Toggaherer’s Weblog

WARBIXIN KU SABSAN DHAQALAHA WADAMADA ISLAMKA

Posted on: February 21, 2009

WARBIXIN KU SABSAN DHAQALAHA WADAMADA ISLAMKA

Pakistan 20 Feb 2009 ToggaHerer

WARBIXIN KU SABSAN DHAQALAHA WADAMADA ISLAMKA

Marka hore waxan Salamaya dhaman akhristayasha qiimaha badan. Maqaalkaan aya waxan ka soo akhriyay wargeys ka soo baxa dalka Pakistan. Waxana qorey Economist Pakistani ah oo ka dhiga Kuuliyada Dhaqalaha ee Jamacada International Islamic University,Islamabad.

Maqalkan oo ka hadliya xaalada dhaqaale ee Wadamada Islamka , khayraadka dhabiiciga ah ee Illaahay siiyay, iyo sababaha kaliftay in dunida islamku ay kamid noqdaan dunida seddexaad ama ( Less Developed Countries).
Khariidada aduuunka ee aanu ku noolnahay waxaad ka helaysaa 57 wadan oo muslim ah kuwaas oo xubin ka ah Ururka iskutaga Islamka ee loo yaqaano (Organization of Islamic Conference), sidoo kale cadadka Muslimiinta waxaa lagu qiyaasaa 1.50 billion qof kuwaas oo degan kuna nool shanta qaaradood ee aduunka. 
Wadamada Islamka ayaa hadaba waxay Qani ku yihiin dhaqalaha sida khayraadka dabiiciga ah, Macdanta, khayraadka biyaha, iyo waliba marinmada badaha la iskaga gudbo ee aduunka ku yaal, marimadaas waxaa kamid ah Suez canal oo ka dhisan Dalka Masar, Baabul-Mandab tas oo isku xidha Badacas iyo Badda Hindiya.Dalalka Musliminta ayaa qani ku ah raw materials kuwaas oo ay kamidyihiin Petrol, Rubber, Iron iyo waliba Crude oil.
Dunida Islaamka waxaa ku nool dad badan oo xirfado kala duwan leh, aqoonyahano, iyo dad kala duwan oo ku takhasusay cilmiyada bani-aadamku barto, waxqabadka dadkaas waxaa kamid ah iyagoo ka qayb qaata wax walba oo horseed u ah hormarka bani aadamka taas oo ay kamid yihiin Nuclear Scienceska, Culuumta casriga ah(Technology), Cilmiga barashada caafimaad iyo qalniinka, Siyaasada, Cilmiga deegaanka/Bulshada iyo kuwa kale oo badan.
Wadamada Islamka ayaa waxa laga heela khayradka ugu qalisan aduunka tuusale ahan:
1.Petrolka 80% waxaa laga so sara dunida Islamka waxana hoormod uu ah dalaka Saudia Arabia ,UAE ,Kuwait, 2.Saliida 70 % waxa laga soo sara dalalka Islamka,
3. Waxaa kaloo iyadana mudan in Gaaska dabiiciga ah oo iyagana 52 % ay soo saran wadama Islamka gar ahan Qatar,Iran.
Ruunti Lama soo koobi karo illaha dhaqaale ee Illaahay siiyay dunida Islaamka. 
Dalalka aadka u soo koraya ee Calamul Islami waxa ka mida Malaysia , Pakistan , Saudia Arabia , Kuwait , Qatar ,UAE. dhamaantood waxay leeyihiin Shirkado,Warshado badan oo wax soo saar leh laakin kuwaasi ma ahan kuwa dabooli kara dalabka iyo baahida wadamada kale ee islamka mana ahan kuwa dhanka tayada kala tartami kara wadamada reer galbeedka, taasina waa sababta reer galbeedku ay ka iibsadaan raw materials. 
Iyadoo ay sidaas tahay wadamada Islamkuna ay qani ku yihiin khayraadka dabiiciga ah, ayaa hadana wadamadaasi badankoodu dhaqaalle ahaan u liitaan, hadaba su aasha la iswaydiin karo waxaa weeye maxaa sababay arintaas?? Jawaabta su aashaasi waa mid u furan qof walba balse halkaan waxaan kasoo jeedinayaa fakir ahaan sidaan qabo iyo waliba sida dad badan oo ila mid ah ay qabaan.

Lakiinse inta aan qodobadaasi galin waa in aan iswaydiino maxaa sababay hormarka dhaqaale ee reer galkbeedka? Reer galbeedku su ‘shaas waxay ka aaminsanyihiin in hormarka dhaqaale ay u horseeday fikirka ah hantigoosadka ama (capitalism) kaas oo si xawli ah u bilaawday qarnigii 16aad balse fikirkaasi ma ahan mid la isku waafaqay, dhamaan dhaqaalayahanada islamku way kasoo horjeedaan fikirkaas iyagoo aaminsan in hor mar dhaqaale lagu gaari karo iyadoo la raaco qaabka diinteenu inoo farayso sida loo qaybsho khayraadka.

Markii laga hadlayo sida khayraadka loo qaybiyo fikirka hantigoosadku wuxuu qabaa kaliya dadka ka qayb qaatay wax soo saarka ayaa xaq u leh inay helaan faa iidada kasoo baxda ganacsi walba, halkaas oo wax xaq ahna aan lasiin dadka aan awoooda u lahayn inay ka qaybqaataan wax soo saarka, meesha diinteena islamku ay qabto kasokow dadka wax soo saarka iska leh, balse ay jiraan dadkale oo xaq ku leh ill walba oo dhaqaale, looguna qaybiyo qaabka diintu ina farayso (Zakat), dad badan oo muslimiin ah ayaa qaba hadii Zakatka ay bixiyaan dadka islamka ah loona qaybsho dadka u baahan in dhamaan wadamada islamku ay xili kooban la arki lahaa iyagoo gaaray isku filnaansho dhaqaale, qof walba oo faqiir ahna uu qanci lahaa.

Hadaba dooda ka jirta fikirka hantigoosadka ma ahan mid halkaan lagu soo koobi karo ee waa mid u baahan mawduuc gaar ah, balse waxaa halkaan ka cad in hanti goosadku aysan xal unoqon karin hormar dhaqaale. Sida la ogyahayna dawlada Britain iyo waliba dalal badan oo yurub ah ayaa lasoo kulmay dhibaatooyin badan qarniyadii hore iyagoo waliba haysta fikirka hanti goosadka.
Bal aan dib ugu soo laabto qodabadii sababay dib udhaca xaalada dhaqaale ee Dunida Islamka, qodobadaas oo aad u badan inta ugu muhiimsan waxaa kamid ah:-
1. Musliminta oo ka hadhay ama iska dayay in aay racan Dariiqada saxda ah ee diintu ina farayso, taas oo aay tahay in Zakat.
2. In Ganacisga ku jirto Riibada la Joojiyo waxa sabab u ah guumaysigii adkaaa ay soo mareen wadamada islamka.
3.Waxaa jirta in wadamada Carabta Khasatan khaliijka aay doorbidaan shaqaalaha ka yimaada wadamada aan Islamka ahayn sida Vietnam,Thailand,Laos,Burma,Phillipines 
4..Tujaarta/Ganacasatada qaniga ah ee muslimiinta oo lacagtooda iyo hantidooda ku maalgaliya wadama reer galbeedka iyagoo aaminsan in hadii ay ku maal galiyaan wadama islamka aan heleenin faa’ido .
5.Iyadoo ayanin jirin Maamul iyo Niidam cadaalad ku sheeqayaa.
Wadan kasta u jeedadiisu waxaa weeye inuu gaadho hormar dhaqaale, waana mid lagama maarmaan ah, taasina waa mid u baahan dadaal iyo daacadnimo,hadii dib loo raaco taariikhda wadamada hormarey (Developed Countries) waxaad ogaanaysaa in hormarkaas ay ku gaadheen si adag iyo waliba daacadnimo. Inkastoo cadowga wadamada islamku uu badan yahay, balse hormar dhaqaale waxaa lagu gaadhay karaa iyadoo la raaco wadada saxda ah ee diintu ina farayso, sidaan horay usoo sheegayba hadii Zakatka laga qaado dhamaan muslimiinta awooda u leh inay baxshaan loona qaybsho dadka faqiiriinta ah waxaa muuaata in caalamka islamku wax iska badali lahaa.

Soo Tuurjumay
Mohamed Aden Nur
Islamabad,Pakistan
m.aden.nur@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: