Toggaherer’s Weblog

BOQOLAAL RUUX OO KA MID AH BEESHA AWEL BARI OO KU BIIRAY KULMIYE

Posted on: February 22, 2009

BOQOLAAL RUUX OO KA MID AH BEESHA AWEL BARI OO KU BIIRAY KULMIYE

Hargaysa 21 Feb 2009 ToggaHerer

Boqolaal ruux oo ka mid ah beelaha Awal bari oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Awel bari Abdilaahi Abdi Rahmaan ayaa maanta si toos ah ugu biiray xibiga siyaasiga ah ee kulmiye.
Xaflad si wayn loo so agaasimay oo maanta ka dhacaday huteelka way nee Imperial ee magaalda Hargaysa ayaa waxaa ka qayb galay gudoomiya xibiga kulmiye Ahmed Mahamed Silanyo , gudoomiya kuxigeenaha xisbiga kowaad iyo labaad masuuliyiin sarsare ee xibigaas oo uu ka mid yahay Dr Maxamed Abdi Gaboose iyo waliba dadweye aad u fara badan oo kale .
Gudoomiya Awel bari Mudane Abdilahi Abdi rahmaan oo hadal ka jeediyey munaasabadaasi ayaa sheegay in uu odayaashi xisbiga Udub ee gobolka Togdheer isla markaasna uu ahaa godoomiye kuxigeenkii xisbiga Udub ee gobolka Togdheer hase ahaatee markaan arkay xaaladii dalku halkay marayso iyo dakadii waynayd ee Berbera oo ahayd isha dhaqaale ee uu dalku leeyahay iminka qofka arkaa oo uu argagax qaadayo sida uu Berbera u baabiiye maamulka Riyaale , iyo sida dhoofkii xoolaha iyo waliba ganacsigii kale cidii ay doonaan ugu xidhayaa ama ay cid gaar ah u sinayaan ayaan goaansaday aniga iyo beesha Awel bare ee gobolka Togdheer iyo Saxil bari in aanu ku biirto xisbiga Kulmiye .

Odoyaashii waxgaradii iyo aqoonyahankii beesha Awel bari oo iyaguna hadalo ka jeediyeye xaflaadi ay ku birayeen xibisga kulmiye ayaa ku nuux nuuxsaday oo aragti isku mid ah ba bixiye xaalda dalku maanta marayo ,Dakadii Berbera oo ay sheegeen in maamulki Riyaale uu ku xawilay dalka Jabuuti maamulkaasina uu ka shaqaynayo dhismaha dekada Jabuuti iyo baabiinta dekeda Berbere waxaanay sheegeen in ay garab iyo gaashaan isugu gaynayaan sidii xukuumada maanta haysa looga badali lahaa iyada oo loo maraayo nidaamka sharcigu inoo ogolyahay oo ah in cod lagu rido .

Sidoo kale odayashii Sidoo kale dhinaca odayaasha awal bari ee madashaasi ka hadalayw axaa ka mid aha oday cawal cali iyo Saciid Seex . sidoo kale dhinca haweelka waxa iyana ka hadashay haweenay ka mid ahayd waftigasi awal bari ayaan iyana ku jiray dadkii madashaasi ka hadalay. 

Dr Maxamed Abdi Gaboose oo isna hadal ka jeediyey aya sheegay in xisbiga kulmiye cida hogaminaysaa ay yihiin rag damiirkoodu noolyahay oo ahaa ragii ka dhidhiyey dulmigii uu ku hayey taliski siyaad bare maanta iyaga oo aan xabad wada ay si nabd gelyo ah ku doonayan in codka umada oo kaliya lagu badalo xukuumada Udub oo umada kula kacday boob xoolahoodii ,khiyaamo , musuqmaasuq iyo cadaalad daro , wax qabad la’ad iyo cabudhin isla markaana loogu xadgudbaayo xuquuqdii muwaadiniinta 

Gudoomiyaha xibiga Kulmiye Ahmed Maxmed Silaanyo oo soo gunaanaday xafladaasi ayaa u mahad naoqay wax garadkii iyo odayaashii ku soo biiiray xisbiga kulmiye oo uu shegay in ay maanta tahay maalin ku wayn xibiga kulmiye .

Waxaanuu ka waramay xaalada maanta dalku marayo isaga oo shegay in ay ka turjumayso xaalada aynu ku suganahay oo ah mustaqbal Madaw hadaynaan wax ka bedelin, xisbiga kaliya ee arrintaa wax ka bedali kara waa xisbiga Kulmiye waxaanu rajaynaynaa kalsoonida aad na siiseen in aan Illaahay innaga dhigin kuwii ku fashilma ee uu Illaahay nagu guuleeyo Illaahayna naga dhigo kuwii wax ka bedela niyada jabkaa iyo niyad xumaantaa bulshada ka timid. 

Maanta waxaynu higsanaynay inuu dalkeenu ictiraaf helo oo uu xoriyadiisa gaadho oo ay dunidu Ictiraafto. Hore waxaynu uga maqli jirnay dawladeena markay dibeda u baxdo ictiraafkii wuu soo dhaw yahay oo todobaadkan ayuu imanayaa imika miyaad ka maqasheen goormaa ugu dambaysay inay yidhaahdaan, ictiraaf ay raadiyaan daaye waa kuwaa maanta u gacan haadinaya Muqdisho ee leh dad walaalo ah ayaanu nahay oo aanay xuduudi u dhaxayn
Waxaan leeyahay dekeda Berberi waa deked fac wayn oo taariikh leh waa dekedii gobolka oo waad arkaysaan halkay marayso, waxaanay ahayd dekeda Soomaalida oo dhami wax ka dhoofsato maanta waad arkaysaan halkay marayso, waxaa maxaa u sabab ah ma wax duruufo keeneen baa, ma wax dadkani keeneen baa. Waxaanu leenahay dawlada maanta jirta ayaa la degtay oo waxba u qaban wayday meesha dalka dakhligiisu ka soo baxayo ee ay ahayd in ay wax kaga celiso ayaa maanta halkaa gaysay taasina ay dalkii iyo dadkii dib u dhac ku keentay. Annagu(Kulmiye) waxaanu balan qaadaynaa in cashuurta ka soo baxda aanu qayb lagu horumariyo magaalada aan u reebno oo horumarkeeda aanu ka shaqayno si ay uga horu marto dekedaha kale ee dhigeeda ah ayaanu balanqaadaynaa waxaanay ummaddani u baahan tahay isbedal dhinac walba ah mid dhaqaale, mid bulsho iyo mid goboleedba oo kor u kaca dalkeena ka shaqeeya.
Dadkan maalin walba yidhaahda haddii aan layna kala dhex galin, haddii aan sidan la samaynin waynu is dilaynaa, waynu isku baaba’aynaa waar maxaa dadka loo qiimo tirayaa. Dadkani waa dadkii naftooda iyo maalkooda u huray inay xoreeyaan dalka ee iyaga dilayay ee laynaya hadana u dhiibay iyagoo uga jeeday inay dalka laysku xidho oo la mideeyo.
Waxaanu xukuumada u sheegay sidii ay raggii iga horeeyayba yidhaahdeen arrintaasi way soo dhamaatay shacbigu maanta doorashuu diyaar u yahay wakhti baa loo qabtay, cimrigaagiina waad ku dheeraysatay xukunka ciddi maanta muddo kordhin kaa yeeli mayso doorashadiina diyaar baanu u nahay annaga oo diyaar u ah oo isku kalsoon ciddina kaa yeeli mayso inaad hantida umada, Booliska, Milatariga ee loogu talo galay inay ummadda xornimadooda ilaaliyaan inaad u adeegsato caga-juglaynta iyo cabadhunintooda. Ballana waxaanu ku qaadnay horaanu dalkan qori ugu xoraynay in aanaan mar danbe ku xorayn waxaanu diyaar u nahay in aanu cod xalaal ah kaaga helayno waanan idin soo dhawaynayna waxaanan idiinku balanqaadaynaa in aanu markaanu xilka qabano aanu idiin abaal gudno.

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin aad u tiro badan ayaa waxaa ka mid aha masuuliyiintii ka hadlay xafladaasi Gudoomiye kuxigeenka xisbigasi kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Afhayeenka Xisbiga kulmiye Maxmed Kahin Ahmed , Iyo siyaasiga ruug cadaga ah Maxamed Abdi Skeerso oo intuba soo dhaweeyey beeshaa ku soo biirtay xibiga kulmiye ku nuux nuuuxsaday sida ay dawladu ula dhaqmayso taas oo ay ka hadleen curyaaminta xaga dhaqaale ee dalka iyo waliba ku tacadiga xaquuqdii muwaadininta iyo ilihii dhaqaalaha oo haba yaraatee sidi waajibka ahayd ayna u maamulin.

Toaherer Hargaysa 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: