Toggaherer’s Weblog

RSF OO CAMBAAREYSAY XADHIGA TAFATIRAHA WARGEYSKA YOOL MR CURAD

Posted on: February 28, 2009

RSF OO CAMBAAREYSAY XADHIGA TAFATIRAHA WARGEYSKA YOOL MR CURAD


Hargeysa 28 Feb 2009(THN)

Ururka wariyaasha aan xuduuda lahayn ayaa cambaareeyey xariga wariye maalintii labaad ku xidhan magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

War saxaafadeed uu soo saarey ururka wariyaasha aan xuduuda lahayn ee Reporters sans Frontières (RSF)oo fadhigiisu yahay magaalada Paris ayaa si kulul loogu cambaareeyey xadhiga tafaftiraha wargeyska YOOL oo ka soo baxa Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) kaasi oo ay ciidammada booliska Somaliland xidheen gelinkii dambe ee maalintii Khamiistii.

War saxaafadeedka ururka wariyaasha aan xuduuda lahayn ayaa lagu sheegay in xadhiga wariye Maxamed Cabdi Guuleed ay ka hor imaaneysa habka xoriyada hadalka iyo madax banaanida saxaafada Somaliland.

Waxaana uu xadgudub ku noqonayaa xeerka u degsan hababka dimuqraadiga ah oo qeexaya in qof waliba uu xaq u leeyahay inuu u madax banaanaado aragtidiisa iyo hadalkiisa, taasi oo aan sinaba ula jaanqaadi karin Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Somaliland.

“Kani waa xadhig sharci darro ah maadaama sharciga Somaliland uu qeexayo in saxafiga lagu xidhi karo oo kaliya amarka maxkamad sharci”, ayaa lagu yidhi War saxaafadeedka ururka Reporters Sans Frontiers oo intaa ku daray “waa in si deg deg ah oo macquul ah loo sii daayaa Maxamed Cabdi Guuleed”.

Tifaftiraha Wargeyska Yool Maxamed Cabdi Guuleed Curad waxaa hadda uu ku xidhan yahay xarunta laanta baadhista dambiyada ee (CID), mana jirto wax faah faahin ah oo laga bixiyey sababta xadhigiisa, balse waxaa loo malaynayaa in xidhidiisa ay la xidhiidhto warbixin lagu daabacay cadadkiisii 26aad ee wargeyska YOOL oo soo baxay 24-kii bisha February, kaasi oo ku saabsanaa warbixino wargeysku ka qorey warar sheegayey in shirqoolo Madaxda Somaliland ay la maagan yihiin masuuliyiinta baarlamaanka, axsaabta mucaaradka iyo madax-dhaqameedyada Somaliland.

Xadhiga wariye Maxamed Cabdi Curad waxaa sidoo kale cambaareeyey ururada saxaafada Somaliland, mana aha markii ugu horeysey ee xukuumada Somaliland ay xidho wariyaal hawshooda ku jira.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: