Toggaherer’s Weblog

DAGAAL U DHEXEEYEY LABA BEELOOD OO SAAKA KA QARXAY (EERIGOO) OO KU TAAL HAWLDKA LAASCAANOOD

Posted on: February 26, 2009

DAGAAL U DHEXEEYEY LABA BEELOOD OO SAAKA KA QARXAY (EERIGOO) OO KU TAAL HAWLDKA LAASCAANOOD

LAASCAANOOD 26 Feb 2009 (THN)

Waxaa saaka waabarigii hore uu dagaal u dhexeeya laba belod oo ka soo kala jeeda gobolka sool iyo gobolka mudug uu si kadsi ah uga qarxay meesha la yidhaado EERIGOO oo qiyaastii ilaa 30 km u jirta tuulada saaxdheer oo 70 km ka xigta dhanka konfureed magalada laascaanood ee gobolka sool.dagaalkan oo ah mid soo noqnoqda ayaa waxaa uu salka ku hayaa dhul daaqsimeed ay isku hayaan reer guuraa ay ka dhexayso oodwadaag,islamarkaana derisa oo wada dega dhulka hawdka sare ee koonfura gobolka sool.

ilaa iminkalama garanayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo ah mid si lama filaana saaka hiirtii hore ku qarxay hase wararka ka imaanaya halkaasi ayaa ku waramaya inuu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay dagaalkan,ayna socoto isu hub uruursi balaadhan oo laga dareemayo tuuloyinka ku xeeran aaga dagaalka.

hore ayaa waxaa lagu fashilmay in ay guulaysato waanwan laga dhex sameyey labadan beelood taasioo ay wadeen odayaasha dhaqanka ee ka soo kala jeeda beelahasi ay colaadu dhextaalo ee gobolada sool iyo mudug.

maaha markii ugu horaysay ee dagaal uu dhexmarolabadan beelood,muddo hada laga joogo dhowr bilood ayaa waxaa dagaal noocan ookale ah uuka dhacay jiida hore ee tuulada cagaarre iyadoo halkaasi ay ku nafwaayeen dad tiro badan qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

xidhiidho aan la samaynay tuulooyin ku dhow dhow halka uu dagaalku ka qarxay ayaa noos sheegay inuu jiro tiro dhaawacyo la keenay degmada kalabayadh oo 30 koonfur kaga aadan magalada laascanod oo halkasi lagu dabiibayo, loona soo gudbin doono magalada laascanod.

.

wariye axmedsaakin faarax warsame
lascanod,somaliland
axmedsaakin@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: