Toggaherer’s Weblog

WAR DEG DEG AH:LABA WASIIR OO ISKA CASILAY XUKUUMADII UU SHALAY MAGACAABAY C/RASHIID SHARMARKE

Posted on: February 21, 2009

WAR DEG DEG AH:LABA WASIIR OO ISKA CASILAY XUKUUMADII UU SHALAY MAGACAABAY C/RASHIID SHARMARKE
Djibouti 21 Feb 2009 ToggaHererMudane C/waaxid Cilmi Goonjeex oo loo magacaabay R/wasaare ku xigeen iyo wasiirka Tamarta iyo Shidaalka iyo Cabdulaahi Axmad Cabdulle Azhari oo loo magacaabey Wasiirka Jaaliyadaha ayaa xilkii iska casilay.
(2/21/2009)

Djibouti 21 Feb 2009 ToggaHerer
Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa ku soo waramaya in Mudane C/waaxid Cilmi Goonjeex oo loo magacaabay R/wasaare ku xigeen iyo wasiirka Tamarta iyo Shidaalka uu xilkii iska casilay.

Wasiirka oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa wararku sheegayaan in markii uu soo baxay liiska magacaabidda golaha wasiirka uu kulan kula qaatay Jabuuti xildhibaanada beesha SADE iyo Odayaasha Dhaqanka kadibna la isku afgartay inuu xilka iska casilo.

Kulan ay yeesheen xildhibaanada, waxgaradka iyo aqoon yahanka ayey ku qaadeceen magacaabista xilkaa, waxaana ay sheegeen xukuumadda la magacaabay ay tahay mid aan cadaalad aheyn sida ay hadalka u dhigeen.

Geesta kale isana Waxaa ka cududaartay kuna gacan saydhay.Cabdulaahi Axmad Cabdulle Azhari oo loo magacaabey Wasiirka Jaaliyadaha oo aan aheyn wasaarad aan jirin loona baahneyn in la sameeyo .

Waxaana la filayaa in Azhari iyo GoonJeex ay Saacadaha soo socda ay shir jaraaid ku qabtaan Magaalada Jabuuti halkaasna ay ka cadeeyaa mowqifkooda ku aadan Wasaaradahan loo magacaabay iyo tan Xukuumada R/Wasaare Sharmaarke.

Warqabadka ToggaHerer Moqdisho
Axmed Kulan Jookar
Moqadisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: