Toggaherer’s Weblog

BOOSAASO OO LAGU AFDUUBTAY NIN AJAANIB AH GOOR DHAWAYD

Posted on: February 22, 2009

BOOSAASO OO LAGU AFDUUBTAY NIN AJAANIB AH GOOR DHAWAYD
Boosaaso 22 Feb 2009 ToggaHerer

Waxaa Saakay Degmadda Laag ee Duleedka Magaaladda Bosaaso Lagu Afduubtay Nin Ajaanib ah.ilo-Wareedyo lagu Kalsoonaan karo ayaa waxay sheegaayan in Ninkaan la Afduubtay uu Dhashay Wadanka Pakistan wuxuuna dhowr cisho ka hor yimi Magaaladda Bosaaso.
Waxaana Saakay isagoo oo watay Baabuur jidka uu galay Kooxo Dabley oo Hubeysan kuwa oo Ninkaani kala Degtay Baabuurka iyadoo aan la garanaynin Goobta ay uu kaxeysteen.

Wararka waxey intaa ku darayaan in Xilliga la Afduubanaayey uu ku sii jeeday Goobta ay Shirkadda African Oil Company ay Shidaal ka qodeyso ee Laba Lugood.waxaana la sheegay in uu yahay Khabiir ku takhasusay Cilmiga Macdan Baadhis una yimi Degaamadda Puntland sidii uu ula Shaqayn Shirkadda Kodeyso Macdanta.

Tani waxey Noqonaysa Afduubki ugu horeeyey ee loo geysto Qof Ajaanib ah tan iyo marki la doortay Xukumadda cusub ee DGPL oo uu Madaxweyne ka yahay C/raxmaan Faroole,waxaana aan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Xukumadda iyo Maamulka Gobolka Barrio oo ku sabsan Falkaan.laakin waxaa lagu wada saacadaha soo socda in ay Maamulka ka warbixiso Arintaani.

Todobaadki la soo dhaafay waxaa Magaaladda Garowe soo gaaray Wefdi UN iyo Hay’addo Caalami ah waxeyna ka wada hadleen arimaha Amaanka ee Puntland,iyagoo oo ka cawdeen Afduubka lagu la khaco Shaqaalaha Hay’adaha Gargaarka,waxeyna ku heshiyeen in Amaanka la Xoojiyo sidii ay Hay’adaha dib uga Howlgeli lahaayeen Degaamadda Puntland oo ay kal hore iskaga baxeen ka dib marki Afduub loo geystay Qaar ka mid ah Shaqaaleyaashooda.

Warqabadka ToggaHerer Garoowe
Baashe Maxamed Yusuf
Garoowe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: