Toggaherer’s Weblog

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO SABTI AH 21 FEB 2009

Posted on: February 21, 2009

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO SABTI AH 21 FEB 2009

Wararkii Wargeysa Ogaal Sabti, Feb.21, 2009.
Wasiirka Daakhiliga oo ka hadlay talaabooyinka laga qaaday Shabakadii lacagaha dhacay
Wasiir adigu ma ku jirtaa dadka lacagta ku waayay barnaamijka fadhi-ku-macaashka?
– Ma la odhan karaa xukuumadu wey ka gaabisey wax ka qabashada arrintan?
– Illaa hadda immisa qof ayaa u xidhan arrintan?
“Dadka waxa helay Budhcad xarfaan ah, dadkana waxaanu ka codsanaynaa….” Waraysi gaar ah Cabdillaahi Ismaaciil Cali

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay koox haween ah oo sife aan sharci ahayn qaar ka mid ah dadweynaha lacago aan xadigooda la ogayn uga urursaday, ka dibna qaarkood sida la sheegay ay baxsadeen.
Wasiirka oo uu xalay xog-waraysi kooban khadka telefoonka kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay inay xidheen tiro ka mid ah dadkii lacagaha ka urursaday dadka, isla markaana waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay isdejiyaan gacana ku siiyaan sidii dadkaas budhcadda ah gacanta loogu dhigi lahaa. Xog-waraysigaasna waxa uu u dhacay sidan;

Ogaal: Wasiir, ilaa imika imisa qof baa loo xidhay lacagahan la dhacay?

Wasiir Cirro: 14 qof baa xidhan, kuwaasoo ah dilaaliintii dadka u dhexeeyay. Arrinkani waa mid baahsan, dadkana waxa heshay Budhcad xarfaan ah, welina hawshii waa lagu jiraa sida dadka la dhacay waa intee, lacagta laga dhacay waa intee? Markaa tirakoobkaas baa lagu jiraa, dadkuna mabay arki jirin dadkan xarfaanta ah ee wax dhacayay.

Ogaal: Markaa idinku dadka sidee baad u tiro-koobi kartaan?

Wasiir Cirro: Waxaanu u tiro-koobi karnaa maanta (shalay) baan idaacada ka hadlay, imikana (xalay) Telefishanka ayaan ka hadlayaa. Markaa dadka dhibanayaasha ah qof kastaa waa inuu sheego waxa ka maqan iyo cidii uu u dhiibtay iyo qofka magaciisa ayaanu ku ogaan karnaa.

Ogaal: Marka ay dadku araajida aad sheegayso idiin soo gudbiyaan, maxay tahay talaabada aad qaadaysaan?

Wasiir Cirro: Talaabada noo eeg ee aanu qaadanaynaa waxay tahay dadkaa muwaadiniinta ah ee la dhacay sidii aanu waxoodii ugu baadi dooni lahayn, waayo waa wax umadda Somaliland oo dhan ka maqan, waana wax ina wada saameeyay. Markaa Anigoo aad iyo aad uga xun dhibaatadaasi dadka ay ku dhacday, sidii aanu dadweynaha ugu adeegaynay ee aanu waxoodii ula raadin lahayn ee aanu u soo qaban lahayn dambiileyaashii baa nala gudboon.

Ogaal: Marka laga tago saamaynta arrintan dadka ku wada yeelatay, waxa la sheegayaa in masuuliyiin badani ku jiraan. Markaa adigu ma ka mid tahay masuuliyiinta lacagta ku waayay arrintan?

Wasiir Cirro: Ma Aniga? (qosol). Anigu nin sidaas oo kale loo turufayn karo ama khiyaamayn karo ma ahi oo lacag aanu ogayn cid isaga dhiibi kara. Anigu waxaan qabaa dumar bay heleene, wax rag ah oo ilaa hadda aan ogahay oo ku jiray ma jiraan. Dumar bay u badan yihiin dadka la helay (lacagaha laga dhacay), waxaanan u malaynayaa in aan qof masuul ahi hawshan ku jirin, isagoo lacagaha dhigan kara Xawaaladaha iyo baananka. Midda kale, waxay Culimadeenu inoo sheegeen in aanay Diinteenu ogolayn ganacsiga Ribada ah ee noocan ah.

Ogaal: Wasiir, maadaama sidaad sheegtay hore looga digay miyaanay u muuqan in aad wax ka qabasheeda ka gaabiseen?

Wasiir Cirro: Kamaanu gaabine dadka wixii aanu aragno qof qof iyo….Laakiin, maanta dhibanaa jira, marka wax dhacaana waad ogtahayoo qofku wuxuu ku odhanayaa waxaas iyo waxaas baa iga maqan. Markaa maanta ka hor ma jirin dhibane yidhi waxaas baa iga maqan oo cabanayay.

Ogaal: Wasiir, dadka maxaad ku qancinaysaa oo aad ku dejinaysaan maadaama ay kacsan yihiin?

Wasiir Cirro: Waxaanu ku qancinaynaa dadka qofna lama khasbin markii uu lacagta bixinayay. Laakiin, sidii dadkii loo heli lahaa waa inay samraan oo ay dulqaataan, waayo khasaare iyo faa’iidoba qofku wuu badheedhaa. Markaa dadka waxaanu ka codsanaynaa inay gacan naga siiyaan, maadaama ay iyagu garanayaan dadkii lacagaha ka urursaday, waxaananu faraynaa inay tagaan Saldhigyada Booliska ee ugu dhow, una sheegaan lacagaha ka maqan, waqtiga laga qaaday iyo Markhaatiyada ay haystaan. Waxaan Kaantaroolada u dirnay macluumaadkii aanu haynay, waxaananu farnay inay qabtaan qofkii ay ka shakiyaan inuu baxsi yahay. 

Warqad uu Obama u diray Xildhibaan Maraykan ah oo hore ula kulmay Rayaale

Washington (AFP/Ogaal)- Mudane ka tirsan Aqalka Baarlamaanka Maraykanka, isla markaana ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga oo hore Madaxweyne Rayaale kulan ugula qaatay Dalka Jabuuti, ayaa Warqad uu u qoray Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama kaga dalbaday in uu bedelo Siyaasadda Maamulkii hore ee Bush kula dhaqmi jiray Somalia.

Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee AFP, Mudanahan oo lagu magacaabo Sen. Russell Feingold ayaa Warqad uu 13-kii bishan 2aad u qoray Madaxweynaha Maraykanka Mr. Barack Obama, wuxuu dhaliilay Siyaasadda uu Maamulkii hore ee Bush eek u wajahan Somalia, isla markaana uu ku tilmaamay mid kala daadsan oo keentay dhibaatooyin badan. “Maamulkii hore (Maraykanka) wuxuu caadaystay Siyaasad aan dherer lahayn oo kala daadsan, taas oo ku wajahan Somalia, isla markaana keentay korodhka Maraykan-nacaybka looga hayo Gobolka.” Ayuu yidhi Mr. Russell Feingold, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Natiijadii arrintaasina waxay noqotay in Xaaladda Somalia ay ka sii darto, isla markaana ay hoos u dhigto ujeedooyinkeenii sugidda amniga Qaran iyo la-dagaallanka Argagixisada.”

Siday faafisay Wakaaladda Wararka ee AFP, ujeedada iyo nuxurka ay xambaarsanayd Warqaddan uu qoray Mudanahani ayaa ahayd in Maamulka Madaxweyne Obama uu la yimaaddo qorshe Siyaasadeed ballaadhan oo ay Somalia kaga bixi karto dhibaatooyinka Siyaasadeed ee ay ku jirto oo uu sheegay in uu Maamulkii Madaxweyne Bush masuuliyadeedda lahaa. “Muhiimadda kaliya ayaa ah hawlgelinta Hay’adaha Amniga Qaranka oo ay qayb ka yihiin Wasaaradda difaaca iyo kuwa Sirdoonku, ayaa qayb ka ah qorshaha caqli-galka ah.” ayuu Mr. Fiengold ku qoray Warqaddiisa. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waa in aad qorto Qoraal furan oo caam ah, si aad u caddayso in aad meesha ka saarayso Siyaasaddii hore ee ku aaddanayd Somalia. Waxaan rumaysanahay in sidaa oo aad yeeshaa ay horseedi karto dareen wacan oo ay qaataan Soomaalidu. Taas oo saamayn ku yeelan doonta dedaallada Dibloomaasiyadeed ee Maraykanku ka wado Geeska Afrika iyo guud ahaan Dunida Muslimka.”

Waxa kale oo uu mudanahani ku sheegay qoraalkiisan in uu hore uga dalbaday Maamulka Madaxweyne Bush in uu dejiyo qorshe-Siyaasadeed ballaadhan oo ku aaddan Somalia, balse uu ka helay jawaabo kooban oo aan habaysnayn.

Sidoo kale, Qoraalkan uu Mr. Feingold u diray Madaxweynaha Maraykanka Mr. Obama waxa kale oo uu u diray Wasiirka Difaaca Maraykanka Robert Gates, Wasiirka Arrimaha dibedda Hillary Clinton iyo Madaxa Sirdoonka Qaran ee Maraykanka Dennis Blair.

Liiska Magacyada Golaha Wasiirada loo magacaabay Soomaaliya

Jabuuti (W.Wararka/Ogaal)- Ra’iisal-Wasaaraha cusub ee Somalia Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa xalay fiidkii ku dhawaaqay Liiska Magacayada Golaha Wasiirada Xukuumaddiisa cusub, taas oo ka kooban 36 Wasiir oo 3 ka mid ahi ay Dumar yihiin.

Liiska Magacyada Wasiirada cusub oo lagaga dhawaaqay Magaalada Jabuuti, isla markaana ka kooban wejiyo cusub iyo kuwo hore Xilal uga soo qabtay Maamulladii kala dambeeyay ee Somalia, ayaa ka kooban Xubno ka kala tirsanaa labada dhinac ee ku bahoobay Xukuumaddan oo kala ah Maamulkii TFG ee hore iyo Isbahaysigii dib-u-xoraynta ee uu horkacayay Madaxweynaha la doortay ee Shariif Sh. Axmed.

Xukuumaddan lagu dhawaaqay ayaa waxa ka maqan oo aan qayb ka ahayn Xubnaha Isbahaysiga garabka Asmara, Kooxda Al-Shabaab iyo Jabhada-Islaam, kuwaas oo dhammaan hore u qaaddacay aqoonsiga Dawlad uu hoggaamiyo Shariif Sh. Axmed. Iyada oo sida la sheegay Wasiiro-xigeennada Xukuumaddan la magacaabi doono marka sida la sheegay ay Xukuumaddu u guurto Muqdisho.

Liiska Magacyada Wasiirada:

1-Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi:
Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
2-Shariif Xasan Sh. Aadan:
Ra’iisal Wasaare-ku-xigeen ahna Wasaaradda Maaliyadda
3-Cabdiwaaxid Cilmi Goon-jeex:
4-Ra’iisal Wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasaaradda Tamarta iyo Shidaalka.
5-Maxamed Cabdillaahi Oomaar:
Wasaaradda Arrimaha Dibadda
6-Prof. Maxamed Cabdi Gaandi:
Wasaaradda Gaashaandhigga
7-Sh. Cabdiqaadir Cali Cumar:
Wasaaradda Arrimaha Gudaha
8-Col. Cumar Xaashi Aadan:
Wasaaradda Amniga Qaranka
9-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame:
Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
10-Madoobe Nuunow Maxamed:
Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
11-Sh. Cali Aadan:
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
12-Foosiya Maxamed Sheekh:
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
13-Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim:
Wasaaradda Gargaarka iyo Aadamiga
14-Farxaan Cali Maxamuud:
Wasaaradda Warfaafinta
15-Maxamed Cali Xagaa:
Wasaaradda Cilmi-baarista iyo Tiknoolojiyada
16-Qamar Aadan Cali:
Wasaaradda Caafimaadka
17-Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye):
Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
18-Cabdillaahi Axmed Cabdulle (Az-hari):
Wasaaradda Jaaliyadda Dibadda
19-Axmed Cabdillaahi Waayeel:
Wasaaradda Warshadaha iyo Barbaarinta
20-Maxamed Cabdi Yuusuf:
Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta
21-Khadiija Maxamed Diiriye: 
Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga
22-Saleebaan Colaad Rooble:
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga
23-Abuukar Cabdi Cusmaan:
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
24-Cabdiraxmaan Maxamed Faarax (Jinaqow):
Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka
25-Xasan Maxamed Nuur (Shaati-gaduud):
Wasaaradda Beeraha
26-Maxamed Ibraahim Xaabsade:
Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
27-Maxamed Mursal:
Wasaaradda Hantida Qaranka iyo Qalabeynta
28-Prof. Ibraahim Xasan Caddow:
Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare
29-Cabdalla Boos Axmed:
Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
30-Xuseen Ceelaabe Faahiye:
Wasaaradda Dib-u-dhiska
31-Maxamed Xuseen Saciid:
Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur-joogta
32-Cabdirisaaq Cusmaan Juriile:
Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta
33-Cabdirashiid Cirro:
Wasaaradda Ganacsiga
34-Cabdiraxmaan Jaamac:
Wasaaradda Warshadaha
35-Cali Jaamac Jengeli:
Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
36-Burci Xamza:
Wasaaradda Deegaanka iyo Ilaalinta Bii’ada

Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige
Sidee qalinkaagu u Cabbiray dareenka Bisad cadhaysan? 
By: Mustafe Sh. Cumar

-Quruxda dabiiciga ah ee dhul cagaaran oo barwaaqo ah, Buuro dhaadheer, taagag kala sareeya oo xareeradu ka galac-leynayso dhulka hoose meelaha godan, tamashleyn, daansho-daashood iyo hawl kale oo adduun mid doonaaba ha kuu geeyo’e, haddii ay kugu qabsato inaad subax hore dhex qaado, caddarka iyo udugga saxansaxada aad sanka la raaceyso ka sokow, waxaa laga yaabaa inaad ka maarmi weydo inaad xaydato oo rayska iyo dharabka kor uga hinjiso marada aad xidhan tahay, si aanu kaaga gaadhin dharabka iyo rayska uu hoosta ku haysto cosobka isku baxay ee aad cagta la dhacaysaa.

Marka aad ka soo noqoto dalxiiska ama socodkaa hawshu kuu geysay, waxa laga yaabaa inaad jeclaysato in lagula wadaago billicda muuqaalka aad indhaha kaga dheregtay ee maankaaga ku duuban oo aad sheeko ahaan ugu soo gudbiso cid kale.

Hadba qaabka aad humaagaa aanay kula ogeyn asxaabtaadu ee aad hadal ahaanta ugu tebinayso u dhigto ayayna ku xidhantahay cabirka ama nooca sawirka ay ka qaadanayaan dhulka aad soo martay.
Sidaasoo kale, Suugaan-yahanka, qoraaga iyo Hal-abuur kasta tayadiisa waxa ka turjuma hanaanka uu akhristayaasha ama dhageystayaashiisa ugu soo tebiyo dhacdooyinka ku hareeraysan iyo saamaynta dareenkooda uu kaga tago.

Waxa xusid mudan oo aan tusaale u soo qaadan karaa, Cabdilaahi Cawed Cige oo curinta sheekooyinka Mala-awaalka ah aad isugu hawla. Cige waxa uu ka mid yahay udub-dhexaadka taxane buugaag ah oo ku qoran Af-Soomaali, kuwaasoo loogu wanqalay ama magaca guud ee ay wadaagaan yahay Cirsan-ka-yeedh. Islamarkaana taxanahan waxa uu ku leeyahay laba buug oo kala ah ‘ROGE iyo LADH’.

“Haash xabbad Sigaar ah oo la ganay oo dalaq tidhi Shaadh Katabaan sudhan jeebkiisa, silsilad dhacdooyin xidhiidhsan ah oo ka dhashay ayaa saldhig u ah sheekada” Hal-ku-dhegan ayaa ka mid ah curinta Cabdilaahi, waxaana aan ka soo dheegtay oo aan ka halacsaday Jeldiga sare ee buugga ROGE.

Cabdilaahi waxa uu qoray oo kale, sheekooyin iyo qoraalo hore Wargeyska Ogaal ugu soo baxay oo ay ka mid yihiin. ‘Ma waxaan u dhintay jacaylkii Nagaad, Dukaankaygu sow nabada ma iibiyo iyo Waxaan u dhaxay nin Jin ah’ kuwaasoo cabiraada humaaga dhacdooyinka ay tebinayaan aad loo jeclaystay, Islamarkaana dhamaantood ku salaysan hal-abuur mararka qaarkood gaadhsiisan in la sawiro dareenka iyo waxa ka guuxaya madaxyada noolaha aan ahayn Dadka.

Cabdilaahi Cawed Cige, waa Qurba-joog fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska, waxaanu fasax kooban ku yimi Somaliland. Waxaanu waraysi kala yeelanay faahfaahinta noocyada sheekooyinkiisa, hibo Alle ku galaday iyo aqoon uu ka kasbaday Kulliyado lagu barto farshaxanimada qoraalka iyo Saxaafadda midka uu salka ku hayo qalinkiisu iyo arrimo kale. Ugu horeyn, waxa uu ka waramayaa goorta iyo goobta uu ku dhashay iyo heerka Waxbarashadiisa. “Annigu waxaan ku dhashay meel ku beegan Hawdka Burco oo ilaa 80-km u jirta, waqti ku beegan sannadkii 1965-kii. Waxaan ku barbaaray oo aan malcaamadda Qur’aanka, dugsiga Hoose, Dhexe ilaa dugsiga sare aan ka galay magaalada Burco. Waxaan ka baxay dugsiga Farsamada gacanta ee Burco sanadkii 1984-kii. Wadanka waxaan ka dhoofay ilaa 1985-kii, muddadaa wixii ka dambeeyayna waxaan ku noolaa Qurbaha, haatana waxaan degenahay magaalada Liverpool ee wadanka Ingiriiska.”
….la soco cadadka danbe

Baaqa Cullimada iyo mashquulka Saldhigyada Booliska Hargeysa: Uugaanka Haweenka iyo uumi-baxa Barnaamijka ceeryaanta 

“Saddex habeen maan hoyan oo wejiga ma siin karo odaygayga”

Hargeysa (Ogaal)- Boqollaal Haween ah ayaa shalay ilaa xalay hadheeyay barxaddaha Saldhigyada Booliska Magaalada Hargeysa qaarkood, ka dib markii laga war helay in la xidhay xubno ka mid ah Wakiillo tirsan oo lagu eedeeyay inay lug ku lahaayeen Barnaamij keenay in la waayo Lacag qaddarkeeda aan la sugin oo saameysay dad-weyne badan oo reer Somaliland ah.

Waxay maalintii saddexaad hor meehannaabaysaa Saldhigga dhexe ee Booliska Magaalada Hargeysa. Waa Hooyo da’ dhexe ah oo afar Caruur ah oo ka ugu yari Naaska jaqayay, ayaanay saddex habeen u hogayn. Waxay ka werweraysaa oo ay Wejiga siin kari la’dahay Caruurteeda Aabahood oo ay ku khasabtay in uu iibiyo Gurigii kali ahaa ee ay lahaayeen, ka dib markii Haween faceed ahi u sawireen Lacag-Lacag dhalaysa. “Waxaan ku idhi Odaygayga markuu diiday in uu Guriga iibiyo, I fur. Markii ay halkaa gaadhayna wuxuu door-biday in uu iibiyo Gurigii oo Lacagtii ii dhiibo, si aan ugu dhiibo Haweenka ii sheegay Fadhi-ku-macaashka. Sidaa darteed, ma garanayo waxaan u sheego oo aan kula noqdo, saddex habeen-na Gurigii maan tegin oo Odaygii Wejiga ma siin karo.” Weedhahaa waxa ku tiraabtay Hooyadan 6-da Caano-maal ka dhaxday Gurigeedii. Waxay u muuqatay qof aan deggannayn, waxaanad mooddaa durba in ay saamayn ku yaalatay Caafimaadkeedii arrintani.

Maxaa dhacay?

Baabuur baa is-dhaafaysay, Suuqa Hargeysa wuxuu ahaa mid cidhiidhi ah. Baabuurkii aanu wadanay waxa si is-moogaan ah oo kediso ah u horgashay Gabadh u muuqatay mid aan ka warqabin halkay marayso, isla markaana faraha taag-taagaysay. Goor dambe oo dirqi ay kaga badbaadday Taayirka Baabuurka, ayaanu ogaanay in ay ka mid tahay Dad badan oo ay saamaysay Barnaamij xeeladaysan oo mar kaliya wada taabtay Jeebabkii wax hayay iyo Kiishadihii Dumarka. “Keen Kun iyo Konton Dollar, Bishii qaado 150 Dollar.” ayuu ku dhisnaa. Hase ahaatee, mar kaliya ayuu meesha ka baxay oo la waayay. “Waxa laygu yidhi Lacagtu way kuu soo baxaysaa oo Guryo ayaad dhisaynaysaa, waxaanu is-nidhi horumar aad gaadhid oo Dahab ma haysano, Hantidayadiina ma haysano, Magaaladii waa la furtay oo Shilin ma dhex yaallo. Waxa layga qaaday 34-Kun oo Dollar, Lacagta aan dhiibay waxay ka koobnayd Hanti, Dahab, Lacag aan masuul ka ahaa iyo wax aan lahaaba. Wax Nootaayo ah oo ay na geeyeen iyo wax ay naga saxeexeen ma jirto dadkii Lacagta naga qaaday. Gabadhii Lacagta iga qaaddayna waan garanayaa oo waxay nagu tidhi, Anigaa ka dammiin ah oo aad iga taqaanaa. Guryahayagii waxaanu ugu noqonaa ma jirto oo saddex Cisho maanu arag.” Sidaa waxa tidhi Raxma Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ah Haween tiro-badan oo shalay Saldhigga dhexe ee Hargeysa ku hor urursanaa.

Saamaynta Mashruuca:

Qofba-qof ayuu waydiiyay siday wax u dhaceen, isaga oo maanka ku haya qaddarka Lacagta laga hayay ee uu Gidaarka ku dhiibay. Qoysas dhisnaa oo badan ayaa ku kala tegay, kuna burburay arrintan. “Ninkaygii oo Sucuudiga joogay ayaa ii soo diray Lacag aan Guri ku dhiso, hase ahaatee waxaan is-idhi ka faa’iidee oo Gabadh baan u dhiibay. Hadda markaan Odaygaygii u sheegay in aanan Lacag haynin ee la dhacayna, wuxuu iigu jawaabay, waad furan tahay.” Waxa sidaa ku calaacashay Haweenay ka mid ah kuwa mashruucan dhallaan-habaabista ah Xareedda u qaatay. Qoysas kale ayuu hadheeyay is-maandhaaf iyo muran xooggani, waxaanad mooddaa in haatan dad badan oo u arkayay in ay horumar ku tallaabsadeen ka dib markii Lacagtoodii looga soo celiyay boqollaal ay bilo kala duwan qaateen, ay qoomamaynayaan, isla markaana nafahooda ama ciddii ku dhalisay go’aankan hiif iyo haaraan la daba taagan yihiin. “Fadhi-ku-dhereg iyo Jiif-ku-macaash ayaa naloogu sheegay, waxaanu isu-bedelay hoos-u-ooy iyo Jiif-ku-barooro.” Ayuu qof ka mid ah Bulsho-weyntan lala helay tabta iyo xeelladdu ku calaacalay. Waxaanad mooddaa markaad eegto Suuqa Hargeysa iyo goobaha Ciidamada ammaanka in Dhaka-faarka iyo madax-wareerka laga qaaday arrintani ay saamayn badan ku yeelanayso guud ahaan geeddi-socodka nolosha in badan oo ka mid ah Bulshada Somaliland.

Dhawaaqa Culimada:

Hore ayay Culimadu arrintan uga digeen, sidoo kale khudbadihii Salaadda Jimce waxay ku muujiyeen Diinta Islaamku waxay ka qabto iyo sida Umadda Muslimiinta ah looga baahan yahay in ay ku toosan Jidka hanuunka ah ee Allaha ceebta ka hufani u jeexay maaraynta noloshooda.

Waxaanay talooyin kala duwan u soo jeediyeen Dawladda iyo dadweynihii arrintani saamaysay. “Haddii shalay (dorraad) Warbixintii la soo saaray lagu lahaa Hal Milyan oo qof ayaa bakhtiyaya ee Raashin nala soo gaadha Caalamkow, imisa Malyuun ayaana khasaaray? Waxaan leeyahay Dawladda walaalayaal arrintaasi dhacday oo socotaye in badan oo dambe oo maslaxadda Umadda ah ilaaliya oo xaggan soo yara eega oo xaggaa ka soo yar jeesta. Umadda wax ku dhaceenna waxaan odhan lahaa, marka hore Ilaahay u noqda waxaana la yidhi, Ilaahayow hammigayaga ugu wayn ha ka dhigin Duunyo. Runtii masiibada idinku dhacday waxa ugu daran Masiibo Diinta kaaga dhacday, Ilaahay baad khilaafteen, balse toobad keena oo hays wareerinina. Hadda wixii ka dambeeya waxay tahay in wixii aynu yeelayno aynu waydiino Culimada aqoonta u leh oo haddii ay xalaal tahayna aynu ku dhaqaaqno, haddii ay xaaraan tahayna aynu ka joogno..Qoladii diidday Culimadu markii la yidhi waa Xaaraan waxay yidhaahdeen, intay soo dhergeen oo ay Guryo cad-cad ka wada-dhisteen ayay Culimadani leeyihiin waa xaaraan, hadduu xaaraan noqday markii ay Guryaha ka wada dhisteen. Waynu ka xunnahay walaalayaal runtii markaynu arrinkan sheegayno, laakiin waynu muujinaynaa uun.’ Sidaa waxa yidhi Sh. Maxamed Aadan Muxumed oo Khudbaddii Salaadda Jimcaha ee Masjidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa ka jeediyay.

Sidoo kale mid ka mid ah Culimada arrintan talada ka soo jeediyay ayaa wuxuu baaqay in la dhawro jiritaanka Qoysaska, isla markaana aan lagu jawaabin cadhada ka dhalata arrintan. “Khalad waa dhacaaye, Qoyska yaan la dumin. Ayuu yidhi Sheekhani.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa sidoo kale, u soo jeediyay dadka arrintan gacanta ku yeeshay ee dheeraadka ku qaatay Lacagtii ay geliyeen iyadoo tusaale looga dhigayay in dadku ku daydaan inay celiyaan. “Qofkii lacag siyaado ah qaatay waa inuu ku celiyaa gacantii uu ka qaaday oo aanu isku dhejin Maal xaaraan ah.” Ayuu yidhi Sheekhu, waxaana uu tilmaamo waafi ah ka bixiyay ribada iyo sida looga reebay dadka Ilaahay iyo Rusushiisa rumeeyay. 

Gebo-gebo:

Ilaa hadda waxa arrintan loo qabtay oo u xidhan 14-qof oo u muuqda xidhiidhiyayaashii u dhaxeeyay Bulshada iyo dadkii Lacagtu ku hoyanaysay. Sidoo kale waxa wali socota baadhitaanno lagu hayo sugidda tirada dadka Lacagayowgu ka maqan yihiin, qaddarka Lacagta ah ee ay dhiibeen. qaabka hawl-galkani ku bilaabmay iyo cida ka danbeysay ee ahayd maskaxda. Waxaana, marka la soo ururiyo tallooyinka Culimada, Aqoonyahanka iyo dawladu u dhacayeen in la iska dhawro caadifada iyo in jawaab khaladan laga qaato ficilka dhacay, taasoo sii murgin karrta dhacdadan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: