Toggaherer’s Weblog

DAWLADA BRITIAN OO MAR KALE KA FIIRSANAYSA IN AY QAADKA JOOJISO IYO IN KALE

Posted on: February 23, 2009

DAWLADA BRITIAN OO MAR KALE KA FIIRSANAYSA IN AY QAADKA JOOJISO IYO IN KALE

UK 23 Feb 2009 ToggaHerer

Dawlada Britain ayaa dib u eegaysa siyaasadeeda ku waajahan Qaadka ka dib markii ay sii kordheen culayska dawlada kaga imanaya qaybaha bulshada ee kala duwan iyo masuuliyiinta Somalida ah ee ku nool dalka UK oo dawlada ku cadaadinaya inay joojiso Qaadka oo dhibaato aad u weyn ku haya bulshada Soomaalida ah ee ku nool guud ahaan dalka UK.

Iyada oo qiyaas ahaan maalin kasta ay Gegida Diyaaradaha ee Heathrow ee ku yaala magaalada London ay soo gaadhaan Sideed Tan oo Qaad ah oo ka yimaada dalalka Kenya, Itoobiya iyo Yemen ayaa waxaa qaadkaasi loo kala diraa magaalo kasta oo ay ku nool yihiin dadka Soomaalida ahi, waxaana mijintii oo la culays ah 250 garaam lagu iibiyaa Saddex Gini oo lacagta UK ah.
Dawlada Britain oo sanadkii 2005 hore diiday inay qaadka ka mamnuucdo dalkeeda iyada oo marmarsiiyo ka dhigatay inaanay jirin khatar weyn oo qaadku ku hayo bulshada, ayaa imika go’aansatay inay baadhis kale ku samayso qaadka iyada Wasaarada Arrimaha Guduhu masuuliyiin madax banaan u dirtay lix magaalo oo ay ka mid yihiin magaalooyinka London, Bristol, Sheffield iyo Liverpool si ay usoo ururiyaan fikradaha ay ka qabaan dadka Soomalida ahi Qaadka una ururiyaan xogaha dhibaato ee uu qaadka ku hayo bulshada.
“Kooxdani waxay mari doonaan magaalooyin kala duwan, waxaanay noogu yimaadeen Bristol si ay u eegaan fikirka bulshadeena ee ku aadan qaadka, waxaanu si cad ugu sheeganay inaanu doonayno in Qaadka la joojiyo, waxaanuna si balaadhan ugu sharaxnay dhibaatada uu qaadku ku hayo bulshadeena iyada oo aanu xukuumada ugu baaqnay inay degdeg u joojiso qaadka taasi oo aanu rajaynayno in Xukuumadu tix galin weyn siin doonto” ayuu yidhi Kaysar Cabdilaahi oo ah tafatiraha Somali Voice oo Tobankii sanadood ee la soo dhaafay u ololaynayay joojinta qaadka ee dalkan UK, waxaana uu Kaysar sheegay in Saddexda bilood ee inagu soo aadan gudahooda ay noqon karto marka ay dawlada go’aankeeda ku dhawaaqi doonto.
Caleenta qaadka oo ay ku dhex jiraan maadooyinka kiimikada ah ee loo yaqaan Cathinone iyo Cathine ayaa waxa uu bulshada Soomaalida ah ku hayaa dhibaato laxaad leh oo dhinac kasta ah gaar ahaan dhinacyada dhaqaale, caafimaad iyo horumar waxaana hadii qaadka la joojiyo uu wax weyn ka qaban doonaan nolosha dadka Soomaalida ah eek u nool dalka UK.
Xisbiga Mucaaridka ee Conservative Part ee dalkan UK ayaa isagu wacad ku maray inuu Joojin doono Qaadka hadii uu ku guulaysto doorshada soo socota ee lagu wado inay dalkan UK ka qabsoonto horraanta sanadka 2010.
Baaq: Qof kasta oo Soomaliyeed oo ku nool dalkan UK waxaa ku waajib ah inuu ka qayb qaato sidii loo joojin lahaa Qaadka oo bulshadeena ku haya dhibaato baaxad leh, waxaana lagama maarmaan ah in qof kastaa uu la xidhiidho ama waraaq u diro Xubinta Baarlamaanka ee xaafadiisa, isaga oo u sheegaya in qaadka la joojiyo, waxaad kala xidhiidhi kartaa wakiilka Baarlamaanka ugu jira xaafadaada adiga oo post code kaaga gelinaya linkigan 
http://www.upmystreet.com/commons/l/
Xaqiiqda Qaadka: 
Cunitaanka faraha badan ee qaadku waxa uu horseedaa Hurdo La’aan, Dhiig Kar, iyo Wadno xanuun, waxaana aakhirka uu horseedi karaa Kansarka Afka ku dhaca, iyada oo sidoo kale uu keeno dareen maskaxeed oo aan deganayn, shaki iyo fal celin waalli ku dhow.
Halkan ka daawo warbixin uu Telafishinka ITV ka diyaariyay Qaadka iyo Kulan qaadka ah oo Bristol lagu qabtay. 

http://www.itvlocal.com/west/player=WST_HomePage_15&void=282074

Mukhaar Abdi

Somalivoice

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: