Toggaherer’s Weblog

BAAKISTANIGII AFDUUBKA LOOGU HAYSTAY BOOSAASO DULEEDKEEDA OO LA SII DAAYAY

Posted on: February 23, 2009

BAAKISTANIGII AFDUUBKA LOOGU HAYSTAY BOOSAASO DULEEDKEEDA OO LA SII DAAYAY

Boosaaso 23 Feb 2009 ToggaHerer
Waxaa goor dhoweyd la sii daayey nin ajnabi ah oo afduub loogu heystey duleedka magaalada Boosaaso mudo labo maalmood ah, sida uu ToggaHerer u xaqiijiyey daqiiqado ka hor masuul ka tirsan maamulka degmada Galgala.

Ninka ajnabiga oo dhalashadiisu ahayd dalka Pakistan waxaa laga afduubtey shaley degaanka Laag oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Boossaso xilli uu magaalada Boosaaso ka ambabaxay ninkaasi.

Lama oga siideyntiisa sida ay ku timid waxaase illaa shaley jirey dadaalo ay wadeen masuuliyiin iyo waxgarad oo ku saabsan siideynta ninkan oo wararka qaar ay sheegayeen inuu ka tirsanaa hay’ada macdan baadhista ee ka hawlgasha degaano ka tirsan gobolka Bari.

Wariye ToggaHerer ah oo Telefoon Kula xidhiidhay Gudoomiyaha degmada Galgala ayaa noo sheegey in ninka Pakistaniga ah hadda loo soo qaadey dhinaca magaalada Boosaaso halkasi oo maamulka lagu soo wareejin doono.

Wariye :Baashe Maxamed Yusuf 
warqabadka TogaHerer Boosaso

shariif99@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: