Toggaherer’s Weblog

IMAANSHAHA MADAXWEYNE RIYAALE EE UK IYO DALALKA TAAGEERA QADIYADA S/L OO WALAAC KA MUJIYEY KULMIYE

Posted on: February 28, 2009

IMAANSHAHA MADAXWEYNE RIYAALE EE UK IYO DALALKA TAAGEERA QADIYADA S/L OO WALAAC KA MUJIYEY KULMIYE

Imaansha Safarka Madaxwaynaha J.S.L ee UK. Iyo Dalalka taageera Qaddiyadda Gooni isutaaga Somaliland oo Walaac wayn ka muujiyey Xisbiga Kulmiye.

Anagoo tixraacayna Warar been abuur ah oo shalay lagu soo qoray saxaafadda Somaliland qaarkood oo ku saabsanaa imaansha Safarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu cadaynaynaa in Madaxwaynuhu haystay Offiicial Invitation oo ay u fidisay Dawladan Ingiriiska September 2008 taasooy ahayd in uu Madaxwaynuhu yimaado December 2008. Nasiibdaro waatii ay Qaraxyaddi alshaydiin ay ka rideen 29 -10-2008 dalkeena oo ay dad badani ku nafwaayeen qaar kalena ku dhaacwacmeen, sabataas ayey u dhacday in uu Madaxwaynuhu ku joojiyo safarkaas uu ku imanlahaa Uk oo sidaynu wada ogsoonahay aduunku oo dhami ay noogu barrordiiqeen dhacdadaas foosha xumayd oo dawladan ingiriisku iyo ta maraykan ay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee noo soo dira barrordiiqa.
Balantaas oo noqotay bisha March horaanteeda.

Ta labaad waxaan jecelahay in aan u sheego Shacabwaynaha Somaliland ee taageera Xisbiga Qaranka ee Kulmiye ee ku nool dunidda daafaheeda in maalintii shalay ahayd ay nala soo xidhiidheen dawladan ingiriiska iyagoo ka xun sida xun ee looga leexiyey hadalkii ay kuwada hadleen kulankii dhawaan ay yeesheen Xoghayaha Kulmiye iyo Wasiirka Africa u qaabilsan Arrimaha Dibada ee Dalkan UK Lord Brown. Wasaaraduna ay balanqaaday in ay war faafaasan ka soo saaridoonto Socdaalka Madaxwaynaha J.S.L Mudane Daahir Riyaale Kaahin dhawaan.

Sida aynu wada ogsoonahay waatii aynu ogeen in sanadkii hore aynu soo dhaafnay 15 May 2008 ay Asxaabta Qaranka iyo Komishanka Qaranku isla ogalaadeen in loo kordhiyo Xukuumadda, isla heshiiskaas waxaa ku jiray in hadii ay dhacdo in ay timaadi in ay doorashadu ku dhiciwaydo wakhtigeeda ay dib isugu imaandoonaana oo ay wada hadlidoonaan Asxaabta Qaranka iyo Komishinka Qaranka oo kaliya ku oo aanayn khuseen labadda Gole ee qaran ,ka baarlamaanka iyo ka guurtida toona.
Deeqbixiyaashana way ogyihiin in wkhtigu aanu soo roobay sidii 23 bishan ay Komishanka Qaranku uu sheegay Golaha Baarlamaanka Somaliland una cadeeyeena in hawshani u taalo Asxaabnta Qaranka iyo Komoshanka Qaranka.

Dawlado badan oo taageera qadiyadda Somaliland way ogyihiin marka komishanka Qaranku ugu gudbiyo oo ay cayimaan maalinta ka dambaynta ah ee ay doorashadu dhacayso in ay ugudbiyaan Madaxwaynaha Jamhuuriyaada Somaliland, markaasu Madaxwaynuhna ku soo saarayaa Dicreeto Madaxwayne. Markaa waxaa leeyaha yaan shacabwaynaha Somaliland yaan la mijarahaabin oo been meel aan gaadhayn oo jirin yaan loo sheegin oo marba Xukuumadda hortaagan doorshada oo aan doonayn iyo ma doonayso in ay doorsho dhacdo beenahaa noocaas ah ee khiyaaliga yaan umadda loogu sheekeenin. Iyadoon wada ognahay in Xukuumaddu markasta ku cel celiso in ay diyaar u tahay in a Dalka ka dhacdo DOORASHO XALAAL AH Waad ogaydeen cishadii dhawayd oo uu Madaxwaynuhu furayeey Warshadii Sharaabka ee Awbarqadleh waa kii yidhi hadii doorasha layga helo isla maalintaas ayaan xilka wareejinayaa.

Dadwayno Marna afkiisa laga maqlin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagoo yidhii hadii layga helo waan haneenayaa Doorashada Madaxtooyadda.

Waxaan u sheegayaa Dadwaynaha Somaliland ee taageera sadexdda Xisbi Qaran in xukuumadda Maanta jirta ay ku tallabsatay waxyaabo badan oo ay ugu horeeyso Sidii xidhiidh loola samaynahaa Dawladaha aduunka haday noqo xag diblomaasiyadeed, xag siyaasadeed ,xag horimarineed, xag maalgashi, xaga dariswanaagnimo, xag arrimaha bulshadda iwm. Waxaan jecelahay in aan u sheego Safarkan Madaxwaynuhu wuxuu noqon doono kii intii ay Somaliland jirtay ugu qiimo waynaa xaga Levelka Dibloosiga ah,

Oo hore loo arag intii ay Somaliland jirtay qadiyadan dawlado badan ayaa aad udaneenaya wakhtigan waadna arki doontaan isbadelo badan oo dhawaan dhici doona hadii eebe yidhaahdo oo wafuud badan ayaa dhawaan tegi doonto dalkeeni oo dawlada waa weyn oo aduunka ka socda anigu halka sheegimaayo oo maaha af diblomaasiyaded.

Waxaan ka digaynaa in aan dalka iyo dadka khal khal la gelin Xukuumadana laga been abuur . Xukuumadda xilbaa ka saran in ay Sugto nabad gelyadda Dalka
Safarkan oo dhawaan Madaxwaynuhu ugu imandoono Dalkan UK waa in aynu gacamaha is wada qabsanaa soo dhawaynaa Madaxwaynaha J.S.L Mudane Dahir Riyaale Kaahin.iyo Waftiga uu hogaaminayo.

Ugu dambayntii waxaan jecelay in aanu Xukuumadan manta jirta ay geed gaaban iyo geed dheerba u fuuli doonto sidii loo ictiraafilahaa Jamhuuriyada Somaliland.
mucaarad iyo Muxaafidba waxa naga wada dhexeeyo waa qobcadaa aynu wada deganahay markaa Muwaadin walba oo Somaliland ah xilbaa ka saran in uu ilaaliyo nabadgelyadda iyo Daris wanaaga.

Alla Mahad Leh

Mudane Abdifatah Said Ahmed
Wakillka Somaliland ee Dalka Ireland isla markaana ah Xidhiidhiyaha Yurub JS.L.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: