Toggaherer’s Weblog

GARABKA DHALINYARADA EE XISBIGA UCID OO BEENISAY WAR LAGA FIDYEY OO BEEN ABUUR AHAA

Posted on: February 26, 2009

GARABKA DHALINYARADA EE XISBIGA UCID OO BEENISAY WAR LAGA FIDYEY OO BEEN ABUUR AHAA

Burco 24 Feb 2009 ToggaHerer

Garabka Dhalinyarada Ee Xibiga UCID Oo Maanta Beeniyey War Dhawaan Laga Faafiyey

Waxaa maanta Hotel Barwaaqo ee magaalada Burco kulan ku yeeshay garabka dhalin-yarada iyo haweenka ee xibiga UCID.

Kulan kaasi ayaa ah mid looga gol lahaa in laga jawaabo war hore loo baahiyey, warkaasi oo lagu sheegay in ay kala jabeen garabka dhalin yarada xisbiga gaar ahaan xubnaha Gobolka Togdheer.

Jawagi uu ku bilaabay shirku ayaa ahaa mid aad u degan, waxaana ka soo qayb galay dhalinyaro tiro badan oo ku bahoobay garabka dhalinyarada Xisbiga UCID

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha garabka dhalinyarada Xsibiga UCID Mr. Axmed Max’ud Aadan, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:-
“Waxaa jiray hadalo been abuur ah oo warbaahinta lagu baahiyey maalmihii u danbeeyey, kuwaas oo ah in garabkii dhalinyarada iyo haweenka ee gobolka Togdheer ay ka baxeen xisbiga UCID, sidaasi daraadeed ayaanu kulan u qabanay si aanu gudo iyo dibadba u tusono in uu been yahay warkaas lagu faafiyey meelaha kala duwan”

Dhinaca kale waxa isaguna halkaa ka hadlay Siciid Axmed Max’ed oo ka mid Golaha dhexe ee xisbiga UCID waxaana hadaladiisa ka mid ahaa .

“Kulankan maanta waxaanu u soo abaabulnay in aanu kaga jawaabno laba arimood oo midi tahay in aanay jirin wax xisbiga kabaxay, ha noqdaan garab dhalinyaro ama garab haween .

Kulankani waxa uu tusaale u noqonayaa amaba laga dheehan karayaa sida ay dhalinyaradu diyaarka ugu tahay in ay ka qayb qalaan talada dalka.”

Mudane Siciid hadaladiisu intaas oo qudha kuma ekeyn balse waxa uu tusaale u soo qaatay, kadib markay dhalinyaradu waayeen fursado shaqo in ay badaha is ku shubaan (Tahriib) ama ay ku dhamaadaan”

ugu danbayntii waxaa kulanka soo gunaanaday mudane Cusmaan Afgaab oo ah Guddoomiyaha Xsibiga UCID ee Gobolka Togdheer
“hanaanka siyaasadeed ee xisbigayaga u yaala waxa uu muujinayaa in dhaliyarada la siiyo 60% halka haween kana aanu u qoondeynay in ay helaan 25% taasoo uu Guddoomiyuhu ku saleeyey in hogaanka xisbiga badan kiisu noqdo dhalinyaro”

Reported by: Ibraahim Abdirahman Qaasim
Burao/Somaliland
Qaasim
Qaasin05@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: