Toggaherer’s Weblog

WARAYSIGA WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOMALIYA.

Posted on: February 26, 2009

WARAYSIGA WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOMALIYA.

Mohamed Abdillaho Oomaar oo dhawaan loo magacaabay wasiirka arimaha dibada dawlada Shariif madaxda ka yahay, ayaa bixiyay waraysigiisii koowaad tan iyo intii loo magacaabay jagadan.

Maxamed , isagoo waraysio siiyay idaacada wararka ee Reuter ayaa ugu horaan ka codsaday caalamku inaanu indhaha kaga jeedin weerarkii lagu qaaday ciidamada Ruwanda kaas oo ay ku dhinteen 11 ciidamadooda ah. Isagoo raaciyay malayshiyaadka dagaalka wada waxa kaliya ee ay ku andacoonayaan inay iminka tahay in ciidamada midawga Africa dalka ka baxaan.

Tobonkii Maalmood ee ugu danbeeyay , dagaalkii ka dhaxeeyay somalida dhexdeeda waa uu qarsoomay, taas laftigeeda ayaa ah isbedel weyn.

Wasiirka oo ah nin 55 Jir ganacsade ah , waxna ku bartay dalka Ingiriiska ayaa kazoo jeeda gobolada waqooyi iminkana ah Somaliland. Isagoo ka hadlaya halka dawlada uu wasiirka ka yahay ahmiyada saaraysana waxa uu yidhi laba qaybood ayaanu haatan awooda saaraynaa oo kala ah: Nabadaynta Muqadisho iyo soo celinta dadkii ka bara kacay magaalada .

Xigasho Reuters

Xafiiska Warqabadka Toggaherer
Yurub

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: