Toggaherer’s Weblog

RAISAL WASAARAHA SOMALIA IYO WAFTI WASIIRO AH OO UU HOGAMINAYO OO KA SOO DEGAY MOQDISHO

Posted on: February 27, 2009

RAISAL WASAARAHA SOMALIA IYO WAFTI WASIIRO AH OO UU HOGAMINAYO OO KA SOO DEGAY MOQDISHO


>

Moqdisho 26 Feb 2009 (THN)

Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaraha magaalada muqdisho iyaga oo kasoo kicitimay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaraha Aadan Cade Airport keentay diyaarad qaas ah waxaana garoonka ku soo dhoweeyey Ra’iisu wasaaraha masuulyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wareysi kooban oo uu saxaafadda ku siiyey garoonka waxa uu ku sheegay in uu ku faraxsanyahay imaanshiyaha magaalada Muqdishu 19-sano ka dib waxa uuna ku baaqay in la joojiyi dhiigga Soomaalida ee bilaa micna darada ku daadanaya gudaha dalka Soomaaliya,waxaana Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigii uu hogaaminayey isla galabnimadii loo galbiyey xarunta madaxtooyada oo uu ku suganyahay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Ugu dambeyntii Imaanshaha magaalada Muqdishu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli ay dagaalo ay dad badani ku hoobteen ay labadii maalin ee ugu dambeeyey ka dhacay magaalada Muqdishu waxaana la ogeeyn waxa ay ka badali karto xaalada magaalada Muqdisho imaanshiyaha madaxda sar sare ee dowladda dhowaan lagu soo dhisey magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Axmed Kulan (Jookar)
Togaherer Moqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: