Toggaherer’s Weblog

KOBCISO AQOONTAADA CAAFIMAAD :WAA MAXAY QAADKU?

Posted on: February 27, 2009

KOBCISO AQOONTAADA CAAFIMAAD :WAA MAXAY QAADKU?

Dadka qaarkiis, cunidda qaadku waa wax caadi ah oo waqtiga laysku dhaafi yo. Waxay ku raaxaystaan inay si hallaasi ah waqti ula qaataan saaxiibadood marka ay cunayaan qaadka. Hase yeeshee isticmaalka qaadku wuxuu dadka qaarkiis u keeni karaa dhibaatooyin. Sida daroogooyinka kale, isticmaalka xad-dhaafka ah ee qaadka waxay qofka u keeni kartaa dhibaatooyinka xagga caafi maadka iyo ladnaanta ah, iyo sidoo kale saamaynta ay ku leedahay dadka kale ee la nool sida qoyska.
Qaadku wuxuu qofka ka dhigaa mid feejigan oo fi rfi rcoon, hase yeeshee wuxuu kaloo keeni karaa dhibaatooyin badan oo caafi maad iyo hurdo la’aan, iyo sidoo kale dareenka oo kacsan.
Cilmibaaristu waxay muujisay in isticmaalka qaadku uu leedahay saamayn bulshadeed oo fara badan oo ay ka mid yihiin dhalinta murannada qoyska iyo dhibaatooyinka la xirriira dhaqaalaha qoyska iyo carruurta.

Waa maxay qaadku?
Qaadku (oo ka mid ah qoyska geedaha loo yaqaan Catha edulis Forsk, Celastraceae family) waa geed gaaban oo caleemo cagaaran leh oo
noqda geed weyn. Caleemaha curdanka iyo curubyada geedka qaadka ayaa loo takhsiimaa in laga helo saamayn fi rfi rcoonaan iyo marqaan.

Maxay yihiin saamaynta jidheed ee qaadka?
Qaadku waa daroogo marqaan kiciye ah. Taa macnaheedu waa in qaadku marqaan geliyo in badan oo shaqooyinka jidhkeena qabto.
Isticmaalka qaadku wuxuu kordhiyaa heerka garaaca wadnaha, heerka neefsiga, heer-kulka jidhka iyo cadaadiska dhiigga, wuxuuna qofka ka dhigaa mid feejigan. Qofka cuna qaadka wuxuu kaloo noqon karaa mid kacsan, oo tabartiisu korodho, hadal badan, wuxuuna lumiyaa
rabitaanka cunnada. Guud ahaan, dadku waxay bilaabaan inay dareemaan saamaynta qaadka 20 daqiiqo ka dib cuniddiisa, ayadoo saamaynta ugu weyn la dareemo 3 saac cunidda ka dib.
Saamaynta aan la jeclayn ama aan la doonayn ee ka dhalata cunidda qaadka waxaa ka mid ah xoog-saarista oo adkaata, dareenka oo kacsan, xasaasiyad, dareen caro iyo qaraxa rabshadda, dareenka buuqsanaanta, xanaaqa iyo kacsanaanta.
Saamaynta aan la doonayn ee jidheed iyo caafimaad ee la xirriirta cunidda qaadka ee joogtada ah waxaa ka mid ah:
• Adkaanta seexashada
• Ciniinimada (awood darrada galmada)
• Qarowga
• Dhibaatooyinka dheef-mareenka caloosha iyo mindhicirka sida calool-fadhiga iyo qaluulashada.
• Qowrarka afka iyo qaybaha kale ee gudaha afka
• Kansarka afka
• Miisaanka cunugga dhasha oo yaraada
• Caanaha naasaha oo yaraada ee hooyooyinka cuna qaadka

Isticmaalka qaadka ee waqtiga muddada dheer ama xaddi aad u badan wuxuu kaloo keenaa dhibaatooyinka niyad-jabka, walaaca iyo xanaaq-dhawida. Waxay kaloo mararka qaarkood ay keeni kartaa in qofka ay ku dhacdo dhibaatooyinka nafsaaniga ah oo aadka u daran.

Maxay yihiin saamaynta bulshadeed ee qaadka?
Isticmaalka qaadku wuxuu kaloo keeni karaa dhibaatooyin bulshadeed, gaar ahaan markii si joogto ah loo isticmaalo ama xaddi badan laga isticmaalo. Haddii ay qofka ka haysato dhibaato xagga isticmaalka qaadka waxay kaloo saamayn kartaa qoyskiisa, saaxiibadiisa, shaqada, iyo dhaqaalahaba.
Isticmaalka qaadku wuxuu dhalin karaa dhibaatooyin qoyseed iyo kuwa dhaqaneedba, gaar ahaan marka cunidda qaadku ay qaadato barjayn muddo dheer sidaasna uu qofkii waqti badan uga maqnaado xaaska. Dhibaatadan waxaa sii xumayn kara haddii uu qofkii marka u yimaado guriga uu iska seexdo halkii uu waqti la qaadan lahaa xaaskiisa, ama asagoo la kacsan hurdo la’aanta ama ay carro iyo xanaaq saaran yihiin ka dib barjayntii qaadka.
Xubnaha qoysku waxay ka xumaan karaan markii uusan qofku garwaaqsanayn dhibaatooyinka cuniddiisa qaadku ay keenayso.
Isticmaalka qaadku waxay kaloo keeni kartaa dhibaatooyin xagga shaqada iyo iskuulka. Dadka cuna qaadka waxaa laga yaabaa inaysan sidii laga rabey u shaqayn ama wax u baran sababtoo ah way daallan yihiin waana kacsan yihiin. Tan waxay kaloo keenaysaa xaaladaha shaqada aan ammaanka lahayn, gaar ahaan wadidda baabuurta ama ku shaqaynta mashiinnada culus.
Dadka qaadka cunaa waxay qaataan fasax jirro oo badan sababtoo ah way daallan yihiin ka dib barjayntii dheerayd ee qaadka ama sababtoo ah waxay la xanuunsan yihiin dhibaatooyinka caafimaad qaarkood oo la xirriira isticmaalka qaadka.
Dhibaatooyin dhaqaale ayaa dhaca haddii kharashka lagu gato qaadka ay tahay inaysan soo harin wax lacag ah oo ku filan in lagu soo gato cunto ama lagu bixiyo biilasha. Tanna waxay u keentaa walwal dheeraad ah qoyska.
Waalidiinta, abkooyada iyo walaalaha waaweyn oo cuna qaadka waa inay ka fiirsadaan dhaqanka ay horseedayaan. Carruurtu waxay ka bartaan in badan oo dhaqankooda iyo dabeecaddooda ah eegidda iyo dhagaysiga dadka muhiimka u ah noloshooda. Haddii uu ilmuhu arko xubno qoyskooda ka mid ah oo qaadka cunaya, waxaa dhacda inay ayaguna isku dayaan sidaas oo kale.

Qofku ma noqon karaa mid u-barta qaadka?
Wali lama ogaan inay qofka ku dhacdo u-barasho (caadaysi = addiction) jidheed ama nafsiyadeed ee qaadka. Si kastaba ha ahaatee, dadka aadka u cuna qaadka (muqayaliinta ah) waxay dareemaan astaamaha u-barashada haddii ay joojiyaan qayilaadda.
Haddii uu qofku caadaystey ku shaqaynta qaadka, wuxuu noqon karaa jidh ahaan mid ku xiran qaadka. Dadka aadka muqayiliinta u ah waxaa la arkay inay la kulmaan astaamaha u-barashada sida daal xad-dhaaf ah iyo tabar la’aan, ku adkaanshaha inay qabsadaan howl maalmeedkooda iyo xoogaa gariir ah dhowr maalmood ka dib marka ay joojiyaan cunidda qaadka. Astaamahaas way dhici karaan sababtoo
ah jidhku wuxuu u bartay inuu helo qaad, haddana waa inuu u-bartaa inuu shaqeeyo la’aantiisa.
Haddii uu qofku dareemo inuu u baahan yahay inuu cuno qaadka si uu ula qabsado noloshiisa una noqdo mid faraxsan, waxaa laga yaabaa inuu nafsad ahaan noqdo mid ku xiran qaadka.
Qofkaas wuxuu dareemi karaa inuusan la qabsan karin xaaladaha qaarkood sida kulannada bulshada ama wareegga dheer ee shaqada haddii uusan cunin qaadka. Joojinta cunidda qaadka waxay u keeni kartaa qofkaas nafsad ahaanta ku xiran qaadka inuu dareemo walaac iyo dhirifsanaan. Wuxuu kaloo qofku dareemi karaa go’doon, gaar ahaan haddii uu qofku u bartay inuu saaxiibadiis kala qaybgalo fadhiyada barjaynta cunidda qaadka.

Yaraynta waxyeellooyinka la xirriira cunidda qaadka
Tilmaamahan soo socda waxay noqon karaan kuwo gacan ka gaysta:
• Haddii aad tahay qof si joogto ah u cuna qaadka, isku day inaad yarayso xaddiga aad ka qaadanayso, ayadoo nasashooyin macquul ah u dhaxeeyaan fadhiyada.
• Iska ilaali cabbitaannada ay ku jiraan kaafaynka sida Cola iyo koofiga. Biyo ku baddelo cabbitaannadaas.
• Iska ilaali khamriga ama daroogooyinka kale ka hor, ama ka dib fadhiga cunidda qaadka. Isku daridda daroogooyinka waxay noqon kartaa mid khatar ah.
• Haddii aad sigaarka cabto, iska yaree tirada sigaarka aad cabbayso intaad qaadka cunayso. Iska ilaali fadhiyada cirriiriga ah waxaadna furtaa dariishadaha si ay hawada fareeshka ah u soo gasho.
• Waxaad cuntaa furuud badan, khudaarta iyo cuntooyinka kale ee caafimaadka leh, waxaadna hubisaa inaad wax cunto ka hor iyo ka dib fadhiyada cunidda qaadka.
• Isku day inaad iska ilaaliso cunidda qaadka habeenkii waqtiga dambe, hana qaadan kiniiniyada hurdada in dhakhtarkaagu kuu qoro maahee.
• Iska ilaali inaad muddo dheer qaadka ku takhsiinto cankaaga, maaddaama ay tani kordhin karto khatartaada inuu afka kaaga dhaco infagshan.
• Haddii aad uur leedahay, iska ilaali inaad cunto qaadka, maaddaama ay tanna u keeni karto khatar caafimaad ilmahaaga uurka ku jira.
• Sida ugu ammaanka badan oo laysaga ilaaliyo dhibaatooyinka cunidda qaadka waa in layska daayo cunidiisa.

somalidoc

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: