Toggaherer’s Weblog

WARARKII WARGEYSKA SAXANSAXO CADADKIISII MAANTA OO SABTI AH

Posted on: February 28, 2009

WARARKII WARGEYSKA SAXANSAXO CADADKIISII MAANTA OO SABTI AH

WARARKII WARGEYSKA SAXANSAXO CADADKIISII MAANTA OO SABTI AH

1. Kaanbaynka Xanafta Leh Ee Kulmiye Iyo Udub Oo Gaadhay Isxiniinyo taabad, Xildhibaan Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Maayarka Boliiskii Magaaladiisu Ay Waxba Laga Dhegaysan Waayeen
2. Madaxwayne Rayaale Salaadiinta, Cuqaasha Iyo Xubnaha Xukuumada Kaga Jira Beelaha Habar Yoonis Shalay Kulan Fadhi Ah Kula Yeeshay Qasriga Madaxtooyada

3. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ay Weheliyaan Hoggaanka Ucid Oo Lagu Soo Dhaweeyay Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska Oo Ay Booqasho Ku Tageen

Iyo Wararkan Iyo Kuwa kale Halkaan Ka Akhriso

Kaanbaynka Xanafta Leh Ee Kulmiye Iyo Udub Oo Gaadhay Isxiniinyo taabad, Xildhibaan Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Maayarka Boliiskii Magaaladiisu Ay Waxba Laga Dhegaysan Waayeen

Xildhibaanada golaha deegaanka ee berbera ee laga soo doortay xisbiga KULMIYE ayaa shalay cabaaro kowdii duhurnimo ciidanka Booliska ee berbera ay xabisga u taxaabeen ka dib markii uu sarkaal sare oo ka tirsan taliska guud ee Bileyska uu amar ku bixiyay in la xidho, kaas oo xalay cawaysinkii laga sii daayay xabsiga markii uu guux badan uu ka dhashay xadhiga xildhibaanka iyada oo masuuliyiinta iyo xildhibaanda golaha deegaanka, xubno ka tirsan laamaha dawlada oo kale iyo dadwayne cadhaysani ay ku soo xoomeen saldhiga dhexe ee Berbera xalay fiidkii. Maayarka Berbera Cabdale Maxamed oo xildhibaanka la xidhay ugu tegay saldhiga ayaa wararku sheegeen in laga diiday sii daynta xildhibaan Cabdale Jaamac Guuleed. Xildhibaan Cabdle oo aanu xalay fiidkii kula xidhiidhnay khadka tilifoonka ayaa waxa uu sheegay in inan ay walaalo yihiin ay is dileen Aadan Guud oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska isaga oo jooga Suuqa ka dibna uu geeyay saldhiga si loo xidho. Markii aan tegay saldhigana uu ii yimid sarkaalkii Booliska ahaa ee ay is dileen inankii uu saldhiga geeyay isla markaana uu amar ku bixiyay in aniga la i raaciyo” Xildhibaan isaga oo ka hadlaya xadhigiisa waxa uu yidhi “Xadhigaygu waa mid sharci daro ah oo la iila badheedhay isla markaana mid meel ka dhac ku ah sharciga iyo sharafta xildhibaanada ay dadwaynuhu soo doorteen, waana mid u taalga golaha deegaanka ee Berbera oo fadhi ka yeelan doona mana ah mid sidaa lagaga hadhayo” Xildhibaan Cabdle waxa kale oo uu sheegay in sababta sidaa loogu samaynayaa ay tahay mabaadiida iyo xisbiga uu ka soo jeedo awgeed in lagu cadaadinayo isla markaana lagu handadayo. Waxaanu hadalo lala yaabo ku tilmaamay in saraakiisha Boolisku iyaga oo shaqaynaya xisbiga UDUB ay shuruucda dalka meel kaga dhacaan iyagoo ah shaqaale u shaqeeya dawlada, mana wanaagsana ayuu yidhi shaqalaha dawladu inay ku milmaan xisbiyada iyo siyaasada maxaa yeelay maanta UDUB baa talada haysa berina KULMIYE ayaa qabanaya saad dambena UCID” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiilada oo xalay khadka tilifoonka nalagu soo xidhiidhay ayaa cambeerayay xadhiga lagula kacay xildhibaan Cabdale Jaamac kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid sharci daro ah isla markaana awooadii dawlada si sharciga ka baxsan loo adeegsanayo. Xildhibaan Qabile waxa kale oo uu sheegay in maanta marka la xidho xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ay berina sahlan tahay in la xidho xildhibaanada Golaha Wakiilada, taasina waa ku tumashada shuruucda iyo ku tagri falka awooda dawladeed oo ay xukuumada Rayaale caadaysatay Qabile isagoo arrintaa hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan cambaaraynayaa xadhiga lagula kacay Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Cabdale Jaamac Guuleed, kaas oo ah mid sharci daro ah oo meel ka dhac ku ah xildhibaanadii ay dadwaynuhu soo doorteen waana ku tagri falka awoodii dawladeed oo ay xukuumadu si khaldan u adeegsanayso. Waxaanu sheegay in haddii xisbiyada mucaaradka loo adeegsado awooda dawlada in ay taasi keenayso khilaaf iyo iska hor imaad bulshada dhexdeeda ah waxaanan ugu baaqaynaa xukuumada in ay ka waantowdo arrintan oo awooda Hay’adaha dawlada ee dadka u dhaxaysa ee lawada leeyahay aan loo adeegsanin xisbiyada mucaaridka”. Xadhiga xildhibaan Cabdale waxa uu ka dambeeyay olole cusub oo labadii todobaad ee u dambeeyay si xamaasad leh uga jiray deegaanka Gobolka Saaxil kaas oo ka dhashay ama ka dambeeyay markii uu xisbiga Kulmiye dhawaan taageero miisaan culus lahayd ka helay beelaha Awal Bari oo ka mid ah beelaha cudduda ku leh jiida u dhexaysa Hargeysa iyo Burco kuwaas oo la filayay in ay sidii hore loogu ogaa taageeri doonaan xisbiga talada haya. Halka uu Madaxwayne Rayaale horaantii bishan uu socdaal ku tegay Gobolka Saaxiloo uu ka soo furayay Maxjarka Xoolaha magaalada Abdaal markii u horaysay kala kulmay dad ka soo hor jeeda, dhacdadaas oo maqalkeedu si baahsan u fiday xisbiga UDUB-na nabar ku noqotay. Madaxwayne kuxigeenka ayaa tiraba afar goor ku noqnoqdayaa deegaamada Dacar Budhuq iyo Degmada Sheekh inta u dhaxaysa. Waxaanu mar walba ka qayb galayay shir beeleedyo ay xukuumadu ku abaabushay magaca xisbiga UDUB kuwaas ujeedoodu ahayd in lagu bariijiyo taageerada KULMIYE helay ee beelaha deegaankaas oo uu Madaxwayne Kuxigeenku ka soo jeedo. Muddadan uu socday dhaqdhaqaaqa deegaankaas ee Kaambaynka xukuumadu waxa soo baxay talaabooyin ay qaadeen hawl wadeenada dawlada ee taageerayay qorshahan kuwaas oo aan la jeclaysanin sharcigana meel ka dhac ku ahaa sida xildhibaankan xabsiga loo taxaabay iyo suxugigan gacanta loola tegay. Ololahan xanafta leh ee ay xukuumadu bilowday iyada oo aan la gaadhin muddadii kaambaynta xisbiyada ayaa dadwaynaha ku nool gobolka Saaxil ka dhex abuuray dareen iyo kala dayrin bulshada dhexdeeda ah kaas oo ay u arkaan dadka mucaaradka ahi in talaabooyinkan ay xukuumadu qaaday ay yihiin kuwo lagu cabudhinayo oo la doonayo in khasab ay dadwaynuhu ku taageeraan. Si kastaba ha ahaatee, xukuumada talada haysa ee UDUB oo Gobolka Saaxil ahaa meela ugu badan ee ay ka heli jirtay taageerada ugu badan ayaa haatan u muuqda mid ay lumisay taageeradii dadwaynuhu ay sii yaraanayso ka markii lix sannadood oo ay xukuumada UDUB talada haysay ay ballan qaadyadii shacbigu ay ku doorteen ka soo bixi wayday isla markaana ay marar badan madaxda xukuumadu u sheegeen ballan qaadyo ay dhagaxaan ku dhigeen Wershado ay ka mid tahay saddexdii warshadood ee Madaxwaynuhu sheegay inay ku baxayso 300 oo Milyan oo uu xusay in dadka reer Saaxil wax wayn ka bedali doonto oo ay dhalinyaradu shaqo ka heli doonto ay kaga baaqsadaan Tahriibka, balse ballan qaadadaa xukuumadu iyadoo maanta ay xukuumadu lix sano tallada gacant ku haysay aanay waxba ka qaban taasina ay sababtay in dad badan oo ah dadka ku dhaqan Gobolka Saaxil ay taageeradoodii u leex.

Madaxwayne Rayaale Salaadiinta, Cuqaasha Iyo Xubnaha Xukuumada Kaga Jira Beelaha Habar Yoonis Shalay Kulan Fadhi Ah Kula Yeeshay Qasriga Madaxtooyada.

Hargeysa, February 28, 2009 (Saxannews) – Salaadiinta, madaxdhaqameedyada xubnaha xukuumada kaga jira beelaha Habar Yoonis iyo aqoon yahano iyo cuqaal ay tiradoodu gaadhayso 70 xubnood ayaa shalay kulan wada fadhiya qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Madaxwayne Rayaale. Sida ay ilo xogogaal ahi sheegeen in kulankaasi oo saacado badan qaatay ay madax dhaqameedyada iyo madaxwayne Rayaale ay kaga wada hadleen arrimo ku saabsan dhinaca siyaasada iyo sidii ay beeshu kalsooni iyo taageero laxaad leh ula garab istaagi lahayd madaxwayne Rayaale iyo xisbigiisa UDUB, iyadoo sida la sheegayna ay madaxdhaqameedyada iyo cuqaasha beelahani ay Madaxwayne Rayaale ugu qadimeen tabashooyin iyada oo baryahan dambe la kala dhex galay beesha iyo xukuumada taas oo ay ku doodeen in taageeradii iyo kalsoonidii ay beeshu siisay Madaxweyne Rayaale doorashadii madaxtooyada ee lagu soo doortay aanay sidii la rabay ballan qaadyadii aanay u fulin xukuumadu, balse la sheegay in madaxwayne Rayaale garawshiiyo ka muujiyay kalsoonidii iyo taageeradii ay la garab joogsadeen doorashadii madaxtooyada ee xisbiga UDUB ku guulaystay 2003-dii. Kulankaas oo madaxwayne Rayaale la yeesheen Oday dhaqameedyada beelaha Habar Yoonis ayaa waxa ka mid ahaa Salaadiintaas ka qayb gashay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi qani, Suldaan Rashiid Cali Ducaale, Suldaan Maxamed Xasan, Suldaan Yuusuf Maxamed Xiirey, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirada Maaaliyada, Duulista Hawada, Hawlaha Guud, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiir Kuxigeenada arimaha dibedda iyo Ganacsiga, xoghayaha guud ee UDUB, guddoomiyaha Baanka, guddoomiyaha Maxkamada sare. Waxa kale oo iyaguna goob joog ka ahaa Maayirada magaalada Burco, Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Maayirada degmooyinka Xaaji Saalax iyo Oodwayne, Badhasaabka Sanaag Cali Cabdi Hure, badhasaabka Oodwayne Maxamed Cabdi Liibaan, waxase halkaasi ka maqnaa Salaadiinta beelaha Habar Yoonis Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo xubnaha Golaha Baarlamaanka iyo Guurtida kaga jira Beeshaasi, in kastoo aan si dhab ah loo ogayn nuxurka kulankaas dhex maray madaxwayne Rayaale iyo Oday dhaqameedyada iyo cuqaasha beeshaasi haddana waxay illo xogogaal ahi sheegayaan in ay Madaxwayne Rayaale isku afgarteen in taageero ay la garab joogsadaan xisbiga UDUB, taas oo sida ay tibaaxuhu sheegeen lagu heshiiyay in madax dhaqameedyada iyo cuqaasha ka timid gobolada Maroodi Jeex, Saaxil, Togdheer, Sool, Oodwayne iyo Sanaag la filayo todobaadkan ay dib ugu laabtaan deegaanadaasi kana bilaabaan olole ay taageero ugu doonayaan xisbiga UDUB iyo xukuumada Rayaale waxaanay illo xogogaal ahi sheegayeen in kulankaasi ay soo qaban qaabiyeen Wasiirada xukuumada ugu jira beesha Habar Yoonis oo ay ka mid yihiin Wasiirada Maaliyada, Hawlaha Guud, Duulista Hawada, oo iyaga la sheegay in xubnahaasi ay ka soo abaabuleen Gobolada iyo deegaanada ay degto beeshaasi.

Muddo laga joogo bil wa’xogay ayaa Madaxwayne Rayaale waxa uu kulankan oo kale uu la yeeshay salaadiinta beesha Sacad Muuse kuwaas oo uu ka dalbaday in ay taageero siiyaan xisbigiisa marka la gaadho Doorashada isaga oo ballan qaadyana u sameeyay in uu u fulin doono marka uu doorashada ku guulaysto. Arrimahan uu madaxwayne Rayaale bilaabay inuu shiro beelaha madax dhaqameedyada Somaliland ayaa u muuqda kuwo uu taageero uu kaga doonayo beelaha si uu mar labaad ugu soo noqdo Kursiga Madaxwaynenimo

“Waxaan Ugu Baaqayaaa Labada Dhinac Ee Walaalaha Ah Ee Iska Hor Imaadku Ku Dhex Maray Deegaanada U Dhexeeya Gabiley Iyo Awdal Inay Nabad Gelyada Ay Ilaaliyaan.

Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan

Hargeysa, February 28, 2009 (Saxannews) – Weftigii nabadaynta ee Golaha Guurtidu u saaray shaqaaqadii ka dhacday deegaanada u dhexeeya Gobolada Gabiley iyo Awdal ayaa hor dhocoodii shalay ay gaadheen degmada Gabiley, guddigii nabad raadinta ee Golaha Guurtidu u xil saaray nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha Gobolabada Gabiley iyo Awdal ka soo kala jeeda ee iska hor imaadku todobaadkii hore ku dhex maray deegaanadaasi. Guddiga dhexdhexaadinta ee folaha Guurtida ayaa shalay galab u anba baxay Gobolka Gabiley, gudidaas oo ka kooban shan iyo toban xubnood oo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu u magacaabay xalinta iyo nabadaynta dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay dirirtu dhex martay ayaa intii aanay ka anbabixin caasimada waxay Wargeyska Saxansaxo xog waran kooban siiyay Suldaan Ismaciil Suldaan C/raxmaan oo ka mid ah Salaadiinta reer Gebiley , isla markaana ka tirsan xildhibaanada Golaha Guurtida oo guddidaasi nabad raadinta u hogaaminayay ayaa ugu baaqay labada dhinac ee walaalaha ah ee deegaankaasi ee iska hor imaadku ku dhex maray in ay u dhego nuglaadaan xalinta iyo soo afjarida ay guddida Golaha Guurtidu ka bilaabi doonto deegaankaasi isagoo dhinaca kalena Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in mushkilada halkaasi ka taagan laga dhigo arrimo kaambayn siyaasadeed ah oo cidna lagu dhiso cidna lagu ridayo balse sheegay in dhiigaa daadanaya la kala badbaadiyo ee beelaha walaalaha ah, waxaanu sidoo kale Suldaan Ismaaciil sheegay in guddida nabad raadinta ee Golaha Guurtida ka socdaa ay todobaadkan gudo geli doonaan xalinta iyo khilaafaadka ka dhashay muranka dhul ee ka taagan dhinaca kala xadaynta ee Gobolada Awdal iyo Gabiley. Dhinaca kale, waxa weli isku hor fadhiya goobaha shaqaaqadu ka dhacday maleeshiyo beelayadii ku dagaalada deegaankaas. Xukuumada Somaliland ayaa weli iyadu ka hadlin shaqaaqadaas. Geesta kalena, Masaajidada Waaweyn ee Magaalada Gabiley,ayaa khudbadii salaada Jimce ee shalay siweyn loogaga Hadlay shaqaaqadii ka dhacay waqooyiga Deegaanka Gabiley iyo Baki u dhexeeya. Sheekh C/laahi Makaawi oo ka mid ah Culimada Waaweyn ee Somaliland ee ka soo jeeda deegaankan Gobolka Gabiley ayaa khudbadii salaada jimce ee maanta oo uu ka jeediyey Masjadka Maka al Mukarama ee Magaalada Gabiley kusoo qaaday dhacdadaa taas oo sheegay in dadka muslimiinta ah ee walaalaha ah ee wada degan looga baahan yahay in ay ku camal falaan sidii ay uga howl gali lahaayeen maslaxada iyo dhexdhexaadinta xurgufta dhexmaray laba beelood.

Usj Oo Xukuumada Ka Codsaday In Xoriyadiisa Loo Soo Celiyo Tafaftiraha Wargeyska Yool

Hargeysa, February 28, 2009 (Saxannews) – Midawga Saxaafada madaxa banaan ee Somaliland USJ waxa uu ugu baaqayaa xukuumada in xoriyadiisa loo soo celiyo Tafadariraha Wargeyska Yool Maxamed Cabdi Guuleed (Curad), ee ka soo baxa Hargeysa, oo maalintii afraad ku xidhan xarunta CID-da ee Hargeysa kaas oo aan la sheegin sababta keliftay xadhigiisa. Mar kale waxa uu midawga saxaafada madaxa banaan ee Somaliland ugu baaqayaa xukuumada in Suxufiiyinta iyo saxaafada lagu ixtiraamo mixnadooda hadii ay dambi galeen loo maro sida sharciga ah. Gudoomiyaha Midawga Saxaafada madaxa banaan ee Somaliland USJ C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ay Weheliyaan Hoggaanka Ucid Oo Lagu Soo Dhaweeyay Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska Oo Ay Booqasho Ku Tageen

London, February 28, 2009 (Saxannews) – Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) iyo masuuliyiin sare sare Xisbiga UCID oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe,Gudoomiye ku xigeenka koowaad Adan Maxamed Mire Waqaf, C/nasir Yusuf Cismaan iyo Xamse Ahmed Salaan, ayaa maalintii khamiistii Booqasho ku tagey Aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo sida la sheegay aad loogu soo dhaweeyay. Masuuliyiintan ayaa la sheegay in aqalka Barlamaanka ee Ingiriiska uu ku soo dhaweeyay Mudane Allen Micheal oo ah mudane ka tirsan aqalka Barlamaanka ee u ololeeya qaddiyada Somaliland iyo Kerry McCarthy oo ka tirsan aqalkaas oo labadooduba u ka shaqeeyaan danaha Somaliland iyo weliba madax sare oo ka tirsan Barlamaanka dalka Ingiriiska. Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu wuxu mudanaayasha warbixin ka siiyay guud xaalada ee ay ku sugan tahay Somaliland iyo sida ay u qabsoontay diiwaangelintii, waxaanu u sheegay mudanayaashii ay la kulmeen in ay si wanaagsan u qabsoontay hawshii diiwaangelinta ee dalka laga qabtay. Waxa kale warbixin dheer ka jeediyey kulankaas Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo aad ugu amaanay sida wanagsan ee loogu soo dhaweyey dalka Aqalka Barlamaanka iyo weliba sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin qadiyada Somaliland mudayaasha dalka Ingiriisku. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu ka codsaday masuuliyiintaa ay la kulmeen in dhaqaalaha lagu caawiyo Somaliland in ay si toos ah loo siiyo oo aan cid kale loo soo marin. Waxa kale oo uu sheegay Gudoomiye Xisbiga UCID Eng: faysal Cali Waraabe in ay filayaan in doorashada soo socota ay si kalsooni ku jirto u dhici dooonto sidii kuwii ka horeyey ay u dhaceen, iminka loo bahan yahay inay caalamku u fidiyaan ictiraaf buuxda Somaliland. Guddoomiye ku xigeenka kowaad Md. Adan Maxamed Mire Waqaf oo hadal kooban ka jeediyay ayaa u mahadnaqay dalka Ingiriiska sida wanagsan ee ay u qaabileen gaar ahaan madaxda u ololeeya qadiyada Somaliland. Mudane Allen Micheal oo isna madashaa ka hadlay ayaa mahadnaqa u masuuliyiinta ka ka socota xisbiga UCID, waxaanu sheegay Xildhibaanku inuu la socdo inay diiwaan gelintii ay si wanaagsan ay ugu dhamaatay uu ka war qabo una rajeynayaan in ay sidaas oo kale ay u dhacdo ta madaxtooyadu. Waxa kale oo Allen Michael uu ka dhawaajiyey in dhawaan la filaayo in Madaxweynaha Somaliland uu socdaal ku iman doono Dalkan Ingiriiska. Allen Michael waxa uu intaas ku daray in Commonwealth ay Somaliland ka tahay xubin.Sidoo kale, waxa uu sheegay in International parlimentry Union ay Somaliland xubin ka noqotay. Ugu dambayntii Allen Michael waxa uu weftigaas gudoonsiiyay buuggaag ku saabsan taariikhda Somaliland iyo horumarka ay ku talaabsatay.

Maqaalka Lagu Soo Qoray Wargayska Maalmaha Iyo Websidada Waa Been Abuur

Hargeysa, February 28, 2009 (Saxannews) – Xubno ka soo jeeda B/Cabdale ee Samaroon ayaa qoraal ay ku beeninayaan War ku soo baxay mid ka mid ah Wargaysyada ka soo baxa Hargeysa soo gaadhsiiyay xafiiska Saxansaxo ee Boorama,qoraalkaas oo dhamaystiranina wuxuuna u qornaa sidan. Anaga oo tixraacayna qoraalka ku soo baxay wargayska Maalmaha ee ka soo baxa Hargaysa cadadkiisii 232 ee soo baxay 23 Feb.09, maqaalkaas oo ku saabsanaa in Beesha B/Cabdale ay taageerayaan xisbiga UDUB, ayaan doonaynaa in aan Jawaab ka bixino. Hadaba waxaan cadaynaynaa in maqaalkaasi uu ahaa mid been abuur ah oo siyaasadaysan, sidaas awgeedna ayna jirin meel beeshu kaga tashatay mawqifkeeda siyaasadeed iyo xisbiga ay taageerayso. Waxaan cadaynaynaa in ayna jirin Salaadiinta iyo cuqaasha meesha lagu qoray, beeshuna malaha madax dhaqameedada loo sameeyay, ee waxa jira laba caaqil oo kala ah Caaqil Cabdi Cige Araye iyo Caaqil Muumin Xuseen Kibaar, kuwaas oo aan iyaguna ka warqabin meesha lagu shiray ee la sheegay oo weliba qoraalka lagu xusay. Sidaas darteed waxay go’aansatay beeshu in shirweyne la iskugu yimaado oo ay cadeeyaan ragaasi qoraalka been abuuray meesha ay mawqifka ku gaadhay beeshu ee shirku ka dhacay. ee loogu dhamaa, Waxa kale oo aan diidanahay in beesha loo kala qaybiyo nidaam siyaasadaysan, waxaanan Ilaalinaynaa midnimada beesha ee ku salaysan dhaqanka soo jireenka ah, Hadii kale waxay noqonaysaa beeshaas ayaa UDUB gashay war ha ka dhigato! Xubnaha Qoraalka Saxeexay

1- Maxamuud Aw Jamac,

2- C/laahi Aaden Iidle,

3- Ibraahim Aaden,

4-Cabdale Sh.Aaden,

5-Xasan Cismaan,

6-Maxamuud Aaden Qaalib,

7-Dayib Cilmi Alamagan,

8-Iidle Qalinle,

9- Mustafe C/raxmaan Muuse,

10- Ibraahim Daahir Kaahin,

11- Maxamuud Cali Ducaale,

12- Axmed Ismaaciil Kaahin.Inta la hubo 9 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay 28 kalena, way ku dhaawacmeen oo saddex ka mid ahi ay qabtaan dhaawac culus, kadib markii gaadhi noocaha rakaabka ahi oo ay saarnaayeen uu kula qalibmay saxaraha u dhaxeeya wadamad Suudaan iyo Liibiya maalintii khamiistii. Muhaajiriitan dhintay oo la sheegay inay ku sii jeedeen dalka Liibiya, ayaa la wararku sheegeen in la keenay maydkoodii iyo dhaawacoodii magaalada Khartuum, halkaas oo lagu aasay dadkii shilkaas ku geeriyooday shilkaas. Aradayda waxa ka barta dalka Suudaan gaar ahaan caasimada Khurtuum ayaa saxaafada u soo gudbiyay liiska magacyada muhaajiriinta ku dhintay, iyo kuwa ku dhaawacmay shilkaa gaadhi ee ka dhacay inta u dhaxaysa Suudaan iyo Liibiya. Magacyada dadka ku nafwaayay shilkan ayaa magacyadoodu kala ahaayeen sidan:

1-C/qaadir Cismaan Muuse,

2-Cabdala Nuur Diiriye

3-C/salaan Maxamed,

4-Xasan Axmed Sheekh Ibraahim,

5-Xasan Aadan 6-Faarax Cali,

7-Cumar ….. (JOON),

8-C/risaaq Sheekh Cismaan,

9-Xasan Aadan Geelle Muhaajiriinta ku dhaawacantay shilka gaadhi oo tiradoodu ahayd 28 qof ayaa la sheegay in saddex ka mid ahi ay xalaadaoodu caafimaad aad u liidato, waxayna mgacyada dhaawacyada liitay ay ahaayeen sidan:

1-C/samad Cismaan Nuur,

2-Cimaadudiin Yuusuf

3-Sufyaan Nuur Cali,

Magacyada dadka tahriibayaasha ah ee dhaawacu soo gaadhay iyo qaar ka mid ah da’doodu waxay ahaayeen sidan:

1-Xusen Cabdi Ahmed 28 jir ah,

2-Ismaaciil Cabdulahi faarax. 27 jir ah,

3-Aadan Xasan Jaamac 22 jir ah,

4- Mustafa Daahir Maxamed 22 jir ah,

5-C/qaadir Maxamed Nuur. 30 jir ah,

6-C/qaadir Maxamed Maxamuud. 24 jir ah,

7-Xasan Cilmi Muudeey 26 jir ah,

8-Maxamad Cilmi Yuusuf. 25 jir ah,

9-Manaas Khaliil Siyaad 25 jir ah,

10-Xasan Cabdala Cabdi 43 jir ah,

11-Maxamad Cumar Aadan. 20 jir ah,

12-C/qaadir Muxudii 22 jir ah, 13-Sidiiq Cabdilaahi Geedi 22 jir ah,

14-Cabdi Samad Nuur,

15-Ahmed Maxamed Cabdala,

16-Cimaadudiin Yuusuf,

17-Cabdi naasir,

18-Cabdala Xussen,

19-C/risaaq Yuusuf Cabdiraxman,

20-Cumar Cabdi Cabdilaahi,

21-C/naasir Maxamed, 22-C/naasir Cismaan faarax,

23-C/risaaq Mirre Ismaaciil.

24-Fu’aad Maxamad Ahmed

25-Nuur Muuse Ismaaciil

Sidoo kale waxay wararku sheegeen inay dadku dhintay shilkaas oo aan la shaacin magacyadood.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: