Toggaherer’s Weblog

KOMISHANKA QARANKA OO MAANTA SHEEGAY IN AANAY DOORASHADA MADAXTOOYADU QABSOOMAYN 29 MARCH

Posted on: February 23, 2009

KOMISHANKA QARANKA OO MAANTA SHEEGAY IN AANAY DOORASHADA MADAXTOOYADU QABSOOMAYN 29 MARCH

Hargeysa 23 Feb 2009 ToggaHerer
Gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Jamaac Sweden iyo Komishanka oo hor tagay Golaha wakiilada iyaga oo ka jawaabaya Go’aankii Shalay uu gaadhay Wakiiladu ee ahaa in ay hor yimadaan golaha ayaa maanta si cad Golaha Wakiilada hortooda uga qiray in aanay Doorashada Madaxtooyadu dhacayn 29 march 2009, waxaanay intaa ku dareen in aanay cayimi karin wakhtigan xaadirka ah wakhtigii ay qabsoomi lahayd doorashadu.

Dhib u dhaca Doorashada ayay Koomishanku ku sheegeen inay jirto duruufo iyo dhibaatooyin badan oo ka horeeya in doorasho la qabto lana xaliyo dhibaatooyinkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin hawlihii Serverka oo ilaa iyo hada dhaaman walina natiijo buuxda laga soo saarin, Lacagtii Doorashooyinka lagu qaban lahaa oo aan ilaa hada la haynin iyo sharciyada iyo shuruucda Doorashooyinka lagu qaban lahaa oo ay caqabado badani ka soo baxeen loona baahan yahay in heshiishyo laga gaadho iyo in golayaasha dib loogu celiyo wixii looga baahdo.

Dhawaaqan ka soo yeedhay komishanka Qaranka ayaa soo afjary Doodii ahayd in doorashadu qabsoomayso iyo in kale 29 March waxana ilaa iyo imika la saadalin karin waxa ay yeeli doonaan Sadexda Xisbi Qaran Bal aynu dhawrno Jawaabaha ay ka bixiyaan Xisbiyadu arintan ,iyada oo aynu hore u ogayn in Xisbiga Kulmiye hore ugu dhawaaqay In aanu yeeli doonin in doorashada dib loo dhigo 29 March na loo dareeri doono Codbixinta.

Xafiiska Wararka ToggaHerer
Hargeysa Somaliland
togaherer@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: