Toggaherer’s Weblog

TAFATIRAHA GUUD EE WARGAYSA YOOL OO XABSIGA LOO TAXAABAY

Posted on: February 27, 2009

TAFATIRAHA GUUD EE WARGAYSA YOOL OO XABSIGA LOO TAXAABAY

Hargaysa 26 Feb 2009 (THN)

Ciidan Police qaybta baadhista dambiyada ayaa xabsiga u taxaabtay Tafatiraha guud ee wargayska madåxa banana ee YOOL Maxamed Cabdi Curad .

Lama garanaayo sababta dhabta ah ee ka dambaysa xabsi u taxaabista suxufigan lakiin warar ku dhawdhaw xarunta dambi båadhista ee marka la soo gabiyo loo yaqaan CID ayaa sheegay in suxufigan lagu soo eedeeyey war uu maalinti salaadadii ee todobaadkan ay soo dhaafay ku soo baxay wargaysaka YOOL .

Madaxda ururada Suxufiyiinta madaxa banan ee Somaliland ayaa canbaareeyey xadhiga suxufigan waxaanay xukuumada ka dalbadeen in xoriyadiisi loo so celiyo suxufi Maxamed Abdi Curad .

Dhacdan oo kaliya ma aha tacadiga iyo xadhiga laguala kaco suxufiyiinta Somaliland Laba wig ka hor ayey marki xabsiga loo taxaabay laba suxufi oo kala ah Tafatiraha Radio Horyaal iyo suxufi lake oo isna u shaqaya mid ka mid ah warbaaihinta madaxa banana , taas iyana waxaa ka dambaysay markii sawir qaadi la socday waftigii madaxweyne ku xigeenka Somaliland Ahmed Yusuf Yaasin sawirqadahaas oo ka socday TV madaxa banana ee HCTV lagula kacay jidh dil magalada lafaruug oo ku taala jidka u dhaxeeya Hargaysa iyo Berbera .

Waqabadka togaherer
Hargaysa

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: