Toggaherer’s Weblog

MARAYKANKA OO LAGU EEDEEYAY DUQAYNTII GAZA

Posted on: February 24, 2009

MARAYKANKA OO LAGU EEDEEYAY DUQAYNTII GAZA


AGM114 Hellfire missile. waa mid ka mid ah hubka wax gumada

Deutchland 23 Feb 2009 Togaherer

Warbixin ay soo saartay hay’ada u dooda xuquuqda aadnaha ayaa dhawaanahaba waxay baadhitaan ugu jirtay , qaabka iyo hubka loo isticmaalay weeraradii lagu qaaday deegaanka falastiniyiinta ee Qassa. 
Warbixintan ayaa isu soo min guurisay kadib markii baadhitaan muddo socday ay ku ogaatay in darsin hub ah oo mamnuuc ah lagu isticmaalay marinka Qassa. Hubkan ayaan ahayn oo kaliya mid ka xaaraantimaysan in lagu isticmaalo dadka rayidka ah, ee siddaa si ka culus ay mamnuuc tahay in la isticmaalaba. 
Arrinka amakaaga iyo yaabka noqday ayaa ah in warbixintaasi heshay in dalka maraykanu ahaa meesha lagu sameeyay hubkaa isla markaana uu isagu ku caawiyay Isra’iil si ay gumaadka ugu gaysato rayidka falastiiniyiinta. Hubka noocyadiisa mamnuuca ah ayaa waxa laga magac dhabay kuwa ay ka midka yihiin a) flechette shells b) Dense Inert Metal Explosives (DIME) c) AGM114 Hellfire missile. 
Inkastoo dalka maraykanka sharcigiis iyo ka caalamku-ba ay tahay mamnuuc in la isticmaalo hubkan ayaa hadana , dalka maraykanku usoo raray hubkan, isagoo Isra’il-na ay cadayd inay u isticmaalayso dad shicib ah. 
Dhinca kalle maamulka Yuhuuda ayaa ku tilmaamay warbixintan mid la marrin habaabiyay, oo ay warbixinta ay siiyeen Maamulka Xammaas 

Xafiiska warqabadka wararka 
Toggaherer Yurub .

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: