Toggaherer’s Weblog

MARAYKANKA OO KA CODSADAY LIBIYA BAADHITAANKA TAARIIKHDA DHABTA AH EE SHEEKH SHARIIF

Posted on: February 22, 2009

MARAYKANKA OO KA CODSADAY LIBIYA BAADHITAANKA TAARIIKHDA DHABTA AH EE SHEEKH SHARIIF

Saraakisha dhinaca amaanka ee dowlada dalka liibiya ayaa baadhitaan ku wada taariikhdii madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku saabsan markii uu ku sugnaa dalka Libiya halkaasi uu jaamacad ka dhigan jiray.

Saraakiishan ayaa su’aalo weydiinayaa asxaabtii madaxweynaha ay wax isla baran jireen iyagoo weydiinaya hab dhaqnkiisa iyo waxa uu feker ahaan aaminsanaa markii uu Libiya ku sugnaa sidookalena in ay ka hayaan wax sawiro ah ama cajaldo Vedio ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil amaanka ah oo dowlada Liibiya ka tirsan.

Arintan ayaa ka danbeysay ka dib codsi ka yimid dowlada mareykanka oo libiya ka codsatay inay u soo gudbiyaan taariikhdii Madaxweyne Shariif xiligii uu wax ka baran jiray dalka Libiya e uu halkaasi ku sugnaa.

Warka waxa uu intaas ku darayaa in baadhitaanka la qaaday aysan wax natiijo ah oo la taaban karo aysan ka soo bixin inkastoo weli ay saraakiisha aamanku raadinayaan ardaydii ay wax isla baran jireen Madaxweyne Sheekh Shariif si su’aalo dheeri ah loo weydiiyo.

Lama oga ujeedada uu mareykanka kaga dan leeyahay in liibiya ay baadhitaan ku sameyso waxa uu qaban jiray madaxweyne Shariif xilligii uu Libiya joogay, lakiin waxaa la leeyahay mareykanka ayaa shaki weyn ka qabo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed tasoo keeni karta in mareykanka ayaa taageerada kala laabtaan dowlada cusub ee Soomaaliya.

Warqabadka ToggaHerer UAE
Muse Aden

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: