Toggaherer’s Weblog

ARABSIYO 150 DHALINYARO XISBIGA KULMIYE AH OO U DIGA ROGTEY XISBIGA UDUB

Posted on: February 26, 2009

ARABSIYO 150 DHALINYARO XISBIGA KULMIYE AH OO U DIGA ROGTEY XISBIGA UDUB

Arabsiyo 24 Feb 2009 ToggaHerer

Dhalinyaro Tiradoodu gaadhayso 150 Xubnood oo Hore uga Tiirsanaan Jiray Xisbiga Kulmiye ayaa u digo Rogtay kuna Biiray Xisbiga Udub .

Xaflad Balaadhan oo Xisbiga Udub usameeyay Dhalinyaradaasi kasoo Baxday Xisbiga Kulmiye ayaa shalay Lagu Qabtay Huteel Dalxiis ee Magaalada Arabsiyo .

Xafladdan oo ahayd Mid si weyn loo soo Agaasimay waxaa kasoo Qaybgalay Gudoomiyaha Wacyigelinta iyo Abaabulka ee Xisbiga Udub Mr Maxamuud Cabdi Malow Gudoomiyaha Nabadgelyada iyo Difaaca ee Xisbiga Udub C/laahi maxamed Jaamac , Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Mudane Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) ,Maayarka Degmadda Gabiley Mudane Aaden Muxumed Badde , Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Saleebaan Maxamad Sheekh saleebaan (Madaxay) , Gudoomiyaha Magaalada Arabsiyo Sitiin ibraahim Nadiif ,Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Arabsiyo Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Marwo Maryan Xaddi , Garabka Haweenka ee Arabsiyo Shamis Cabdi , Xubno ka Tirsan Golaha deegaanka ee Gabiley iyo Marti sharaf kale .

Waxaana ugu Horeyn Xafladdaasi hadalo soo dhaweyn ah uga jeediyay Dhalinyaradaasi kasoo baxay Xisbiga Kulmiye ee ku biiray Xisbiga Udub Gudoomiyaha Arrimaha Wacyigelinta iyo abaabulka ee Xisbiga Udub Mr Maxamuud Cabdi Malow oo sheegay in Xisbiga Udub Diyaar u yahay soona Dhaweynayo guud ahaanba qeybaha kala duduwan ee bulshada Gobolka Gabiley oo mudooyinkan danbe tubta isu daba haya kusoo biiritaanka Xisbiga Udub .
Waxa kale oo isaguna xafldaasi hadalo kooban oo soo dhaweyn ah u jeediyey dhalinyarada Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(xabiib),oo sheegey in Gobolka Gabiley u baahan yahey in laga shaqeeyo hurumarkiisa iyo dib udhiskiisa dhalinyaraduna kaalintooda kaga qeyb qaataan xukuumadoodana la shaqeeyaan .
Xubnihii kale halkaasi ka Hadley waxa kamid ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Saleebaan Maxa,d Sheekh Saleebaan ,Gudoomiyayaasha Garabka Haweenka Xisbiga Udub ee Gobolka iyo Arabsiyo Marwo Maryam Xadi iyo Shamis Cabdi,Maayarka Degmada Gabiley Aadan Muxumed Bade,Gudoomiyaha Arabsiyo Sitiin Ibraahim Nadiif oo dhamaantood dhalinyarada u sheegey in ay ka tashadaan mustaqbalkooda iyo dhistiaanka dalka iyo dadka .

Waa markii labaad oo mudo aad isugu dhow ururo dhalinyaro oo habeysan tiradooduna badan tahey oo kasoo jeeda Gobolka Gabiley ay ku biiraan Xisbiga Udub ,halka Xisbiga Ucidna beryahan danbe siminaaro iyo wacyigalin kawado Gobolka Gabiley laakiin sida laga warqabo uu aad u yaraadey dhaqdhaqaaqii Xisbiga Kulmiye ee Gobolkan oo mudooyinkii hore aad ugaga xoog badnaa labada Xisbi ee kale waxana mudooyinkan danbe Magaalooyinka Gabiley ,Wajaale iyo Arabsiyo la isla dhex marayey in Xisbiga Kulmiye uu awoodi waayey Furitaanka iyo dib u habeynta Xafiiskiisa Gabiley iyo kuwa Magaalooyinkaa kaleba halka Xafiiskiisii Degmada Alleybadey oo kaliyi ka furan yahey Gobolka ,waxana istaagey sida ay wararka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye ku aadani sheegayaan masuuliyintii katirsanaa Xisbigaasi ee kasoo jeeda Deegaankan oo wafti kuyimaada Gabiley kaas oo ay ugu danbeysey Mujaahid Jidhif oo xiligii Diiwaangalintu socotey marmar kormeer kooban ku iman jirey.
Sikastaba ha ahaatee waxa reer Gabiley ka cabsi qabaan in Doorashooyinkan soo socda ay mijo duwadaan mucaaridkii ay hore ugu badnaayeen.

Wariye Shabeel Waceys
ARABSIYO

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: