Toggaherer’s Weblog

KULAN DHEXMARAY DHAKHAATIIRTA G SOOL IYO URURUKA WADANIGA AH EE SHIVE XARUNTA MACHADKA KASMO

Posted on: February 28, 2009

KULAN DHEXMARAY DHAKHAATIIRTA G SOOL IYO URURUKA WADANIGA AH EE SHIVE XARUNTA MACHADKA KASMO

LaasCaanood 27 Feb 2009 (THN)
Waxaa maanta xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ku dhexmartay bahda dhakhaatiirta gobolka Sool iyo ururka wadaniga ah ee SHIVO xarunta machadka Kasmo College ee magaalada Laascaanod kaasi oo laga wada hadlayey sidii wada shaqayn buuxda u dhexmari lahayd dhakhaatiirta gobolka iyo ururkan ka shaqeeya arimaha bulshada iyo caafimaadka ee Shivo.

wax halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururkaasi shivo oo ka sheekeyey marxaladihii uu ururku soo maray,”Waxaa Ururkan Aasaaskiisii kaalin weyn ka qaatey Arday Caafimaad Iaygoo Taakulooyin xag Ra’yi’ ah ka helaya dad aqoon sar sare leh oo misnaan culus kalaha bulshada raayidka ah ee reer sool waxaa ka mid ahaa dadkaas Drs Zahra Awad oo bilowgii Sanadkii 2007 siisay macluumaadyuo badan oo dhanka ururrada ah kaasi oo wax weyn u tarey dhamaan xubnaha ururka.
Dhanka kale waxaa uu Ururka Shivo Culayska saaray sidii u xidhiidh wayn ugu dhexeyn laahaa Urururada ka jira Gobolka sool, taas oo uu si weyn ururku ugu guuleystey.

Dr Obsiye oo ka mida dhakhaatarada gobolka ayaa waxaa u taloyin badan u soo jeediyey isagoo balan qaaday inay si wanaagsan ula shaqayn doonaan ururkan.

Ugu damaynti xafladan ayaa waxaa ay ku soo gabagabowday jawi aad u wanaagsan iyo is afgarad wacan oo ka dhex dhacay ururkan iy bahda dhakhaatiirta gobolka Sool.

Wariye Axmedsaakin Faarax Warsame
LaasCanod,Somaliland
axmedsaaakin@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: