Toggaherer’s Weblog

DAD KA GANACSANAYEY QAAD OO LAGU XIDHXIDHAY EDMENTON EE DULEEDKA CANADA!!!

Posted on: February 27, 2009

DAD KA GANACSANAYEY QAAD OO LAGU XIDHXIDHAY EDMENTON EE DULEEDKA CANADA!!!

Edmonton 07 Feb 2009 ToggaHerer
Magaalada Edmonton ee wadanka Canada ayaa waxaa lagu xidhay 5 ruux oo Soomaali ah, waa 4 rag ah iyo qof dumar ah, wuxuuna xadhigoodu eersaday Qaad (jaad) lagu qabtay iyagoo ka ganacsanaya.

Qaad culayskiisu dhanyahay 36kg ayaa markii ugu horaysay waxaa arkay haweeneey u shaqaysa waaxda qaabilsan ilaalada xuduudda, wuxuuna markaasi qaadku ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Edmonton isagoo gunta u yaala shixnad si wanaagsan loogu qariyay.

Sida ay sheegeen waaxda dabagalku, waxay raadraac ku sameeyeen sadex ciwaan oo jawaannada Jaadka ahi ku socdeen, waxayna ciidamada u qaabilsan Canada dabargoynta daroogadu hawlgal ku soo qabteen Cawil Muuse Cali oo 51 jira, Maxamed Yuusuf Xasan 48 jir, Xaliima Xalane 38 jir, Maxamed Cilmi Saciid 39 jir iyo Abshir Cali Faarax oo 24 jir ah.

Wadamada Canada, Maraykanka iyo qaar kamid ah dalalka Reer Yurub ayaa wada qorshe ay Soomaalida kagala dagaalamayaan cunitaanka iyo ka ganacsiga Qaadka, waxaana sanadkii inaga tagay xabsi ku mutay Soomaali aad u badan oo qaarkood lagu xukumay 8 sano oo xadhig ah.

Wadamada Reer Galbeedka waxaa si xor ah loogu gadi karaa ama loogu cuni karaa wadanka Boqortooyada Ingriiska iyo wadanka Holand. Wadanka Maraykanka iyo Canada iyagu askarta iyo Qaadka aragtidaa ka dhaxaysa, qofkii lagu qabtaana waa xadhig inuu mutaba, waxaana la sheegayaa inay ugu wacantahay Soomaalida ku nool labadaa wadan oo bartay sida Qaadka loo cuno dadkii wadanka u dhashay. 

Arintan ayaa la sheegayaa inay sal u tahay ugaadhsiga Qaadka ee aynan ahayn wanaag Soomaalida lala rabo iyo inay dantooda raacdaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: