku-Xigeenka Gobolka .Awdal mar aanu Caawa (xalay) kula xidhiidhnay Khadka Telifoonka isagoo ku sugan Xarunta G/Awdal ee Boorama,

Waxaanu Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Awdal Mudane Cabdi Nuur Sugaal uu Hadalkiisa ku Bilaabay sidan

“ Anigoo ah Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Awdal, ahna Kusimaha Badhasaabka Gobolka Awdal, waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay waxba ka jirin oo uu yahay been aan sal iyo raad toona lahayn warka ay qortay shabakada saylac.com.

Horta saxaafadu iyada ayay ahayd inay dadka isku soo dhawayso ee may ahayn inay buunbuuniso, oo ay qas iyo Been ka huriso dadka dhexdooda, Oo aanay samaynin waxaan meesha ka dhicin oo aanay eedaynin dawladda iyo ciidanka qaranka toona, Warkaasina habayaraatee wax shaqo ah kuma lahayn Isku dhicii halkaa ka dhacayna (Deegaanka Shaqaaqadu ka dhacday) waxaan leeyahay ma jirto wax dhibaata ah oo hadda ka taagani waana la dhamaynayaa, inshaa allaah .

Oo waxaa loo balansan yahay Beri (maanta) hadii alle yidhaahdo in Wefti Ka kooban, Wasaarada Arimaha Gudaha , Xubno Kasocda Labada Gole Qaran iyo Labada Badhasaab ee Gobolada Awdal iyo Gabiley iyo Taliye Qaybyayaashoodu inay isugu tagi doonaan Meeshii dhibaatadu ka dhacday si ay u xaliyaan arimaha halkaasi ka taagan,

Isla markaana sida lagu yaqaanay Somaliland , isqabsashada in nabad lagu dhameeyo waxaan ilaahay ka rajaynaynaa inay hawshaasi intaa ku dhamaato, ilaahayna nagu guulaysiiyo ayuu yidhi Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal .

Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
Email: mahamad95@hotmail.com
Mobile:4410416

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: