Toggaherer’s Weblog

NINKII AFDUUBKA LOOGU HAYSTAY BUURAHA GALGALA OO GOORDHAWAYD SOO GADAHAY BOSAASO

Posted on: February 27, 2009

NINKII AFDUUBKA LOOGU HAYSTAY BUURAHA GALGALA OO GOORDHAWAYD SOO GADAHAY BOSAASO

Bosaaso 24 Feb 2009 ToggaHerer

Waxa Goor dhawayda Magaalada Bosaaso la Keenay Ninkii Afduubka loogu haystay Duleedka Magaalada Buuraha ku Caan Baxday ee Gal Gala, Ninkaasi ayaa Mudo waxa Dadaalkiisa waday sidii loo sii dayn lahaa, Odayaasha G/Sanaag iyo qaar ka mid ah Golaha Xukuumada Pl ee ka soo Jeed Gobolka uu Afduubku ka dhacay.

Sii daynta Ninkaasi ayaa timi ka dib dadaal dheeraad ah oo ay sameeyaan Odayaasha Deegaanka oo kaa shanaya Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir,sidoo kale Wasiirka AMniga Pl. C/laahi Siciid Samatar ayaa isna la sheegay inuu Dadaakaasi qayb Libaax ka qaatay.

Wasiirka Amniga C/laahi Siciid Samatar ayaa isna Hadlay isaga oo u Hanjbay dadkii Falkaasi Afduubka ah Gaystay, Samatar ayaa Yiri” Uma dul qaadandoono Falalka Maalin kasta ka dhacaya Magaalada Laag, wixii Afduub ka dhacay Pl waxa laga soo Maleegay Magaalada Laag, Xukuumada Puntland mar danbe dul qaad uma Yeelandoono Arimahaasi, oo kale hadeerna Afduubka Ninkan Waxaan ku soo Furan lahayn Xoog iyo Awood ayaan si ticmaali lahayn laakiin Nasiib wanaag Odayaasha Deegaanka ayaa Naga Dalbaday inaan Bal iyaga Ka war sugno” .

“Gal Gala Hadeer waxaa Maamulku Puntland u waday in Saldhig Ciidan laga dhiso, sidoo kale Degmo ayaa la siin lahaa, Laakiin Waxaasi oo dhan waxay ku Waayayaan, Afduubyada ay Gaystyaan Wiilasha Yar Yar ee Jooga Gal Gala”Waan iidiin Digaynaa Reer Gal Gala Runtii odayaasha Magaalada waa kuwa Nabad Jecel Laakiin ma aqaan Meesha wax ka Jiraan”Ayuu ku Ku Ce Celiyay Gen-Samatar.

Markii Ninkaasi la Keenay Hotel Trobikal ee duleedka Magaalada Bosaaso, waxa halkaasi saxaafada kula hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha Mudane Doonyale oo ka mid ah Masuuliyiintii Ninkaasi ka soo Furtay Dablaydii Qafaalatay. Doonyaale ayaa xusay in dadka Deegaanka Gal Gala ay Yihiin dad Nabad Jecel isla markaana ay la shaqeeyaan Tan iyo intii ay wadeen Dadaalkaasi, Mr Doonyaal ayaa si Faah Faahsan uga hadlay Afduubkii Ninkaasi uu sheegay inay Qafaasheen dhalinyaro Cadhootay.

Wasiirkii hore ee Xanaanada Hoolaha Pl Cali Jaamac Buureed ayaa isna ka mid ah Ragii Gal Gala Cimraan Khaan ka soo Raacay, Cali Buureed ayaa si qota dheer uga hadlay Magaalada Gal Gala oo uu sheegay in Pl ku sheegto Meel Lama Galaan,ah,” Cali Buureed ayaa Yiri” Magaalada Gal Gala Puntland waxay ka AMinsantahay mid aan Caadi ahayn, waa Magaalo Degan oo ay dadka Joogaan Daneeyaan Nabada, Maxamed Siciid Atam oo ah SHeekha meeshaasi Jooga ayaa Runtii aad noola shaqeeyay, Atab Pl waxay Moodaa inuu wado, Abaabul looga soo Horjeedo, Pl, Laakiin Xaqiiqdii Taasi maha Waxa Jira”.

Cali Buureed ayaa dhanka kale sheegay in siidanta Ninkaasi ay Gacan wayn ka Gaysteen odayaasha Deegaanka Kuwaasi oo geed dheer iyo Mid Gaabn u Fuulay sidii Ninkaasi si shuruud la”aan ah loogu sii dayn lahaa.

Cimraan Khaan oo ah Ninka La Afduubay ayaa isna Saxaafada la hadlay isaga oo ku Hadlaya Afka Qalaad,Waxana uu Yiri”aad ayaan ugu Faraxsanahay inaan Caawa Joogo Bosaaso aniga shalay Subax lay Qafaashay, waxaan u Mahad Naqayaa dhamaan dadkii Arinkaasi siidayntayda ka qayb qaatay si Gaar ah waxaan ugu Mahad Naqayaa, Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Ilka Jiir oo Runtii dadaal dheer ii Galay sidii aan si Nabad ah dib xoriyadayda ugu Heli lahaa, Runtii Maamulka Pl aad ayaan Mar labaad ugu Mahad Naqayaa” Ayuu Yiri Cimraan Khaan.

Cimraan Khaan ayaa waxa Qafaashay dablay hubaysan oo aan la aqoon Ujeedkooda dhabta ah, waxana uu u dhashay Dalka Pakistaan in kastoo uu Haystay Paasapoor dalka Ingiriiska ah, Xukuumada Puntland ayaa Markii Falkaasi soo Yeedhay aad ugu xumaatay iyada oo ay dhawaan UN-ku yimaadeen Garoowe, kuwaasi oo Madaxwayne Faroole kula Balamay inay imandoonaan Gudaha Puntland.

Baashe Maxamed Yusuf
Togaherer Garoowe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: