Toggaherer’s Weblog

SAGAAL DHALINYARO SOMALI TAHRIBAYSAY OO LAGU AASAY MAANTA CAASIMADA SUUDAN EE KHARTUUN

Posted on: February 28, 2009

SAGAAL DHALINYARO SOMALI TAHRIBAYSAY OO LAGU AASAY MAANTA CAASIMADA SUUDAN EE KHARTUUN

Khartuum 27 Feb 2009 (THN)

Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku geeriyootay Shilkii gaari ee ka dhacay Saxaraha u dhaxeeya Liibiya iyo Suudaan ayaa maanta lagu Aasay Magaalada Kharduum ee dalka Suudaan.

Sida uu sida uu u xaqiijiyey bahda togaherer wariye ka ku sugan dalkaasi Suudan gaar ahaan magalamadaxda Kharduum oo lagu magacaabo Axmed Cismaan Cali ayaa noo sheegay in Sagaal wiil oo dhalinyaro ah oo maalin ka hor ku geeriyooday gaadhi ku qalibmay saxaraha u dhaxeeya wadamada Liibiya iyo Suudaan ayaa maanta duhurkii waxaa lagu aasay goob Qabuuro ah oo ku taala magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Aaska dhalinyarada ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal Soomaaliyeed kuwaasi oo halkaasi salaatul janaasida kula tugaday maydadka dhalainyaradaan Soomaalida ee ku nafweysay gaadhi ku qalibmay Saxaraha u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya xili ay doonayeen in ay Sudaan uga sii gudbaan dalka Liibiya,

Qaban qaabada aaska dhalinyaradaani ayaa waxaa gacan ka geystay Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan oo gacan ka helay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Suudaan sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka Midowga Ardayda Soomaaliyeed Axmed Mire.

Hadaba Magacyada Marxuumiinta Soomaalida ee maanta lagu aasay dalka Suudaan waxaa ay kala yihiin.

Cabdul Qaadir Cusmaan
Cabdullaahi Nuur Diiriye
Cabdi Salaan Max’ed
Xasan Axmed Shiikh Ibraahin
Xasan Aadan
Faarax Cali
Cumar Joon
Cabdirisaaq Shiikh Cusmaan
Xasan Aadan Geelle

Waa khasaarihii ugu banaa ee balyahaa ka dhacan saxaaraha u dhexeeye Suudaan iyo Libiya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: