Toggaherer’s Weblog

LABA BEELOOD OO SOMALI IYO BOORANA OO KU DAGAALAMAYA MOOYAALE DHIMASHADA AYAA AH 275 RUUX

Posted on: February 26, 2009

LABA BEELOOD OO SOMALI IYO BOORANA OO KU DAGAALAMAYA MOOYAALE DHIMASHADA AYAA AH 275 RUUX

Jigjiga 26 Feb 2009 (THN)-

-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Mooyale ayaa sheegaya in dagaal balaadhan uu dhexmaray Beel Soomali ah iyo Beel Boorana ah.Dagaalkan oo ka bilawday daaqsin,lahaansho deegaan iyo waro biyo oo xooluhu ka cabaan,ayaa sida wararku sheegayaan sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan labada dhinacba.Dagaalkan oo bilowday laba asbuuc kahor ayaa wali labada dhinacba lais horfa

dhinacba lais horfadhiyaa oo la isku hub aruursan hayaa.Dhimashada dhinac Soomalida ayaa la sheegayaa inay kor u dhaafaysa 100 qof meesha dhinaca Boorana naloogu sheegay tiro dhan 175 ruux, mar aan telefoon kula xidhiidhay magaalada Mooyaale.

Wararka ayaa intaas ku daraya in labada dhinacba dadka xooloo dhaqatada ay ka qaxayaan goobta dagaalka. Qabiilka Booranta ah ayaa iyadu waxay degaan xuduuda labada wadan ee Itoobiya iyo Kenya, iyagoo u badan wadanka Kenya.Soomalida yaa waxay inta badan ku eedayaan Booranta

inay wadanka kenya ka soo gudboon oo xoolo badan Somalida ay markasta ka xado ooy ula talowdo dhinaca wadanka Kenya,meesha boorantuna ay ku eedayso qabiil kale oo layidhaahdo Turkaano inay ka dambayso xoolaha la dhacayo ee wadanka Kenya lagula gudbo.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaan wali wax ka odhan dagaalkan lagu hoobtay.
Warqabadka ToggaHerer Adiss ababa
Xuseen Jaamac Duraan(Xusto)
Gabaldaye@gmail.com
Togaherer@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: