Toggaherer’s Weblog

HAYADA INTER PEACE OO KU FASHILANTAY KA WARBIXINTA ARINTII SERVERKA COMPUTERKA

Posted on: February 26, 2009

HAYADA INTER PEACE OO KU FASHILANTAY KA WARBIXINTA ARINTII SERVERKA COMPUTERKA

Hargaysa 24 Feb 2009 ToggaHerer

Wakilka u Jooga Hargeysa Hay’ada Inter Peace Ee Komishanka Doorashooyinka Kala Shaqaysa Hawlaha Diiwaangelinta Iyo Doorashada Isla Markaana Gacanta Ku Haysa Maamulka Deeqda Dhaqaale Iyo Qalabka ay Deeq bixiyeyaashu ku Kaalmeeyeen hawlahaas ayaa dabayaaqadii Todobaadkii Hore Komishanka Doorashooyinka Ku Wargeliyay Inay Bilaabayaan Jimcaha (Laba Maalmood Ka Hor), Ka Shaqaysiinta Computer-Ka Wayn Ee Loogu Yeedho Serverka, Kaas oo ay Hawshiisu Tahay In Lagu Uruuriyo Xogtii Dadkii Iska Diiwaangeliyay Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka, Markaana uu Kala Saaro Oo Uu Shaandheeyo Isagoo hawshaa U Fulinaya Sida Uu Dhigayo Heshiiskii Ay Dhawaan Kala Sexeexdeen Saddexda Xisbi Iyo Komishanku.

Sida ay Xaqiijiyeen Ilo Wareedyo Ka agdhaw Xafiiska Dhexe Ee Diiwaangelinta Oo La Socday Hawshaas. Warku Waxa uu Intaa Ku Darayaa In Sarkaalka Inte- Peace Uu Komishanka Doorashooyinka u Soo Celiyay Jawaab ah In uu Server-ka Shaqayn Waayay oo ay Wax Ka Dhiman Yihiin hawlgalkiisa Loona baahanyahay In la doono Eng. Ka Socda Shirkada India Fadhigeedu yahay ee Haysatay Qandaraaska Hawlgelinta Server-ka.

Warku Waxa Kale Oo Uu Intaa Ku Darayaa In Serverka Oo Laga Sugayo In Ay Ka Soo Baxdo Natiijadii Diiwaangelintu U Xaniban Yahay Engneerkaas Iyo Shirkadaa Ku Maqan India.

Bilowga Ka Shaqaysiinta Serverka Ayaa Daba Socotay Ballan Qaadkii Uu Bixiyay Weftigii Deeqbixiyeyaasha Ee Dhawaan Dalka Yimid Kuwaas Oo Sheegay In Ay Xagooda Wixii Ku Xidhnaa Oo Dhami Diyaar Yihiin Marka Lagu Daro Kharashkii Ay Doorashada Ugu Tallo Galeen Oo Ay Hayaan Siina Daynayaan Isla Maalinta Uu Dhinaca Somaliland Ka Soo Dhamaado Heshiis Ay Wada Sexeexaan Saddexda Xisbi Ee Ku Tartamaya Doorashada Iyo Komishanka Doorashooyinku.

Sidoo Kalena Ay Muddo Laba Todobaad Ah Guddohood Ku Dhamaynayaan Hawsha Ku Xidhan Serverka Oo Ay Soo Bixi Doonto Natiijadii Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu.

Si Kastaba ha ahaatee, Komishanka Doorashooyinka ayaa Wax Badan Waxa Lagu Canaantaa In ay Xagooda Gaabis Ka Yihiin Dedejinta Hawlaha Doorashada, Haatan Se Waxay U Muuqataa In ay Hawshaasi Qabyo Ka Tahay Dhinaca Deeqbixiyeyaasha Iyo Hay’ada Ka Wakiilka Ah.

Dhawaan Ayaa La Soo Afjaray Khilaaf Cirka Isku Shareeray Oo Aad Loo Buunbuuniyay Kaas Oo U Dhexeeyay Hay’ada Inter Peace Iyo Komishanka Doorashooyinka Iyada Oo Ay Soo Baxayeen Warar Sheegaya In Komishanka laga la’yahay Xisaab Celintii Kharashkii Ku Baxay Diiwaangelinta Kuna Maqantahay Xisbaab Dhan 300,000 Dollar Iyo Xisaab Celinta Qadarkii Lacageed Ee Yaraa ee ay Ku Dartay Xukuumada Somaliland Ka Dib Markii Uu Hargeysa Yimid Sarkaal Ka Socda Hay’ada Inter Peace bilaabayna baadhitaanka hawshaas aakhirkiina uu Meesha Ka Baxay Muranka la Xidhiidha Saddexda boqol ee Kun Oo Lagu Waayay Komishanka Isla Markaana Hanti Dhawrka Qaranku uu Dhiniciisa Bilaabay Inuu baadho Sida ay u Baxday Qadarkii Lacageed ee Dhinaca Somaliland Oo Isagana ay Soo baxday Inaanay Jirin Lacag Maqani. Si Kastaba Ha Ahaatee, Komishanka Doorashooyinka ayaa u Muuqda Mid Qarsanaya Xanuun Ka Jira Sabada uu la hawl Galo ee Ku xeeran, Xanuunkaas oo ah arami Isaga Iyo dalkaba Ku Maqan.

Wargeyska Saxansaxo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: