Toggaherer’s Weblog

URUR SIYAASADEED CUSUB OO LAGAGA DHAWAAQAY LAASCAANOOD DHAWANATAN

Posted on: February 26, 2009

URUR SIYAASADEED CUSUB OO LAGAGA DHAWAAQAY LAASCAANOOD DHAWANATAN

Laascaanood 25 Feb 2009 (THN)

Urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay isabahaysiga ( JEEGAANTA) ayaa todobadkan laga dhawaaqay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool sidaana waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Abdi Rashid Maxamed Bootaan oo isagu sheegay in uu yahay afhayeenka ururkaasi waxaanu intaasi ku daray in uu ururkoodu yahay urur siyaasadeed u taagan sidii uu uga qayb qadan lahaa talada siyaasadeed ee dalka Somaliland.

“ Walaal urukani waa urur siyaasi ah ah ujeedooyinka aanu u abuurnay waxay tahay in uu mustaqbalka dalka ka qayb qaato , sidaad ogatahayna gobolada barigu in badan ayey ka dambeeyaan gobolada galbeedka sida gobolka Sool gobolada kale 14 sanadood ayey ka dambaysaa yaa la odhan karaa”

“ Sababta keentay in aanu urukan furnana waxay tahay baahi ay bulshada Somaliland u qabto in la furo ururada siyaaseed oo cadaalad ah oo sinaad ah oo ka qayb gasha siyaasada dalka”

Mar la waydiiyey kooda waxa uu kaga duwan yaahy kuwii hore ee la diiday in ay sameeyan urur siyasadeed na waxa uu yidh

“ walaal waxba kagama duwan lakiin diidmada oo horta sharicayadaro maaha oo dee horta qofkasa fikirkiisa siyaasiga ah xor ayuu u yahay xibina maanan sheegan lakiin xukuumada waxaanu ka doonaynaa in ay furto axsaabta si ay axsaabta dalku u badato oo talada loo wada wadago dee kolay constitution ka xibyeed ayuunbay ku kala dawanaanayaan uun mooyee waxaayabaha kale waa isku mid xaga policy ga oo hadii ay tahay kii Qaran oo kale hadii ay tahay kan iminak ay wadaan Ibrahin Dhagaweyne oo uu dhisayo oo kale lakiin anigu waxaanu rabnaa oo aan dalbanaynaa in ay xukuumadu furto axsaaba oo ay futo article 14 “

Afhayenku waxa uu carabka ku dhuftay in uu urukoodu yahay urur laba cidhif cafeenaya oo kala ah bari iyo galbeed taas ayaanu sheegay in ay yihiin xulafo.

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in ururkoodu oo u ololayn doono sidii loo dhaqan galinlahaa xeerarka iyo shuruucda dalka u yaala isla markaana loo furi lahaa ururada siyaasada taasi oo uu sheegay in ay tahay dariiqa kaliya ee muwadiniintu ay ku heli lahaayeen xuquqdooda siyasiga ah .

Waxa kale oo afhayeenka ururkani uu ka dayriyey wax ka qabashada adeegyada bulashada Sool oo uu ku tilmaamay in xukuumada Somaliland ay ku guul daraysatay wax ka qabashadooda, waxaanuu si gara uu farta ugu fiiqay in ay jirto biyo laan baahsani oo ka taagay degmada Laascaadoon ee xarunta gobolka Sool .

Baashe Maxamed Yusuf
Togahere Laascaanood

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: