Toggaherer’s Weblog

WARYASI LALA YEESHAY SULDAANKA GUUD EE BEELAHA SOMALILAND SUL MAXAMED SUL C/QAADIR

Posted on: February 26, 2009

WARYASI LALA YEESHAY SULDAANKA GUUD EE BEELAHA SOMALILAND SUL MAXAMED SUL C/QAADIR

Hargaysa 26 Feb 2009 (THN)

Qolyahan Shuruucda dalka loo xilsaaray, waxaan u arkaa in arrintooda oo dhan ay ilaashadaan, waxaan Distoori ahayna in aanay iyagu fagaaraha keenin. Maadaama ay yihiin kuwii umaddan Xeer-dejinta u ahaa, waxay marka horeba ahayd qodobo badan oo Distoorka ku jira oo aan dhamaystirnayn inay qaybyo tiraan.” Sidaa waxa yidhi Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu ka hadlay sida uu u arko xaaladda waqtigan dalku ku jiro, haddii dib-u-dhac ku yimaado doorashada Madaxtooyada Somaliland, Shirarka dib-u-heshiisiinta Soomaalida iyo arrimo kale. “Xaaladda imika lagu jiro ee dalku waa mid siyaasaddeedu keeni karto mashaakil, shacbigana maanta mashaakilku dan uma aha. Dalku wuxuu leeyahay Shuruuc iyo Distoor, wixii Distoorka ka baxsana looma baahna, wixii ku jirana in la tixgeliyo ayay umaddu Distoorka u dhigay. Markaa wixii aan Distoorkeenaa ku jirin oo dhami way inaga reeban yihiin. Laakiin, wixii aan ku jirin ee xal keenaya waa loo baahanyahay….Qolyahan Shuruucda dalka loo xilsaaray, waxaan u arkaa in arrintooda oo dhan ay ilaashadaan, waxaan Distoori ahayna in aanay iyagu fagaaraha keenin. Maadaama ay yihiin kuwii umaddan Xeer-dejinta u ahaa, waxay marka horeba ahayd qodobo badan oo Distoorka ku jira oo aan dhamaystirnayn inay qaybyo tiraan.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir. Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Komishanku ka madaxbanaan yihiin goleyaasha dawladda, isla markaana aanay ciddi ku farogelin karin hawsha ay qaranka u hayaan. Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in haddii qabyo ka soo baxdo geedi-socodka doorashada in si maslaxada guud ku jirto ay uga wada tashadaan cida ay khusaysaa. “Laakiin, runtii la tashiga goleyaashu waa wax loo baahanyahay,” ayuu yidhi.
Mar la waydiiyay sida uu u arko hadalada xisbiyada Mucaaradka ee la xidhiidha in Xukuumaddu farogelin ku hayso Komishanka doorashooyinka, waxa uu yidhi, “Walaahi, haddii ay jirto Xukuumaddu haka dayso baan leeyahay, haddii aanay jirina waxaan leeyahay eeda yaan la wada qaadanin.” Waxaanu Komishanka kula taliyay in haddii talo loo soo jeediyo ay iyagu marka hore ka dooddaan kana tashadaan. “Kollay dadweynuhu waa xogogaal oo umaddu qaafil maaha. Waa umad yar iyo weynba siyaasadda dabiiciyan iskaga dhalatay. Waxa laga yaabaa dadka aqlabiyadiisa dadka hogaaminaya in aanu ninna Kulliyaddaha siyaasadda laga barto uga soo bixin, waxaana suurtogal ah in Kulliyadaha ay ka baxeen ay culuum kale ku barteen. Tusaale ahaan, Faysal (Gudd. UCID) Engineering buu ka soo baxay, Siilaanyo (Murashaxa Kulmiye) Dhaqaaluhuu bartay, Rayaale (Madaxweynuhu) ciidan buu ahaa,” ayuu yidhi. Wuxuuna sheegay in umadda reer Somaliland aad ugu dhowdhow yihiin fikirka siyaasiga ah, taasoo uu sheegay in aynu bulsho ahaan kaga duwan tahay kuwa ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya.
Suldaanka oo la waydiiyay sida uu u arko isbedelka hogaamineed ee Soomaaliya, waxa uu sheegay in Shirka Soomaalida loogu qabtay Jabuuti ee lagu dhisay Baarlamaanka isku-dhafka ah in aanu wax badan kaga duwanayn kuwii ka horeeyay ee Soomaalida loo qabtay. “Horta, laba arrimood baa is barbar socda. Markaa labadaa middii muhiimka ahayd lama eegayo oo tii siyaasiga ahayd uun baa lagu boodayaa markiiba,” ayuu yidhi Suldaanku. Wuxuuna sheegay in Shirarka dib-u-heshiisiinta Soomaalida aan muhiimada la siinin turxaan-bixinta iyo bogsiinta waxyaabaha beelaha u dhexeeya. “Waxa weeye; afarta boqol ee nin ee Shirka loo qabtay dadkoodii inay ku noqdaan oo ay dib-u-heshiisiin dhab ah ka sameeyaan, sidii reer Somalilandba ay sameeyeen,” ayuu raaciyay. Wuxuuna tilmaamay inay jiraan xurgufo bogsiin u baahan oo dhex yaala beelaha Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo inta badan kala gaadhay muddada dheer ee ay dagaalada sokeeye u dhexeeyeen, waxaanu sheegay in dadku marka ay heshiiyaan ay wax ay ku niyadsan yihiin dhisan karaan. “Tani waa igu noqnoqo uun oo beriba waa la ridi Sheekh Shariif,” ayuu yidhi.
Suldaan Maxamed oo la waydiiyay sida uu u arko kooxda sida xeeladaysan dadka lacagaha kaga ururiyay, waxa uu ku jawaabay, “Arrintani waxay ahayd, dad uun baa waxoodii la cunsiinayay. Maadaama aan wax cadaymo ah (documents) looga helay dadkii waxan qaadayay, waxa weeye bil walba dadka u dambeeya ee soo galay ee cusub ayuun baa inta laga ururiyo dadkan loo saarayay boqolkiiba lacagtii ay bixiyeen…..Waxa jira dadkii hore ugu jiray, waxa ku jira dad intay kun ($ 1000) dhigteen maanta guryo iyo gaadiidba ka iibsaday ama meherado ka furtay.” Sidaa ayuu yidhi Suldaanku. Wuxuuna muujiyay inay jiraan dad wakiilo ahaa oo weli gacanta ku haya lacagtii ay muddooyinkii u dambeeyay dadka ka ururiyeen iyo dadkii lacagta lagu ururin jiray oo Saldhigyo kala fog lagu kala xidhay, kuwaasoo uu sheegay in haddii laysu geeyo ay fududaan lahayd xisaabtan ay ka yeeshaan lacagihii ay isu gudbinayeen, taasina horseedi karto inay dadka ay lacagaha ka ururiyeen waxooda u celiyaan. Waxaanu sheegay in inta uu ogyhay ay dhowr iyo labaatan qof Boolisku u xidheen dhacdadan. Balse, waxa uu sheegay in arrintan wejiyo badan loo yeelay, isla markaana aan weli xog dhamaystiran laga haynin nidaamkan. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dhacdooyinka noocan ahi wadamo kale ka dhaceen sida Imaaraatka Carabta.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ah Suldaanka guud ee Somaliland, waxa uu sheegay inuu maanta Salaadiinta Shir ugu qabanayo Hargeysa, kaasoo uu sheegay inay kaga hadli doonaan xaaladda colaadeed ee ka oogan deegaanka u dhexeeyay degmooyinka Gabiley iyo Baki. “Dawladda waxaan u soo jeedinayaa inay dadkaa si dhexdhexaad ah oo degdeg ah u kala dhexgasho,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, “Anigu waxaan leeyahay arrintaa dhaliisheeda Xukuumaddaa iska leh.” Mar la waydiiyay sida uu u arko in maadaama uu xusay in Xukuumaddu ka gaabisay wax ka qabashada arrinta galbeed, in aanay ka madhnayn arrimo siyaasaddeed, taasoo dadka qaarkood aaminsan yihiin, waxa uu sheegay in aanay shaqsiyan taasi u muuqan, isla markaana colaadi tahay mid aan loo baahnayn. “Xaalad degdeg ah uun baa keeni karta waxan muddo-kordhinta la yidhaahdo.” Sidaa ayuu yidhi. Wuxuuna sheegay in muranka u dhexeeya labada dhinac inay muddo dheer oo jiitamaysay. Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir waxa uu sheegay in xurguftan muran-dhuleedka ahi dhinacyada ay u dhexaysaa aanay beel ahaan sinayn, sidaa darteedna si aanu u fidin loo baahan yahay in wax laga qabto.

OGAAL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: