Toggaherer’s Weblog

MAKIINADII SAMAYN JIRTAY LACAGTA FAALASADA PL OO LA SOO BANDHIGAY

Posted on: February 26, 2009

MAKIINADII SAMAYN JIRTAY LACAGTA FAALASADA PL OO LA SOO BANDHIGAY

Laascanood 25 Feb 2009 (THN)

Sida aynu la wada socono waxaa inta badan warbaahinta somalidu gaar ahaan kuwa maamulka puntland ay si wayn uga hadli jireen in wadanka ay yaalaan makiinado ah nooca lacagta sameeya ee faalsadaha ah.

Hadaba masuuliyiin ka tirsan mamul goboleedka puntland ayaa waxa ay xalay magalada boosaaso ku soo bandhigeen oo uu wariyeyaasha tusay makiinad ka mida kuwii daabici lacagaha faalsadaha ee khatarta galiyey nolosha dad wayne aad u tiro badan oo ku nool guud ahaanba somalia,ninka lagu magacaabo INA CIISE LACLE oo wasiirku xigeenka dekedaha ka maamulka puntland ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay magalada dekeda ah ee boosaaso waxaana uu ku soo bandhigay qaar ka mida makiinada sameeya lacagta oo markaasi loo dhoofinayey wadanka dibadiisa gaar ahaana wadanka imaaraadka carabta.

waxaana uu iska fogeeyey masuulkaasi inay dawlad goboleedka puntland uu wax luga kuleeyahay keenista lacagta arinkaasi oo u muuqda dafiraad cad si uu uga fageeyo faroole oo lagu tilmaaamo ninka gaarka u leh makiinadahaasi inuu wax dambi ah ka galay dadka.

dhawaan ayaa waxaa uu aad uga cadhooday madaxwaynha maamulka puntland FAROOLE warar ay qoreen qaar ka mida warbaahinta somalida gaar ahaan sawir gacmeed uu ka sameyey aartiistaha caanka ah ee somaliyed amin camir oo ku sheegay inuu faroole dib u bilaabay o uu soo istaadhay makiinadihiisa markuu noqday madaxwaynaha,waxaana faroole uu sheegay inuu maxkamd la tiigsan doono amin camir oo ah nin cid walba waxa ay tahay ku sheega isagoo adeegsanaya sawir gacmeedka.

hadaba waxaa layswaydiinayaa yaa qaadaya masuuliyada dhibaatadii ay keentay makiinada lacagta samaysa oo ka dhalisay sicirbarar aan la qiyaasi karin?.

wariye axmedsaakin faarax warsame
laascaanood,somaliland
axmedsaakin@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: