Toggaherer’s Weblog

SAWIR QAADE U SHAQEEYA TELEVISION ( HCT) OO POLICE JIDH DIL U GAYSTEN MAGALDA DACARBUDHUQ

Posted on: February 22, 2009

SAWIR QAADE U SHAQEEYA TELEVISION ( HCT) OO POLICE JIDH DIL U GAYSTEN MAGALDA DACARBUDHUQ

Hargaysa 21 Feb 2009 ToggaHerer

Nin sawir qaade ah oo ka tirsan Telefesion Hargaysa Cable TV oo lagu magacaabo Maxamed Daud Yusuf ayaa ciidamada Police maalintii shalayto ahayd ay si xun u garaaceen isla markaana ay cameradii uu sitay ay ka jajabiyeen.Arintaasi ayaa dhacday degmada Laasgeel ama Dacarburuq oo booqosho uu xisbiga Udub ugu ololaynayo xisbiga Udub uu ugu tagay madaxweyne kuxigeenka Somaliland Mudane Ahmed Yusuf Yaasiin.

Suxufigan jidhdilka iyo dhibaataga loo gaystay ayaa habeenkii xalayto ahayd laga baahiyey television HCT ee magaalda Hargaysa oo ay ka muujiyeen nabararo iyo dhawacyo xoog leh oo loo gaystay jidhkiisa .

Waxa uu suxufigaasi sheegay in dilkiisaasi uu ka dambeeyey kadib markii uu isku dayey in uu doobo dadkii ka hor yimid madaxweyne ku xigeenka kadibna amar lagu siiyey in aanuu duubin dadkii madaxweyne kuxigeenka ku soo dhawaynayey degmada Laasgeel oo dhamaantood ruxaayey amaba sitay calanka Xisbiga Kulmiye .

Suxufigaasi aya inta gaadhi xoog lagu saaray lageeyey meel xooga u jirta degmada halkasi oo lagu garaacay .

Dhinaca kale degmada Wajaale ayaa lagu xidhay nin suxufi ah oo u shaqeeya Television Space oo la yidhaahdo Xasan Aadan Qalinle kadiba markii uu dhawaan rayi qaadis uu ka sameyey degmada Wajaale oo laga baahiyey television ka Space ka dadkii uu waydiinaye xisbiga ay sanadkan u codaynayaan ayaa dhawaantaaa rayi qaadistaa u qaadistaasi ay muujisay in 80% ay dadku u codaynayaan doorashada soo socoa xisbigaasi kulmiye xaga ina ka hadhayna ay yidhaahden waxaan u codaynaynaa Ucid iyo Udub rayi qaadistaa uu suxufigaasi soo qadayna uu ku mutaystay xadhiga ay amirkiisana bixiyeen masuuliyiinta maamulka degamadaasi Gabiilay ee golbolkaasi Gabiilay.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: