Toggaherer’s Weblog

INTAY SOCOTAY HAWSHAN DADKA LAGU XAALUFIYAY XUKUUMADU WAY OGAYD WAXANA KAMAY QABAN XIL DUUR

Posted on: February 23, 2009

INTAY SOCOTAY HAWSHAN DADKA LAGU XAALUFIYAY XUKUUMADU WAY OGAYD WAXANA KAMAY QABAN XIL DUUR

Intay Socotay Hawshan Dadka Lagu Xaalufiyay Xukuumadu Way Ogayd Waxna Kamay Qaban, Kharashka Doorashaduna Miisaaniyaddii Sanadkii Hore Ayey Ku Jirtey… Xildhibaan . Duur

Hargeysa feb 23 2009 (haatuf)-Xoghayaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa dhaqaale burburka dalka ku dhacay iyo wax laga naxo ku tilmaamay dhacdadii khiyaamada ahayd ee hantidada dad badan oo reer Somaliland ah lagu dhacay dhawaan, isla markaana waxa uu Xukuumadda ku eedeeyay in ay dayacday waajibkii ka saarnaa ilaalinta dhaq-dhaqaaqyada dalka ku soo kordhaya.
Xildhibaan Duur oo shalay hotel xaraf ee magaalada hateysa ugu waramayey qaar ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ayaa ku tilmaamay dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo baahnaa Miisaaniyad sanadeedkii 2009-ka inla horgeeyo Golaha Wakiillada, waxa kale oo uu kaga hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo doorka Gole ahaan kaga aadan, ujeedada Mooshin doorashada ku saabsan oo Golohoodu ansixiyay iyo qodobo kale..
waraysigan xildhibaan Duur waxa uu ugu horeyn uu kaga hadlay, Shabakad lacagta lagu urursan jiray oo dhacday hanti aad u badan oo todobaadkan dhamaaday sheekadeedu soo ifbaxday baxday. “Waxa dhacay dhaqaale burbur balaadhan, waxa dhacay qalin Shubad balaadhan, waxay saamaysay dadkii oo dhan, iyada oo ummad marka horeba hayntoodu yarayd laga feentay wixii yaraa ee ay faraha ku hayeen. Waxay is waydiintu tahay, arrinkan hadal-hayntiisu muddo dheer ayay socotay, ee maxaa wax looga qaban waayay.? Waxa kale oo shicibkeenu galay Gef ay Culima-awdiinku uga digeen, Illaahayna khayr ha siiyo’e Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ahaa qofka kaliya ee ka digay dhibtan, dadkeenuna may isticmaalin garaadkii iyo aqoontii Illaahay siiyay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Duur.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Xukuumaddu intay socotay hawshan dadka lagu xaalufiyay way ogayd waxna kamay qaban, miyaanay Xukuumaddu ogayn in Masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta maalka, dadka iyo dalka intaba, balaayana madax la qabto ayay leedahay ee daba la qabto malaha, waxna tari mayso in maanta Wasiir hadlo. Arrintani waa aafo gaadhay guri kasta, iyo hooyooyinkii oo dhan, waa seeskii dhaqaale ee bulshada oo la qaaday, yaa gurmad fidin kara oo aan Alle ahayn. Waxaan soo jeedinayaa. 1- In la tira-koobo Hantida ku luntay ee ku maqan dhacan baahsan. 2- in la soo qabqabto intii gaysatay falkan aafeeyay dalkeenii iyo ddkeenii saboolka ahaa.”
Md. Duur oo la waydiiyay haddii ay Gole Wakiillo ahaan la socdeen arrintan madaxeedii waxa ay wax uga qaban waayeen xataa shaqsi ahaan uu uga ololeyn waayay Mooshin arrintaa ku saabsan inta uu imika Xukuumadda ku eedaynayo, waxa uu yidhi, “Qadiyadaa meel aanu kaga hagaagno waanu garan waynay oo wax suuqa yaala may ahayn ee dhagta ayaanu ka maqlaynay lacag ayaa la kala macaashaa caynkaas ah, laakiin Haya’do baadhitaanka u xilsaaran ayaynu leenahay, kuwaas ayaana nooga fara dhuudhuubnaa inay wax ka qabtaan, tiina may dhicin, Mooshin Baarlamaana may noqoteen.”
Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur), maadama uu yaahay Xoghayaha guud ee Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada waxa la waydiiyay in Wasaaradda Maaliyaddu ay horgeysay Miisaaniyad-sanadeedkii 2009-ka, khamiistii la soo dhaafay, taasoo ay ku jirto kharash loogu talagay doorashada, waxa uu ku jawaabay, “Walaal warbaahinta ayaan ka arkay Wasiirka oo leh khamiista ayaan gaynayaa Miisaaniyadda. Laakiin weli namay soo gaadhin Gole ahaan, manahayno Annagu Miisaaniyadaas. Horta Annaga Miisaaniyadi namay soo gaadhin oo wixii ta aan na soo gaadhin ku jira waxaan wax ka odhanayaa wakhtiga ay na soo gaadho. Wakhti doorasho ayaa lagu jiraa, way haboon tahay in Miisaaniyadu ay ku timaado wakhtigeedii, way haboon tahay in Miisaaniyadda laga doodo oo la ansixiyo intaanay iman doorashadu.”
Xildhibaan Duur isaga oo jawaabta su’aashaas sii wada waxa uu yidhi, “Annnagu waxaanu ogayn Miisaaniyadii diiwaan-gelinta loogu talagalay oo %25 ahayd iyo Miisaaniyaddii doorashada Madaxtooyada waxaanu ku darnay oo isla garanay Miisaaniyaddii 2007-dii, oo wakhtigaa intaan diiwaan-gelintu dhicin waxa la hadal hayay inay December qabsoonto, markaa annagu dhaqaalihii ay December ku qabsoomi lahayd waxaanu raacinay Miisaaniyaddii 2007-dii, markaa imika oo ay doorashadi dib u dhacday waxaanu ku xisaabtamaynaa in Miisaaniyadeedi meel u taalo maadaama ay ay hore u qorshaysnayd. Tan sanadka waxa ku jirana marka ay nasoo gaadho ayaanu ka hadli doonaa, laakiin Annaga ku talagalkayaga Gole ahaan Miisaaniyaddii doorashadu sannadkii hore ayay ku jirtay ama ha lagu socdo ama yaan lagu soconin, sabab ay Miisaaniyadda 2009-ka ugu jirto lacagta doorashadu Annigu garan maayo, dalkuna Miisaaniyad ayuun buu xaq u leeyahay,”
Miisaaniyaddii sannadkii hore markii Golaha Wakiilladu ansixiyay waxa soo baxay dhaliilo loo jeeday Golaha Wakiillada, gaar ahaan Guddiga dhaqaalaha, sidaa daraadeed, su’aal aanu Xildhibaanka arrintaa ka waydiiyay waxa uu kaga jawaabay, “Horta dhaliil Guddigu malaha, waxaan golaha fadhiyay saddex Miisaaniyadood, tii 1-aad sideedii ayaanu u sii daynay, Miisaaniyadii 2-aadna, Miisaaniyaddii 3-aad-na Dakhligeeda oo sareeyay awgeed waanu sii daynay. Dastuurku saddex talaabo ayuu noo baneeyay Gole ahaan inaanu Miisaaniyadda ka yeello, inaanu wax ka bedalo, inaanu ansixino iyo inaanu diidno, saddexdaba waanu isku daynay, Guddigu marba waxa ay eegaysaa duruufta taala.”

“Markay Miisaaniyadii hore ay nifaaq raacisay, ee ay is bedal ku samaysay ee lays kaga tagay ee Golihi uu talaabo ka qaadi waayay, markaa waxaan qabaa waxa maqan Golaha awoodiisii, Golihi mayahay gole hadduu wax diido la dhigayo, Golihi mayahay haddii uu wax ansixiyo ay soconayaan, Golihi mayahay Gole taladiisu soconayso? Markaa Goluhu markuu cusbaa wixii yaalay Guddigu way sheegtay, talana way raacisay, ka dibna daaqada ayaa wixiiba laga tuuray, ka ka daba tagi lahaa ee wax ka qaban lahaa Golaha ayuu ahaa, go’aan guddi way dhaaftay, markaa markaan soo ururiyo doorkii Golaha ee ay Xukuumaddu awoodda Golaha ku ogolaan lahayd ayaa meesha ka maqan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Duur.
Md. Duur oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay doorka Golaha Wakiilladu doorashada ku leeyahihiin iyo mooshin ujeedada Mooshin Goluhu maanta ansixiyay oo doorashada ku saabsan waxa uu yidhi, “Runtii Golaha Wakiillada Masuuliyad baa saaran, waa Gole qaran oo la doortay, waa Gole shacbiga matala, waa Gole Golayaasha Qaranka ka mid ah, lamana odhan karo Golaha Wakiillada doorashadu ma khusayso way khusaysaa, waa dan qaran, ma khusayso marka la leeyahay macneheedu waxa weeye danta qaranku ma khusayso. Doorashada qaranku waa halbawle khatar ah oo u baahan in dan qaran laga yeesho oo la badbaadiyo oo wadada ugu fiican la mariyo, doorashadu waa haybadii qarankani lahaa ee loogu talagalay inaynu isugu haniyeyno kuraasta, hanka waa laysku dilaa marka kursi la doonayo oo muran baa ka iman kara, markaa ummaddu sharcigii ay goosatay waa inay raacdaa, sharcigii aynu goosanay dee Anniga ayaa sharci dejin ah, Goluhuna shacbiga uu matalayo waa ka masuul, talada qarankana qayb ayuu ka yahay, Wakiilladu shaqo kuma laha doorashada ninka yidhaahdaana waa nin aan Golaha shaqadiisa iyo waxa uu Dastoorku siiyay aqoonin.”
“Markaa doorashadu waa inay wakhtigeedii qabsoonto, haddii ay qabsoomi waydana waa aafo, sabab loo kordhiyaana ma jirto, tii hore ee la kordhiyayna waxa ay ahayd kaliya saacidaad ay Xisbiyadu ku saacideen, roolka doorashada aanu ku leenahay talo ayaanu ka dhiibanaynaa, Gole golayaasha ka mid ah ayaanu nahay, in aanu dalkan iyo dadkan badbaadino ayaanu waajib naga saaran yahay, haddii ay doorashadu dhici waydana in hay’adaha qaranka ee aan iyaga doorashadoodu dhacaynini inay talo ka yeeshaan weeye, hay’adihii aan wakhtigan doorashadoodu dhacaynina waa annnaga, markaa masuuliyad ayaa naga saaran badbaadinta qaranka.”
Waxa uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin haddii heshiis uu dhex maro darafyada doorashada u tartamaya.”Wixii wadahadal laga galo ee darafyada ay hawshu ka dhaxaysaa ku heshiiyaan waa guul ceebna malaha, laakiin heshiis maanta ii muuqda oo doorashada wakhtigeedii lagu kordhinayaa ma jiro, haday heshiiyaan sidii hore oo kale annagu waanu soo dhawaynaynaa oo dee dadka tartamayaa waxay ku heshiiyaan ma diidayno.

Haatuf

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: